Maayarka New York Mr. Eric Adams Oo Ka Hadlay Shaqada Iyo Baahida Loo Qabto

Araweelo News Network.

 

New York (ANN)-Magaalada New York waxaa ka socda baadi goob loogu jiro nin gacan ku dhiigle ah oo dabar goynaya jiirka magaalada.

Maamulka ayaa bixinaya mushaar sanadle ah oo gaadhaya ilaa 170,000 oo doolarka Maraykanka ah si qofka ku haboon uu shaqadan u qabto.

 

Eric Adams, oo ah Duqa magaalada New York,  ayaa si cad u shaqaaleysiiya gacan ku dhiiglayaal si weyn ay baahi weyn ugu qabaan,  si ay u burburiyaan, amma u xasuuqaan waxay cadowga koowaad ee magaalada.

Dalabka shaqadan oo shuruudeheeda wadata, ayaa noqotay mid si weyn usoo jiidatay warbaahinta caalamka iyo rayal caamka bulshada Maraykanka iyo dunida kale, iyadoo loo qoondeeyay in la siiyo lacag dhan 4 bilyan sannadkii.

Duqa Magaalada New York, Eric Adams, ayaa November 30, 2022, wuxuu dalabka ogeysiiska ee dilaaga la doonayo in la shaqaalaysiinayo iyo shuruudaha shaqada ee jagadaa oo ah “Maareeyaha xasuuqa jiirka” ku dhejiyay xafiiskiisa, sidoo kale, “Ma awoodaa inaad samayso waxan adag? su’aasha ayaa ciwaan looga dhigay  warsidaha qorista ee maamulka oo lagu baahiyay

Qiimaha shaqadan, ayaa noqotay mid dad baddan hunguri ka galay, kaddib markii ay daalacdeen mushahar soo jiidasho leh oo gaadhaya 120,000 USD – 170,000 US, kaas oo qiyaastii noqnaya sannadkii 2.9-4 bilyan.

 

 

Si aad u dalbato shaqada xasuuqa Jiirka ee dilaanimada qofka doonaya, ayaa looga baahanyahay inuu buuxiyo shuruuddaha looga baahdo, sida shahaadada koowaad ee jaamacadda, khibradda qorshaynta Magaalooyinka, maaraynta mashruuca, maamulka dadweynaha iyo aqoonta qalabka xisaabinta, waxaana shardi ah inuu yahay qof qaadanaya go’aanka ah in la burburiyo jiirka magaalada New York.

 

Dadka inta baddan ka hadla dhibaatada jiirka,  ayaa tilmaama inta baddan in masiibada xayawaanku ku hayo ay si weyn hoos u dhigtay sumcadda magaalada ugu weyn Maraykanka ee New York, taas oo noqonay Dekedda koowaad ee ugu caansanayad dunida, ama ta labaad marka laga reebo Cadan oo Yemen ah.

Jiirka, ayaa inta baddan lagu arkaa meelaha tareenada dhulka hoostiisa mara iyo agagaarka meelaha qashin qubka. Sannadkii 2015, jiirku xitaa waxa uu noqday xayawaan cabsi weyn ku haya Magaalada New York iyo dadka Maraykanka, sida lagu baahiyay warbixin lagu daabacay boggaga hore ee vietnam Posts

 

Maamulka magaalada ayaa malaayiin doolar ku bixiyay sidii loo dabar gooyn lahaa jiirarka. Waxay fuliyeen tallaabooyin kala duwan oo ay ku jireen in laga ilaaliyo dhalmada si aannu u tarmin, sidoo kale, waxa loo dhigay qorshayaal dabino loogu dhigayo, laakiin dhammaan arrimahaa ayaan waxba ka beddelin xaaladda.

