#Araweelo_News_Network.

 

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan gaar ah oo albaabada loo xidhay  la yeeshay Ururada Siyaasada ee u taagan tartanka doorashooyinka aan weli laysla meel dhigin xilliga ay dalka ka qabsoomayaan.

Kulanka oo aan si dhab ah loo agayn waxyaabaha lagaga hadlay, waxa markii uu dhammaaday qoraal kooban oo dhanka Madaxtooyadda kasoo baxay algu sheegay in uu ahaa mid la xidhiidhay xogwaran xaaladda guud ee dalka iyo arrinta sida weyn ugu muddan Somaliland ee Laascaanood.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo masuuliyiin kale ayaa ku weheliyay Madaxweyne Biixi kulanka uu la yeeshay saraakiisha hoggaamiya tobban urur oo dhowaan isu diiwaangeliyay qorshihii loo bixiyay tartanta Ururada Siyaasadda oo aannay weli cadayn natiijadiisu, maadaama murran iyo khilaaf siyaasadeed oo ay soo raacdo sharciyada tartanka doorashooyinka ay weli yihiin kuwo is dulsaaran oo huursan.

 

 

Laba ka mid ahaa Hoggaamiyaasha tobbanka Urur ayaa dhowaan ka baxay khadka siyaasadda sababo la xidhiidha arrunta Laascaanood, kuwaas oo kasoo jeeday deegaankaa, sidoo kale Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaan ka muuqan kulanka Madaxtooyadda, wallow qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda lagu shaaciyay in masuuliyiinta tobbanka Urur kasoo qabyagleen kulankaa, taas oo noqonay inay ka socdeen wakiilo ku metelayay kulanka qasriga Madaxtooyadda ee Axaddii

“Kulanka Madaxweynuhu la yeeshay tobbanka urur siyaasadeed ee usoo baxay tartanka xisbiyada Qaranka Somaliland.oo ahaa xogwaran, waxa lagaga hadlay xaaladda Laascaanood” ayaa lagu yidhi, qoraalka, waxaana lagu xusay in Wasiirka Arrimaha Guddaha Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa masuuliyiinta dhanka xukuumadda ee Madaxweynaha ku weheliyay kulanka ka jeediyay warbixin la xidhiidha mar xaladihii kala duwanaa ee ay soo martay xaaladda laascaanood.

Laxidhiidha: Go’aamo Xukuumaddu Ku Muujisay Ahmiyada Ay Leedahay In Laascaanood Laga Sifeeyo Puntland Iyo Kooxaha Aragagixisada

 

Ma jiraan in qodobo lagu la xidhiidha arrimaha doorashooyinka in lagu soo qaaday kulanka, balse qoraalka madaxtooyadda waxa lagu muujiyay in  Madaxweyne Biixi oo uga mahadceliyey Ururada ay si degdeg ah uga aqbaleen codsigoodii ahaa inay la kulmaan, isla markaana ay usoo jeediyeen xukuumadda Madaxweyne Biixi tallooyin ku saabsan xal u helidda arrimaha ka taagan Laascaanood. Laakiin qoraalka laguma xusin tallooyinka ay gudbiyeen nooca ay yihiin iyo inay noqon karaan kuwo xaaladda sii xumaanay ee collaada wax ka tari kara, wallow dhankeeda Madaxtooyaddu sheegtay in tallooyinkasi ahaayeen kuwo Madaxweyne Biixi soo dhoweeyay.

 

Madaxtooyadda, ayaa ku sheegtay qoraalkeeda in in Ururadu ay xuseen inay difaaca dalka ku barbar taagan yihiin dawladda, isla markaana tallaabo kasta oo xal nabadeed loogu raadinayo si loo soo afjaro dagaalka laascaanood ay kala qayb-qaadanayaan Xukuumadda.

 

 

 

Tobanka Urur Siyaasadeed ee Madaxtooyaddu sheegtay inay la kulmeen Madaxweynaha, ayaa lagu muujiyay magacyadooda.

 

Urur siyaasadeedka Horseed.

Urur siyaasadeedka KAAH.

Urur siyaasadeedka Ogaal.

Urur siyaasadeedka RAJO,

Urur siyaasadeedka Talo-wadaag.

 

Urur siyaasadeedka Mideeye,

Urur siyaasadeedka Waaberi.

Urur siyaasadeedka Barwaaqo.

Urur siyaasadeedka Hillaac

Urur Siyaaasadeedka Shacabka.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com