#Araweelo_News_Newtork.

Hareysa(ANN)-Prof. Ismail Mohamoud Hurre Buuba oo ahaa, siyaasi caan ka ah geyiga Soomaalida, isla mrkanaa ka mid ahaa haldoorka Bulshada Soomaalida, ayaa ku geeriyooday dalka Turkiga, halkaas oo muddooyinkan xaalad caafimaad loogu dawaynayay.

alt, araweelo news network

Prof. Ismael Mohamoud Hurreh (IBuubaa) Image file Araweelo news Network 16 Oct 2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay geerida marxuumka, wuxuuna isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, dhambaal tacsi ah u diray, Qaranka, Eheladii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alla ha u naxariistee Marxuum Prof. Ismaaciil Hurre (Buubaa) oo ku geeriyooday Dalka Turkiga maanta oo ay taariikhdu tahay 05/04/2023.

Qoraalka dhambaalka tacsida ah ee Madaxtooyadda, ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu Marxuumka ku sifeeyey oday siyaasi ah oo xilal kala duwana ka soo qabtay Ururkii SNM, xukuumaddii Madaxweyne AHU Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), taas oo uu ka soo noqday Wasiirkii Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena soo qabtay mansabyo siyaasiya oo kala duwan.

 

Waxa uu Madaxweynuhu marxuumka Allah uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Qaranka, Eheladii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.