#Araweelo_News_Network.

 

Boosaaso(ANN)-Weerar lagu qaaday suuqa ganacsiga ee Al-macruuf  oo ah suuq ganacsi oo ku yaal magaalada Boosaaso, weerarka  oo caawa saacadihii danbe dhacay, ayaa sababay khasaare ballaadhan, iyadoo la arkayay markii weerarku dhacay dab ka kacay suuqa.

Wararka hordhaca ee shebekaddaha Araweelo News Network heashay ayaa sheegaya in ay jiraan dhaawac iyo dhimasho, isla markaana markii weerarku dhacay tacshiirado rasaas ah kaddib qarax ka dhacay dhismaha suuqa, kaas oo sababay in dab weyn ka kaco halkaa.

Dablayda weerarka lala xidhiidhiyay ayaa goobta ka baxsatay, waxaana xilli danbe soo soo gaadhay Dab-damiska iyo ciidanka Booliska, iyadoo lala tacaalayo dabka ka kacay goobta.

Shirkadda Al-macruuf ayaa ka mid ah shirkaddaha ugu waaweyn ee ganacsiga, waxayna xarumo ku leedahay deegaamo kale oo ka baxsan Boosaaso, sida garoowe iyo Laascaanood iyo magaalooyin kale.

Inta baddan Magaalada Boosaaso, waxa ka dhaca weeraro sidan oo kale ah, iaydoo dhawrkii bilood ee u danbeeyay ay ka dhaceen dhawr weerar oo khasaare dhaliyay, kuwaas oo ay fuliyaan kooxo hubaysan iyo Al-shabaab.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com