#Araweelo_News_Network.

Washington (ANN)-Baadhayaasha Federaalka ee Maraykanka ayaa Khamiistii shalay xidhay shaqsi lala xidhiidhinayo faafinta xogta sirta ah ee Maraykanka ee dagaalka Ukraine oo todobaadkii hore la faafiyay.

Xeer Ilaaliyaha Guud Maraykanka, Merrick Garland ayaa xadhiga shaqsigaa daqiiqado kaddib shir jaraa’id oo uu qabtay ku xaqiijiyay in ninka magaciisu yahay, Jack Teixeira, oo 21 jir ah oo ka tirsanaa shaqaalaha Ciidanka Cirka, la xidhay kaddib markii ay warbaahintu shaacisay xadhigiisa iyo kiiska lagu eeddeeeyay.

Garland waxa uu sheegay sababta loo xidhay ninkaa ay tahay in “ay la xidhiidho baadhitaan ku saabsan ka saarista aan la ogolayn, haynta iyo gudbinta xogta difaaca qaranka ee sirta ah.” Wuxuuna intaa ku daray in Baadhayaasha Federaalku ay xabsiga dhigeen Teixeira, iyadoo aan wax dhibaato ah ka dhicin qabashadiisa.

Baadhayaasha Federaalka ee FBI-da ayaa mar sii horraysay sheegtay in ay sii wadato fulinta sharciga la oggolaaday ee guri ku yaal North Dighton, Massachusetts, halkaas oo uu deganaa ninka la qabtay.

 

Warbaahinta Maraykanka ayaa goor hore oo Khamiistii ahayd faafisay macluumaadka ku saabsan Teixeira, balse ma jirto xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan inuu yahay shaqsiga la rumaysan yahay inuu ka dambeeyay faafinta sirta.

Jack Teixeira, oo 21 jir ah, isla markaana ka tirsanaa shaqaalaha Ciidanka Cirka, ayaa kasoo muuqday maanta maxkamad ku taalla magaalada Boston ee dalka Maraykanka, halkaas ay si rasmi ah dacwad loogu soo oogay sarkaalkan ka tirsanaa ciidamada Cirka ee Maraykanka, iyadoo lagu eeddeeyay in uu faafiyay dukumentiyo sir ah iyo waraaqo difaac oo sir ah dhammaantood.

 

Jack Teixeira, oo 21 jir ah, waxa uu soo xidhay katiinado iyo dirayska xabsiga xilli uu hor istaagay garsoore heer federaal ah.

Laxidhiidha: Warbixin Sir Ah Oo Sheegtay In Masar Shixnad Gantaalo Ah U Diray Ruushka Iyo Maraykanka Oo Ka Niyadxun Ukraine

 

Markii la keenay Maxkamadda waxa la maqlay dhawaaq qaylo ah “waan ku jecelahay, Jack” oo ka soo yeedhay qof ku sugnaa qolka maxkamadda, balse eeddaysanuhu wuxuu ku jawaabay “adiguna, Aabe”.

 

Mr Teixeira ayaa wajihi doona ilaa 15 sano oo xaridh ah haddii lagu helo denbiga, marka la eego eeddaha lagu soo oogay ee la xidhiidha gudbinta xogta difaaca oo aan la fasaxin.

 

Waxa kale oo lagu soo oogay ka saarista aan la ogolayn iyo haynta dukumentiyada sirta ah ee Maraykanka.

 

Duuliyaha ayaa wajahaya dambiga koowaad ilaa 10 sanno oo xadhig ah, halka eedda labaad uu ku waajahayo ilaa 5 sano oo xadhig ah.

Hase yeeshee, waxa soo baxaya warar sheegaya in ay arrintan ku lug leeyihiin shaqsiyaad kale, kuwaas oo laga yaabo inay noqdaan shaqsiyaad muhiim ah.

 

Tobbaneeyo Dukumeenti oo si qarsoodi ah loo helay ayaa daaha ka rogay qiimaynta Maraykanka ee dagaalka Ukraine iyo sidoo kale siro xasaasi ah oo ku saabsan xulafada Maraykanka.

 

Xogta la faafiyay oo inta baddan Wargeyska Washington Post faafisay, waxa kale oo ku jiray in Maraykanku basaasay dalalka ay xulufada yihiin, sida Israel, Koonfurta Kuuriya iyo kuwo kale, taas oo markii ay warbaahintu heshay weji gabax ku noqotay Washington waxayna su’aalo cusub ka keeneen ammaanka iyo macluumaadka sirta ah, taas oo loo malaynayo in loo dawiyay dhinaca Ruushka iyo Shiinaha.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com