Araweelo News Network.

 

#Suez wuxuu ku kacayaa ku dhowaad khasaare $ 10bn ganacsiga Aduunka maalintii

Khabiirka ugu caansan dunida ee badbaadinta Maraakiibta Mr.  Nick Sloane Oo Muujiyay Guuldaro.

By Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights activist.

 

Cairo(ANN)-Walaac weyn oo dhaqaalaha aduunka liicinaya Ballaayiin Dollar, ayaa ka dhashay Markabka weli ku xayiran Markinka ganacsiga ee ugu muhiimsan dunida ee Suez Canal oo isku xidha Bariga iyo Galbeedka.

 

Evergiven Suez Canal

Evergiven Suez Canal Image Araweelo News News Network. 27 March 2021.

Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa amar ku bixiyay in loo diyaar garoobo sidii loo soo dejin lahaa markabka ee looga rogi lahaa culayska konteenarrada ee ku xayiran Suez, taas oo ka dhalatay markii dedaaladii ugu dambeeyay ay ku guuldareystaan ​​in la meesha laga saaro Markabka, taasoo muujineysa halista sii kordhaysa ee xidhitaanka halbowlaha ganacsiga muhiimka u ah uu sii socon karo, ama sii jiitamayo toddobaadyo, balse doodo ayaa weli ka taagan, waxaana loo arkay faragelin amarka Madaxweynaha Masar.

Khasaaraha Dhaqaalaha Aduunka.

 

Khuburada dhqaalaha ayaa sheegaya inmarka loo eego qiimeyn maaliyadeed oo ay soo saartay hay’ad Bangi oo caan ah, xannibaadda Suez Canal waxay sababi karto khasaare dhan $ 9.6 bilyan oo ganacsi maalin kasta; ama sidoo kale, $ 400 milyan saacaddiba.

 

Qiimaynta iyo xisaabinta liistka Lloyd, ee shixnaddaha dhanka galbeed u socdaalaya ee ka gudbaya marin biyoodka muhiimka ah waxa lagu qiyaasay in ay tahay mid u dhiganta qiyaastii $ 5.1 bilyan maalintii, halka shixnaddaha u socda dhanka bari lagu qiimeeyay qiyaastii $ 4.5 billion.

 

Ku dhiwaad 200, oo markab ayaa hadda sugaya in ay ka gudbaan marinka xaniban maalintii lixaad, waxayna qiyaastii 27 ka mid ah oo kuwa saliida qaada ah ay sidaan qiyaastii 1.9 milyan oo tan oo saliid ceedhiin ah.

 

Isku Daygii Fashilmay.

 

Shirkada ugu weyn maraakiibta iyo gaadiidka Baddaha ee lagu magcaabo Bernhard Schulte Shipmanagement, ayaa sheegtay in maareeyaha farsamada ee barnaamijka Ever Given, sheegay in isku day jimcihii lagu doonayay in lagu dhaqaajiyo Markabka amma, lagu jiido si loo baneeyo marinka uu fashilmay.

Cidhiidhiga isu socodka Baddaha ayaa u kordhay, waxaana la sheegaya ilaa 280 markab tan iyo maalintii Sabtida meel ka baxsan kanaalka Suez ku xanibnaayeen, sida laga soo xigtay kooxda hawlwadeenada shirkaddaha Leth Agencies ee Suez Canal, waxayna Maraakiibta qaarkood bilaabeen inay bedelaan jihadii ay u socdeen, balse daraasiin maraakiib ah, ayaa weli ku sii jeeda marin biyoodka, sida laga soo xigtay shirkadda ururisa xogta Baddaha iyo isu socodka ee Refinitiv.

 

Mugga Dhaqaalaha Aduunka ee Mara Marinka.

 

Qiyaastii 12 boqolkiiba mugga ganacsiga adduunka wuxuu maraa Suez Canal, Saraakiisha Maamulka dalka Masar ayaa ku dhawaaqay inay ka fiirsanayaan inay magdhow ka siiyaan shixnadaha shilkaa ku yimi, balse taasi maaha mid xilligan la filayo, iyadoo Masar dhaqaale badan oo lacagta adag  ah ku waayaysa xanibaada uu xayirmay Suez Canal.

Saxmda Maraakiibta.

 

Dhinaca kale, madaxa shirkadda Refinitiv Oil and Shipping Research ee Bariga Dhexe iyo suuqa Waqooyiga Afrika, Ranjith Raja, ayaa sheegay in uu rajaynayo cidhiidhiga isu socodka ee ka dhashay shilka sii socon doono toddobaadyo.

