Araweelo News Network
shaqolaaantaTuunisya waxa uu ka mid yahay dalalka xagga dhaqaalaha hoggaanka u haya woqooyiga Afrika. Shaqo la’aanta dalkan waxa ay tahay 15.4%. Waxa Tuunisiya leedahay siyaasad iyo goobo shaqaalaysiin (Green jobs Platform), kaasoo ay maalgeliso Hay’adda Maalgelinta Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika (Middle East and North Africa Tansition Fund). Hay’addan waxa ay lacagta soo marsataa Bangiga Horumarinta Islaamka (Islamic Development Bank). Hantida ku baxda mashruucan shaqaalaysiinta ah waxay dhan tahay $3.8 milyan doollar.
Mashruucan shaqo-abuurista waxa ujeeddadiisu tahay in lagu hawlgaliyo ardayda ka baxda jaamacadaha woqooyiga Afrika. Ugu yaraan 50 mashruuc oo shaqaalaysiin ah ayaa dalka Tuuniisiya laga bilaabay, kaasoo uu danta bixinayo bangiga horumarinta Tuunisiya. Qof kasta waxa la siinaayey $35,000 (shan iyo soddon kun oo dollar) si uu ganacsi uu leeyahay ugu samaysto.
Sambiya (Zambia)
Waa dal aan lahayn bad, waxaannu dhacaa koonfurta qaaradda Afrika. Bulshada ku dhaqan waxay dhan yihiin 13 milyan oo qof. Shaqo la’aanta ka jirta waa 14.1%. Ku dhawaad 9.2 milyan qof waxa ay ku nool yihiin nolol saboolnimo ah.
Dawladda Sambiya waxay inta badan samaysaa shaqooyin dhinaca xirfadda ah iyo waliba dugsiyo tababar oo ay xirfado shaqo lagu heli karo barto da’ yarta Sambiya. Waxa kale oo dadka dugsiyada ka tega amma waxbarashada iskaga baxa siisaa tababarro kala duwan oo ay noloshooda ku maarayn karaan. Inta badan tacliinta dalkani waxay u qaybsantaa mid dadban iyo mid toos ah (Formal and informal).
Qorshaha heer qaran ee shaqaalaysiinta dhallinyarada ee Sambiya waxa ku jira in da’ yarta loo sameeyo shaqooyin fiican. Dalalka caawiya dalkan arrintan waxa ay ka geystaan hawl weyn, waxaanay inta badan soo bandhigaan qorsheyaal ganacsi abuuritaan, iyadoo dhallinyarada Sambiya la siiyo lacag ay ku abuurtaan ganacsiyo u gaar ah.
Botswana
Dalkan Bostawana ee waxa ku nool laba milyan oo qof. Waxa uu ka mid yahay waddamada dhaqaalahoodu aadka u kobcayo caalamka. Shaqo la’aanta ka jirta waa 18%. Dawladdu waxa ay kor u qaadday soo-saarka alaabaha iyo dhoofintooda amma adeeg-bixinta dibadda 7.2% sannadkii 2015-ka, taasina waxay keentay in dhallinyaro badan shaqo la’aanta ka baxdo.
Dalka Bostawana waxa uu dagaal kula jiraa sidii ay meesha uga saari lahayd shaqo la’aanta. Waxa ay samaysa mashruuc lagu shaaqalaysiinayo dadka aan xirfadda lahayn sida loo dirayo maaraynta xoolaha iyo dhismayaasha. Waxa kaloo ka socda waddankan mashaariic horumarineed oo laga shaqaalaysiiyo dhallinyarada.
Akhriste, haddii aad la socotay dawladaha kala duwan ee 10 ah ee aan soo sheegnay sida ay dedaalka ugu galeen in ay shaqo-abuur u sameeyaan, meeshana uga saaraan shaqo la’aanta dhallinyarada oo dhibaato badan keena, waa wax aynu gaadhi karno, haddii dedaalkeeda loo galo.

Dhammaad.