#Araweelo_News_Network.

Qaza(ANN)-Afhayeenka garabka millateriga Xamaas ee Al Qassam Brigades, Abu Cubayda, ayaa magacaabay saddex ka mid ah hubka ugu waaweyn ee ay dagaalyahanada kooxda falastiiniyiintu ku beegsanayaan gaadiidka gaashaaman iyo dubaabaddaha ku fashilmay dagaalka ciidamada Israel ee Marrinka Qaza.

Ubu Cubayda, ayaa sheegay in Xamaas ay u adeegsanaysay dagaalka noocyada Al-Yassin 105 madaafiicda lidka taangiyada,

Tandem-85, iyo walxaha qarxa ee Shuath si ay u burburiyaan baabuurta ciidamada Israel iyo Kaarayaasha ay wataan Ciidamada Israel ee TDF, kuwaas oo hore u ahaa kuwo aad loo buun-buuniyay, balse qaabka ay Xamaas u burburisay ku keeneen Israel niyad jab weyn iyo guuldaro.

Dhanka kale,  Xamaas iyo Israel ayaa ku heshiiyay qorshe  heshiis lagu sii daynayo la haystayaasha, iyadoo heshiiska oo soconaya muddo  4 maalmood  oo xabbad joojin ah.

Sidoo kale, in 150 Falastiiniyiin ah laga sii daayo jeelasha Israel, iyadoo heshiiskaa oo la doonayo in hirgelinayo subaxnimada Jimcaha, waxaana  sidoo kale heshiiskan qayb ka ah in sahayda iyo caawimooyinka gargaarka loo oggollaado in la geeyo muddadaa guddaha Qaza, maadaama ay muddo ka baddan Afartan maalmood oo dagaalku socday ay ku jirtay go’doomin, isla markaana ay ka jirtay xaallad bini’aadanimo oo qalafsan.

Ka hor intii aannu heshiisku hirgelin Ururka Xisbullah oo fadhigiisu yahay Lubnaan ayaa gantaallaha Volcano la beegsaday guddaha Israel, iyagoo beegsaday xeryo Millateriga Israel leeyihiin, iyadoo Israel awoodi weyday  in difaacoodu qabto.

Sidoo kale,  Israa’iil ayaa ku guuldaraysatay innay ka hortagto gantaal nooca loo yaqaan Cruise-ga ah oo lagu riday dhanka magaalada Eilat oo dhacda xeebta Koonfureed ee Israel,  kaas oo dhanka Yemen laga ganay, isla markaana (Iron Dome) difaaca hawadda ee Israel uu awoodi waayay in uu qabto gantaallada Yemen iyo kuwa dhanka Hisbullaah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com