Araweelo News Network
salaanka
3. Waxa ay isku duba ridaan siday u kala horreeyaan hawluhu
Buugga Caaddooyinka Tujaarta (Rich Habits) ee uu qoray ninka la yidhaah Corley daraasadaha ku jira ee ku daabacan waxa ka mid ah in dadka guulaystay ay inta badan diyaariyaan sida ay u kala horreeyaan hadafyadoodu. Xaqiiqadii, cilmi-baadhistiisu waxay soo bandhigtay in 81% dadka tujaarta ah ay samaystaan liisto hawlqabadyadooda ah, halka 19% ka mid ah dadka saboolka ahna ay sidaa yeelaan.
“Dadka guulaysta waa kuwo u orda hadaf, waxa ay samaystaan hadafyo waqti kasta ah, kuwo maalin leh ah oo u habaysan sida ay u kala horreeyaan,” ayuu Corley ku qoray buuggiisa.
Sidaa darteed, ka hor inta aanad maalintaada bilaaban isku habayso hadafyadaada, tax, soona hor mari kuwa aad is leedahay suuragal bay kuu tahay inaad qabato amma fursadaada 80% aad ku guulaysan karto si aad maalintaa u dhammayso. Waxa kuu habboon inaad ahmiyad kala siiso hawlahaaga iyo waqtiyada aad qabanayso.
Marka ay kuu dhammaato maalintaas qiimee wixii aad qabatay. Waxa aad ogaanaysaa guusha aad gaadhay inta ay le’eg tahay.
4. Ma dawadaan TV
Cilmi-baadhisyo kala duwan oo lagu darsay dadka guulaystay dunida guudkooda waxa la ogaaday in 23% ka mid ah ay sheegaan in telefiishanka ay dawadaan wax aan ka badnayn saacad maalintii, halka 77% dadka saboolka ah ay waqti badan daawashada TV-ga ku bixiyaan. 78% dadka daawada telefiishanka wax ka badan saacad waxa ay noloshoodu isu beddesha TV dhab ah, sababtoo ah waxa ka luma waqti badan, halka dadka guulaystay waqtigooda uga faa’iidaystaan wax akhris amma hawlqabad jadwalkooda ugu astaysnaa.
Qoraal iyo khubaro waqti maarayntiisa u takhasusay ayaa telefiishanka u yaqaan inuu yahay hab-dhaqanka dadka saboolka ah (Poverty habit) oonu ahayn hab-dhaqan lagu yaqaan dadka guulaystay ee dunida guudkeeda hantida ku yeesha.
5. Xidhiidhay samaystaan
Waxa xasuus mudan maahmaahda caanka ah ee tidhaahda ‘Shimbirba Shimbirkiisu la duula.’ Dadka guulaysa waxa ay inta badan waqtiyadooda firaaqada la qataa dad faa’iido ugu jirto la kulankooda, saamayn leh amma barta bulshada ee Linkedln ee isku xidhiidha inta isku mihnada ah amma koox isku hal-abuur ah oo fikrado ganacsi ka dhex guuxayso oo aragtiyada hadba hal-abuur ee waqtiga ay doonayaan fulintooda is waydaarsada.
Si haddaba aad u kordhiso xidhiidhkaaga abuuro shabakad aad isla jaanqaadi kartaa, tusaale ahaan waxaad waqti la qaadata arday aad isku fasal ahaan jirtee, macallimiintaadii jaamacadda. Xidhiidh samayso dadka kula shaqeeya ah amma shaqada aad hayso oo kale haya, xataa waydiiso asaxaabtada in ay kugu xidhiidhin karaan dad kula mihnad ah…. La soco….