Araweelo News Network
madaxweynahatunisia
Madaxweynaha dalka Tuuniisiya ee woqooyiga qaaradda Afrika Mr. Beji Caid Essebsi, ayaa kursigiisa qasriga Madaxtooyada u yaal ku sharfay wiil xannuunsanaya oo da’diisu tahay 5 sanno jir Khamiistii toddobaadkan.
Madaxweyne Beji Caid, waxa uu wiilkan yar oo la socda afar carruur ah oo kale ku soo dhaweeyey qasriga Madaxtooyada Tuuniisiya, isagoo u ogolaaday inuu ku fadhiisto kursiga Madaxweynaha, balse uga digay inuu ku sii raago waqti badan, waxayna madaxda qasriga madaxtooyadu roog cas u dhigeen wiilka yar.
“Ma adigaa qofka doonaya inuu noqdo Madaxweyne?” ayuu Madaxweyne Essebsi waydiiyey wiilka yar oo markii uu Madaxweynaha la kulmay loo soo xidhay suudh, isla markaana qarsiga Madaxtooyadu ula dhaqmeed sida madaxweynayaasha.
Safarka wiilka yar waxa soo qabanqaabiyey hay’ad la yidhaa Omnyati oo ka shaqaysa taakulaynta dadka dhibaataysan, gaar ahaan ubadka laxaadka la’ iyo kuwa buka, waxaanna kulankan taariikhiga ah laga duubay muuqaal lagu baahiyey boogga Facebook uu ku leedahay xafiiska Madaxtooyada Tuuniisiya.
Madaxweynuhu ubadkan yar waxa uu uga sheekeeyey rag waddaniyiin ah oo dalka soo maray sida Habib Bourguiba oo ahaa Madaxweynihii ugu horreeyey Tuunisiya ee 1956kii Markii dalku xornimada qaatay loo dhiibay xilka.
Waxa uu ubadkaas yaryar ee xafiiskisa booqday u sheegay in hoggaamiye Bourguiba uu halgan u galay xornimada dadkiisa, kadibna xabsiga loo taxaabay, Faransiiskuna mastaafuriyey.

Waxa kaloo uu uga sheekeeyey in sannadkii 1987kii uu xilka la wareegay Zin el-Abdine Ben Ali oo ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Carbeed ee xukunka lagaga riday kacdoonkii Carabta (Arab Spring Uprising) ee 2011-kii,
Madaxweyne Essabsi oo wiilka yar kursigiisa ku fadhiisiyey ayaa yidhi; “Hadda waa madaxweynaha cusub ee dalka.” Kadib waxa sacabka tumay carruurtii la socoday, halka wiilka yar ee bukayna wejigiisa ay farxad weyn ka muuqatay, balse wuxuu Madaxweynuhu wiilka yar kula taliyey in aannu in badan ku sii fadhiyin, isagoo tusayey in aan la jeclaysan kursiga madaxweynaha.