Araweelo News Network

Kelmado kaliya kuma filna in lagu sharraxo geesinimada iyo dhiiranaanta dhabta ah ee ninka magaciisu ahaa Mark Inglis. Waa ninkii ugu horreeyey ee isagoo labada lugood aan lahayd buuro-koreen noqda, gaar ahaan waxa uu bishii May ee 2006 noqday qofkii ugu horreeyey ee socod lug ah ku fuula figta sare ee buuraha ugu dhaadheer adduunka ee la yidhaah Everest. Sheekadiisu waxa ay dhiirigelin nololeed u tahay boqolaal qof oo naafo ah iyo kuwo badan oo waayey rajada ka midho-dhalinta hamiyadooda.
Mr. Mark Iglis oo u dhashay dalka New Zealand waa nin aannu qaban caqabad nololeed ee hor taagnayd, lugo la’aantuna aanay rajo beel ku ridin. Waxa uu 27 September 1958-kii ku dhashay magaalada Geraldine ee dalka New Zealand. Mark Joseph Iglis waa ilmaha saddexaad ee ugu yar qoyskooda. Waxa uu shahaadada koowaad ee digriiga ka haystaa Jaamacadda Lincoln University ee dalkaas. Waxa uu dhigtay cilmiga Human Biochemistry. Sannadkii 1979kii, waxa uu bilaabay shaqadada ah baadhitaanka xirfadaysan iyo badbaadinta dadka buuraha ku luma amma khatarta ku gala.
Shaqadaas isagoo si fiican u haya, ayaa noloshiisa isbeddel ku yimmi sannadkii 1982kii, kadib, markii lugaha uu la galay bohol baraf ah (God baraf buuxiyey), waxa ku weheliyey oo bohosha kula dhacay nin kale oo ay wada socdeen, iyagoo muddo 13 maalmood ah lugaha kula jiray bohosha barafka ah, iyagoo sugayey cid badbaadisa. Labadoodaba waxa ay si xun uga dhaawacmeen lugaha, aakhirkiina waxa laga jaray labada lugood, gaar ahaan jilibka inta ka hoosaysa oo dhan.
Lugahaas la jaray kama ay dhigin mid niyad jaba, balse waxa noqday cilmi-baadhe aad ugu takhasusay culuumta kiimikada noolaha (Human Biochemistry). Waxa uu ka qaybgalay tartanka barafka (Ski Competition), taasina waxay u horseeday inuu ku guulaysto abaalmarin silfar ah oo lagu bixiyo tartanka naafada Sydney (Paralympics games) sannadkii 2000. Waxa kaloo uu sannadkii 2002 ku guulaystay tartanka fuulida buurta Aoraki/Mount Cook.
Waxa uu aad u jeclaa tartanada buuro fuulista, isagoo waliba labada lugood aan lahayn, balse guusha waxa u horseeday marna uma uu arkayn in lugo la’aantu caqabad ku tahay. Bishii September 2004, oo ku beegnayd sannad-guurada 45aad ee dhalashadiisa waxa uu ku guulaystay inuu fuulo buurta CHO-OYU figteeda sare oo ah buurta lixaad ee ugu dheer adduunka, waxaannu noqday qofkii labaad ee buurtaas isagoo aan lugo lahayn fuula.
Waxa mar walba garab taagnaa xaaskiisa iyo saddexdiisa carruur ah oo guusha la jeclaa. Inta badana waxa uu caan ku ahaa dhexgalka bulshada, isagoo khudbado u jeedin jiray ardayda iyo bulshada, una sheegi jiray sirta la isaga jebiyo niyad-jabka. Marna kuma uu joogin fuulista buurahaas, sababtoo ah waxa uu u tababaran jiray sidii uu u fuuli lahaa buurta ugu dheer adduunka oo dhan oo ah buurta Everest oo sidoo kalena loo yaqaan Nepal. Buurtan waxa ay heerka badda ka sarraysaa 8,848 mitir (Above the Sea Level).
Waxa uu hamigiisan bilaabay 15 May 2006 oo mar walba uu hamiga ku hayey inuu guushiisa gaadho. Muddo 47 maalmood ah ayey ku qaadatay inuu buurtaas figta uga baxo, intaas oo dhana wuxuu ku sii jiray fuulisteeda. Waxa uu noqday qofkii ugu horreeyey ee lugo aan lahayd ee buurta Everest kora.
Inta aanu gaadhin halkii uu doonayey inuu buurta Everest ka gaadho waxa ka jabay mid ka mid ah biraha cagaha ugu jiray (Carbon Fibre Prosthetic leg). Si ku meelgaadh ah baa loogu sii kab-kabay oo dadkii wehelinayey ugu sameeyeen, aakhirkiina wuu gaadhay guushii uu ku hamiyayey. Waxa uu noqday nin taariikhdu xusto. Si yididiiladiisu aanay u hadhin waxa uu qoray buuggaag ay ka mid yihiin; 1) No Mean Feat 2) To the Max 3) Off the Front Foot 4) No Legs on Everest.
Kaligii ma uu ahayn ragga yididiilooyinkan oo kale la yimmi ee naafada ahaa, balse nin kale oo la odhan jiray David Lim oo ahaa nin u dhashay dalka Singapore, caana ku ahaa buuro-fanashada, waxa hayey xannuun la yidhaa Buillian-Barre Syndrome. Waa xannuun dhif ku ah caalamka oo haleela hab-dhiska neerfisyada. Cudurkan dartiis waxa naafo ahaa labada indhood. Waxa ku sii fiday cudurkan, waxa uu muddo lix bilood ah ku jiray cusbitaalka, iyadoo aakhirkii lugaha qaybo ka mid ah curyameen.
Waxa uu haddana mar kale dib u bilaabay buuro fuulistiisii, isagoo waliba naafo ah, waxaannu noqday qofkii ugu horreeyey ee Singapore loo aqoonsado buuro-fanashada ugu firfircoon ee kor uga baxa 50 buurood oo aad u dhaadheer.
Waxa kaloo ka mid ahaa dadka aan lugo la’aantu dabarka ku noqon, Daniel Reilly oo ah wiil dhallinyaro ah oo u dhashay dalka Ingiriiska. Sannadkii 2005 oo uu 18 jir ahaa, waxa uu bilaabay bilaabida samaynta diyaarad isaga u gaar ah. Waxa uu ku dhex shaqaysan jiray qolkiisa hurdada.
“Fikrada samaynta diyaarad ii gaar ah waxay ku bilaabantay si kaftan ah, markii asaxaabtaydu igu yidhaahdeen waa inaad dadka dushooda socotaa. Waxa aan samaystay qorshe ganacsi oo ii gaar ah, kadibna waxaan la xidhiidhay la-taliye maaliyadeed, haddana guushii diyaarad ii gaar ah inaan samaysto waan gaadhay.”