Waxa lagu guuldaraystay in shirkaddaha ku xeel-dheer dhanka qodista ay ilaa iyo hada ku guuldaraystay inay ka saaraan markabka oo ah mid sida shixnad culays ah oo baaxad leh tan iyo Salaasadii markii shilku dhacay,  taas oo kordhinaysa suurtagalnimada in la kordhiyo xayiraadda Suez Canal oo aannay weli muuqan rajo fiican, wallaw ay jiraan dedaalo badan.

 

Sababta  dhibaaatada Markabka.

 

Mulkiilayaasha shirkadda , Ever Given, ayaa ku doodaya in sababta shilku ay ahayd  dabayl riixday Markabka, taas oo sababtay in xamuulka uu sido oo ka badan 20 kun oo kontaynarro ah, isla markaana markabka dabayshaasi ku xidhay daan ilaa daan (Bank to bank), oo ah dhinaca Bacaadka geftinada, ama cidhifyada, kadibna awooddi waayay Markabku inuu sii wato socodkiisa, isagoo xanibmay marin hal haad oo kanaalka ah, kaas oo dhawr mayl u jira Afaafka dhinaca koonfureed ee Suez Canal. .

 

Guuldarada uu muujiyay Khabiirka Nick Sloane

Captain Nick Sloane, oo ah Injineerkii hogaaminayey howlgalka badbaadinta ee lagu soo samata bixiyay markabkii Talyaaniga ee Costa Concordia sanadkii 2012, ayaa sheegay in uu filayay in fursada ugu wanaagsan ee markabka lagu dhaqaajiyo ay meesha ka baxday.

 Khabiirka caalamiga ah Captain  Nick Sloane, wuxuu intaa ku daray in howsha markabku ay tahay mid sabaynaysa, sidaa awgeed aannay ahayn wax fudud, rajada uu qabay, ayuu ku macneeyay in mowjaddaha ay ku dari doonnaan 46 sintimitir oo dherer ah, taas oo sida uu xusay u oggolaan lahayd in  la helo qaab looga riixo Markabka Ever Given Bacaadka, balse aannay weli muuqan taasi.

Wallaaca Dalalka Saliida soo saara

Dalalka Saliida soo saara ayaa si weyn durba uga qayliyay xiyiraadda marinka muhiimka ah, waxayna ka wer-werayaan in uu si weyn u wiiqmo dhaqaalahooda ku xidhan Saliida ceedhiin ee ay dibedda u dhoofiyaan, sidoo kale ganacsiyada waaweyn ee aduunka saamiyada sayladaha aduunka ayaa laga cabsi qabaa in si lama filaan ah ay hoos ugu ciiraan, iyadoo ay dunidu si weyn u dareentay saamaynta uu horeba dhaqaalaha aduunka ugu yeeshay xannuunka Coronaviris oo sannadkii hore gaadhsiiyay Saliida aduunka qiimihii ugu hooseeyay inta la xusuusanyahay taariikhda.

Marinka ahmiyada weyn u leh dhaqaalaha iyo isu socodka aduunka ee Suez Canal, ayaa ah marin biyood heerkiisu sareeyo oo u socda waqooyiga ilaa koonfur kana sii gudba Isthmus oo ah Suez oo dalka Masar ah, wuxuuna isku xidhaa Badda Mediterranean iyo Badda Cas.

Muxuu yahay Markabka Ever Given?

Markabka xilligan ku xanibmay ee Ever Given, waxa la sameeyay saddex sannadood ka hor, xilligaa oo ahayd 2018, Shirkadda Imabari Shipbuilding.  Wuxuu ku jiraa 13 Markab oo ah kuwa aduunka ugu waaweyn ee qaatada xamuulka Saliida,  Shoei Kisen oo ah madaxa Shirkadda, , ayaa leh  Ever Given,  sida laga soo xigtay madaxa shirkada, Yukito Higaki. Markabka ayaa ku gooshaa Calanka Panama.

Ever Given ayaa dhererkiisa lagu sheegay in uu yahay 400 mitir,  halka balackiisuna yahay 59 mitir, wuxuuna leeyahay awood ka badan 20,388 konteenar, wallaw loo diiwaangeliyay shirkadda samaysay 2018, in uu qaado 20, 000, Konteenar.

Si kastaba ha ahaatee Markabka ayaa noqday dunida oo dhan durba laga dareemay xayiraada uu sababay ee marinka ganacsiga aduunka kuwa ugu muhiimsan ee isku xidha Bariga iyo Galbeedka dunida.

By Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Jaamac132@gmail.com