#Araweelo_News_Network.

Laascaanood(ANN)-Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa ku jirta xaalad cakiran oo aan la saadaalin karin, iyadoo maalinba maalinta ka danbaysa ay kusoo qulqulayaan Maleeshiyaad ka imanaya dhinaca Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaliya iyo deegaamo kale oo Soomaaliya ah.

In kasta oo dagaalkii ugu weynaa ee u danbeeyay ka dhacay horaantii 1 April 2023, isla markaana aannu jirin dagaal kale oo fool ka fool ah, balse waxa jira diyaargaraw xoogan oo ay wadaan huwanta Maleeshiyaadka, iyadoo ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland dhankooda ku jiraan heegan, taas oo u muuqata in daqiiqad walba si dhibyar uu dagaalku u bilaami karo.

Xukuumadda Somaliland, ayaa go’aamo kasoo baxay shirkii gollaha wasiirrada ee Khamiistii todobaadkii hore ku sheegtay in Magaalada laga safaynayo maleeshiyaadka ka yimi dhinaca Puntland iyo kuwa ay ugu yeedhay argagixisada ee ku sugan Laascaanood, iyadoo dhinaca kale lagu xusay go’aamada in shacbiga Laascaanood iyo xukuumaddoodu heshiin doonaan, isla markaana waxay Somaliland ku celisay eeddaynta collaada Laascaanood oo ay dusha u saartay maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo ay sheegtay inay doonayaan inay sameeyaan xuduud qabiil iyo isir ku salaysan, taas oo ay xukuumadda Madaxweyne Biixi sheegtay inay khatar ku tahay amniga gobolka.

Laxidhiidha: Go’aamo Xukuumaddu Ku Muujisay Ahmiyada Ay Leedahay In Laascaanood Laga Sifeeyo Puntland Iyo Kooxaha Aragagixisada

Dhinaca kale, ma jiraan dhaqdhaaqyo dublamaasiyadeed oo muujinaya raja laga qabo in laga baaqsado in dagaalku dib uga bilaabmo magaalada Laascaanood oo la ciir-ciiray maleeshiyaadka gurmadka u yimi halkaa, kuwaas oo qaab fawda ah ka dhigay magaalada, isla markaana cabsi kale ku abuuray bulshada, iyagoo ka wer wersan habdhaqanka Maleeshiyaadka ee kala duwan iyo kala danbayn la’aanta, iyadoo qaarkood ficilo aannay bulshadu jeclaysan iyo dhaqamo aannay raali ka ahayn ku kacaya.

Sidoo kale, maleeshiyaadka ayaa mararka qaar geysta dilal ay kula kacaan dadka Magaalada iyo kufsi ,iyagoo qaarkood isticmaalaya mukhaadaraadka kusoo fatahay magaalada tan iyo markii ay fawdadu ka bilaabantay ee ay ka baxday gacanta maamulka Somalilad.

 

Dhinaca kale, dhawaaqyo ku baaqayay in collaada Laascaanood la joojiyo iyo isku dayo la doonayay in dariiq nabadeed iyo wadahadal lagu dhammeeyo xaaladda ayaa noqday kuwo aan midha dhalin, waxaana sidoo kale, shaqayn weyday xabad joojin marar baddan ay xukuuamdda Somaliland ka dhawaajisay oo ay door weyn ku lahayd beesha caalamka , kuwaas oo aan noqday waxba kama jiraan, isla markaana jabay markii ay dhaceen dagaalo khasaare weyn dhaliyay oo meesha ka saaray rajadii iyo yididiiladii nabadeed ee collaada Laascaanood.

Dhankooda Dawladdaha daneeya arrimaha mandaqada iyo dalalka gobolka, ayaa ka cabsi qaba in qaabka loo abaabulay collaada Laascaanood ay isu bedesho dagaal gobolka ku faafa, maadaama ay dhinaca Maleeshiyaadka iyo huwanta ay ciidamada Somaliland isku hor fadhiyaan halkaa ay khatar hor leh ka abuuraan gobolka, maadaama ay yihiin kuwo qaab isir oo qabaail ah isu soo abaabulay oo ay ku jiraan kooxaha qaarkood kuwo lala xidhiidhinayo kooxaha mayalka adag ee Aragagixisada xidhiidhka la leh Al-shabaab iyo ururada kale ee waaweyn.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com