Taangiyada La Buunbuuniyay Iyo Gantaalaha Ridada Dheer  Ee Xulufadda NATO Maxay Ka Beddeleen Dagaalka Ukraine

#Araweelo_News_Network.

Warsaw (ANN)-Madaxweynaha Ukraine, Zelenskyy oo ku jira jaah wareerka dagaalka dalkiisa, ayaa booqasho ku tegey dalka Poland, halkaas oo soo dhawayn rasmi ah ka helay Madaxweynaha Poland Andrzej Duda.

Poland waxa ay xulafo dhaw oo ay ku muujisay cod dheer la lahayd Ukraine tan iyo markii uu bilaabmay duulaanka Ruushka horaantii sannadkii hore 2022.

Zelenskyy, ayaa u riyaaqay qaabka loo soo dhoweeyay ee loogu qaabilay Warsaw iyo balanqaadka loo sameeyay oo ah taageero ciidan oo baaxad leh.

Madaxweyne Duda ayaa dhawaan shaaciyay in Poland ay siinayso Ukraine 14 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah, kuwaas oo ah nooca loo yaqaan Miiga.

Laxidhiidha: Vladimir Putin Madaxweynaha Ruushka Oo Galka Ka Saaray Hubka Khatarta Ah Gantaalaha Ku Waajahan NATO

In kasta oo ay Falanqeeyayaasha arrimaha Millateriga qaarkood rajaynayaan in tani ay Ukraine u suurta gelinay inay qaado weerar ka hortag ah inta lagu gudajiro xilliga guga iyo mustaqbalka dhow.

Hase yeeshee waxa jira doodo ay qabaan khuburada ka faallooda arrimaha Millateriga oo ku doodaya in tani tahay oo keliya mid sii kordhinay cadhada Ruushka, isla markaana suurtagal ka dhigay inuu qaado weerraro khatar ah, kuwaas oo ay horeba xulufada NATO uga cabsi qabtay.

Xukuumadda Kyiv ayaa sheegtay inay ka mahadcelinayso kaalmada Millateri iyo balanqaadka loo sameeyay, waxayna ku nuuxnuuxsatay in yoolkeedu yahay, sidii ay dib ugu soo celin lahayd gacan ku haynta dhulkeeda oo dhan.

Poland, ayaa sidoo kale, martigelisay ku dhowaad 1.5milyan qoxooti ka cararay dagaalka oo u dhashay Ukraine, kuwaas oo culays weyn ku haya, isla markaana cidhiidhi geliyay addeegyada caafimaadka oo marka horeba ahaa kuwo aan wanaagsanayn marka loo eego dalalka kale ee Yurub qaarkood iyo dalkooda dagaalka ka hor.

 

Dhowaan ayay ahayd markii Taangiyada aadka loo buunbuuniyay ee Jarmalka iyo Britain la keenay iyo sidoo kale, gantaalaha riddada dheer ee ay bixiyeen xulafada reer galbeedka, balse waxay u muuqataa in aannay waxba ka beddelin xaaladda dagaalka, iyadoo bilihii u danbeeyay dagaalka ugu xun ka socday Magaalada Istiraatiga ah ee Bakhmut, taas oo ay labada dhinac kaga dhinteen tiradii ugu badnayd oo aannay cidna si rasmi ah gacanta ugu hayn, wallow dhawr jeer la kala qabsaday.

Moscow oo ka jawaabaysa Taangiyada iyo gantaalaha ridada dheer ee lagu caawiyay Ukraine, ayaa gantaalo hubka khatarta ee Nukliyeerka iyo kuwa diifaca geysay dalka Belarus dabayaaqadii March, taas oo si weyn cabsi ugu abuurtay NATO.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com