#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si cad u muujisay ahmiyada ay leedahay in magaalada Laascaanood laga sifeeyo maleeshiyada maamulka Puntland iyo kooxo ay sheegtay inay Argagixisada ka dagaalamay halkaa.

 

Balse Go’aamada kasoo baxay shirkii gollaha wasiirrada Somaliland ee Khamiistii, ayaa lagu xusay in shacbiga Laascaanood iyo xukuumaddoodu mar uu hashiin doonaan oo dagaalku dhammaanayo, isla markaana xukuumaddu ku baaqayso nabad inta aan khasaaruhu sii kordhin.

 

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici ayaa guddoominayay kulanka oo lagaga hadlay arrimo baddan, sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay kulanka kaddib.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa golluhu ka dhegeysatay warbixin la xidhiidha xaaladda amniga dalka, iyadoo sidoo kale warbixin ku saabsan Dhaqaalaha Dalka laga dhageystay Wasiirka Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire.

 

Sida lagu sheegay qoraal saxaafeedka golluhu wuxuu dood iyo falan qayn kaddib soo saaray qodobbo muhiima oo salka ku haya arrinta Laascaanood, kuwaas oo kala ah:

 

  1. Wuxuu golluhu hambalyo iyo taageero u muujiyay ciidamadda qalabka sida ee heeganka iyo difaaca hadh iyo habeenba ugu jira dalkooda iyo dadkooda sidii ay u sugi lahaayeen amniga guud ee dalka.
  2. Golluhu waxa uu caddaynayaa in dagaalka Puntland ka waddo Magaalada laascaanood uu yahay mid ay ku doonayso in ay ku samayso xuduud qabyaaladeed, kaas oo saamayn ku yeelan kara xasilloonida iyo deganaanshaha Geeska Afrika.

 

  1. Golluhu waxa uu garawsan yahay in ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabkeeda Laascaanood ay heshiin doonaan, mar walba oo dagaal dhacana waa laga heshiiyaa, balse Golluhu waxa uu dul istaagay muhiimadda ay leedahay in Laascaanood laga sifeeyo Ciidammada Puntland iyo Kooxaha Argagixisada ah ee ciidamada dagaalka kula jira, si loo sugo Xuduuddaha Dalka.

 

  1. Golluhu waxa uu iftiimiyay in ay Jamhuuriyadda Somaliland mar kastaba diyaar u tahay in arrinta Laascaanood lagu soo dabbaalo nabadgelyo, xabbad-joojin iyo wada-hadal, inta aan khasaaruhu intaa ka sii ballaadhan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com