 

 

2019, Mr. Adams, oo xilligan ah Maayarka New York, wuxuu  ahaa Guddoomiyaha xaafadda Brooklyn, wuxuuna  soo bandhigay mishiin jiirka lagula dagaalamo, sdoo kale, waxa la furtay Akadamiyadda Jiirka, taas oo dadka deegaanka ay ku tababarayaan sida looga hortago Jiirka ee loola tacaalo, balse dhammaan arrimahaa ayaa noqday kuwo aan waxba ka beddelin xaaladda, waxa keliya ee ay sii kordhiyeen cadhada iyo xanaaqa Jiirka oo isaguna dhankiisa ku jira dagaal iyo sidii uu isaga cabin lahaa duulaanka loo qorsheeyay iyo dabinada loo xidhay ee la diinayo in lagu xasuuqo.

Dhinaca kale, Warbixino kale oo laga sameyeeyay dhibaatada, ayaa sheegaya in sagaalkii bilood ee ugu horeeyay sannadka, dadku waxay kasoo sheegeen khadka Taleefoonka ee magaalada New York in ka badan 21,500 xaaladood oo ah inay arkeen jiirarka, taas oo muujinay sida uu Jiirku u kordhayo.

 

Duqa magaalada New York, Adams ayaa soo dhigay bartiisa Twitter ee gaarka ah, “Aad baan ugu necbahay jiirka”. Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in shaqadan mushaharka ah ee ay sheeciyeen ay sugeyso murrashaxiinta mustaqbalka.

 

Dhibaatada jiirka ayaa ah mid ka jirta gees kasta oo New York ah, taas oo aan ahayn mid lala yaabo oo aan ku cusbayn dadka deggan iyo dalxiisayaasha.

 

New York ah marka loo eego wadarta guud ee dadka magaalada Jiirku waa mid aad u baddan, waxaana lagu qiyaasay ilaa 9 milyan oo xayawaan ah, sida ay sheegayaan daraasado la sameeyay, wallow ay jiraaan daraaso kale oo qaarkood beeniyeen macluumaadkan.

In kasta oo Jiirku aannu ahayn mid dhib ku haya magaalada New York oo keliya iyo Bulshada Maraykanka, balse waa mid dhibaato ku haya dhammaan dadyowga Adduunka oo dhan.

Dhibaatada jiirka ayaa soo jirtay muddo dheer, laakiin si dhab ah looma xallin, tusaale ahaan Qoraa Ingiriis ah oo magaciisu yahay, Charles Dickens,  ayaa ka cawday jiirka markii uu booqday New York 1842, taas oo muujinay in ilaa xilligaa oo ku beegan markii ay New York ahayd dekeddaha ugu caansan Aduunka .

 

 

Hase yeeshee, cabsida weyn ee jirta ayaa ah in Taariikh ahaan, cudurka daacuunka, ayaa lagu xidhiidhiyaa inuu jiirku yahay xayawaan door weyn ka qaata faafitaankiisa iyo xataa sababaha dhaliya inuu dilaaco, tusaale ahaan xilligii daacuunku ku dhuftay Yurub 1347, waxa lagu xusay taariikhda in Cuddurka Daacuunka loo aqoonsaday, amma loo yaqaan “Dhimashada Madoow” wuxuuna galaafatay nolosha 200 milyan oo qof muddo Afar sano gudahood, sidaa darteed waxa loo arkaa tan ugu khatarta baddan taariikhda Aadamaha, marka laga reebo Cuddurka  furuqa, iyadoo Jiirka loo aqoonsaday, amma lagu tilmaamay inuu yahay xuddunta faafitaanka cuddurkaa, maadaama uu ku si joogta ah uga dhowyahay nolosha Aadamaha.

 

Sidaa darteed, waxay dadka sida weyn ugu ololaynaya xasuuqa la doonayo in lagu sameeyo Jiirka doonayaan in New York ay u baahan tahay inay hesho ciddii qaadan lahayd mashruuca dilaaga Jiirka, kaas oo sida ugu dhakhsaha baddan ee suurtogalka ah loo hawlgeliyo si loo xalliyo dhibaatada hadda jirta ee jiirka si loo ilaalinayo caafimaadka Bulshada.

 

Dhibaatada jiirka ayaa soo jirtay muddo dheer laakiin si dhab ah looma xallin. Qoraaga Ingiriisida Charles Dickens ayaa ka cawday jiirka markii uu booqday New York 1842kii.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com