#Araweelo_News_Network.

Moscow(ANN)-Madaxweynaha dalka Ruushka, ayaa dhab ah u diray gantaalaha xanbaara hubka Nukliyeerka oo 500km oo u dhiganta (300 mile), balse waxa soo baxaya in gantaalaha socda masaafada intaa ka baddan ay ku jiraan hubka uu Vladimir Putin ku daabulay Belarus.

Sidoo kale, hubkaa waxa ku jira nooca hub taatikada ah, waxayna tallaabada uu Putin qaaday farriin cad u tahay Maraykanka iyo xulufada NATO oo door weyn ku leh dagaalka Ukraine. . Putin ayaa si cad u sheegay isagoo ku jeesjeesaya   in tallaabadani ay digniin u tahay reer galbeedka, maadaama ay kordhinayaan taageerada Millateri ee Ukraine. Waxa uu ku adkaystay in hoggaamiyaha Belarus Alexander Lukashenko  oo ka mid ah saaxiibadiisa xulufada  la ah uu codsanayay in hubka nukliyeerka la dhigo halkaas sanado badan. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in Ruushka uu saldhig ka dhigi doono hubka Nukliyeerka ah dalka Belarus.

Madaxweyne Putin ayaa sheegay in tallabadaasi aannay ahayn mid jebin doonta heshiisyada ka dhanka ah faafinta hubka Nukliyeerka, waxaana uu barbar dhigay in Mareykanka uu hubkiisa dhigo Yurub, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Ruushka.

Moscow uma wareejinayso maamulka hubkeeda Minsk, ayuu raaciyay.

Tallaabadan ayaa noqotay mid durba cabsi ku abuurtay NATO, iyadoo Maraykanka oo fal celinaya uu sheegay in aanun rumaysnayn in Ruushku isu diyaarinayo in uu isticmaalo hubka Nukliyeerka ka dib ku dhawaaqista.

“Ma aanan arag sabab aan ku hagaajino habka istaraatiijiga ah ee nukliyeerka,” ayaa lagu yidhi, bayaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Mareykanka oo durbadiiba ka fal celisay tallaabada Putin.

“Waxaan sii wadaynaa inaan sii wadno difaaca wadajirka ah ee isbahaysiga Nato.”ayaa lasii raaciyay Bayaanka.

Belarus waxa ay xuduud dheer la wadaagtaa Ukraine, waxaana xubno ka ah Nato Poland, Lithuania iyo Latvia.

Tani waxay noqon doontaa markii ugu horeysay tan iyo badhtamihii 1990-meeyadii oo Moscow ay ku sameysan doonto hubka nukliyeerka meel ka baxsan dalka. Belarus waxay xuduud la leedahay Ukraine iyo sidoo kale xubnaha NATO ee Poland, Lithuania iyo Latvia, waxayna ahmiyad weyn u leedahay dagaalka Ukraine.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com