#Araweelo_News_Network.

Washington(ANN)-Warbaahinta reer galbeedka ayaa shaacisay in ay jiraan shixnad hub ah oo dawladda Masar doonayso inay si hoose ugu dirto Mascow.

Wargayska Washington Post ayaa qoray in dukumentiyo laga helay sirta dawladda Maraykanka ku lug yeelan karaan xulafada Maraykanka, kuwaas oo sheegaya in Masar in ay hub ka iibiyaan Ruushka.

Dukumentiyada ayaa lagu soo waramayaa in ay muujinayaan in Madaxweynaha Masar Abdul Fattah al-Sisi uu amar ku bixiyay in 40,000 oo gantaal loo raro Moscow.

 

Xogta ayaa sidoo kale iftiiminay in Maraykanku basaasay xullafaddiisa muhiimka ah, oo ay ku jiraan Israel iyo Kuuriyada Koonfureed. Laakiin xukuumadda Seoul ayaa meesha ka saartay qaar ka mid ah falaysha xanbaarsan xogta oo ah tiro ‘muhiim ah, kuwaas oo ay ku tilmaantay ‘been abuur’. Pentagon ayaa sheegay in ay amartay in dib u eegis gudaha ah lagu sameeyo dhammaan faylasha, iyada oo ku sifaysay faafinta in ay tahay mid aad halis iyo khatar weyn ugu ah amniga qaranka.

 

Dhinaca kale, xoggaha sirta ee Dukumentiyada ayaa tilmaamaya in ay suurtagal tahay in Washington shaki ka qabto awoodda Ukraine u leedahay in ay  guul iyo horumar la taaban karo ka gaadho dagaalka weerarradeeda qorshaysan ee xilliga gu’ga, sida uu soo weriyay wargeyska Maraykanka ee Washington Post Salaasadii, isagoo soo xiganaya dukumentiyada sirta ah ee Maraykanka.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in arrintaa ay sabab u tahay Saannad la’aan, qalab iyo ciidan la’aan, taas oo uu ku macneeyay sababta ugu weyn ee keentay kalsooni darrada Maraykanka ee Ukraine.

 

Warbixinaha ayaa sheegaya In kasta oo aan la hubin in dukumeentiyadu ay run yihiin, balse waxa jirta qiimayn ku saabsan xaaladda dagaalka, Ukraine, taas oo sida muuqata la soo saaray horraantii Febraury, waxaana qiimayntaa lagu sheegay in cilladaha millateriga Ukraine ay noqon karaan, ama u badan tahay inay dhiirigeliyaan kuwa dhaleeceeya ee dareemaya in Maraykanka iyo NATO wax badan ka qabtaan sidii ay u riixi lahaayeen xallinta wadahadalka collaada.

Sidoo kale, Xog kale oo sirta ah ayaa sheegaya in madaxweynaha Masar Abdul Fattah al-Sissi uu amray ilaa 40,000 oo gantaal si qarsoodi ah loogu diro Ruushka, kuwaas oo aan la ogayn nooca ay yihiin, iyadoo Ruushku yahay quwaddaha iyo dawladdaha aduunka ugu horumarsan xagga hubka, sidaa awgeed ay sheekadan aan caddaymaha wadan qayb ka tahay dacaayaddaha dagaalka ka dhanka ah Ruushka ee warbaahinta reer galbeedka.

 

Hase yeeshee sida ay sheegay Washington Post oo soo xiganay Dukumeentiga, ayaa sidoo kale ku warramay in wadahadal dhex maray Madaxweyne Sisi iyo madaxda sare ee Millateriga Masar, si ay u ilaaliyaan wax soo saarka iyo shixnadaha sirta ah, taas oo sida ay sheegeen looga jeedo in laga fogaado dhibaatooyinka dalalka xullufadda ee Galbeedku u geysan karaan Masar.

 

Dalka Masar, ayaa ka mid ah xullafadda ugu muhiimsan Washington ee Bariga Dhexe iyo mid ka mid ah kuwa ugu baddan ee hela gargaarka millateri ee Maraykanka, balse waxa jira xidhiidh weyn oo kale oo ay la leedahay Moscow, iyadoo Madaxweyne Putin ka hor intii aannu bilaabin weerarka Ukraine la kulmay Madaxweyne Sisi.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com