#Araweelo_News_Network.

Muqdisho, Somalia, (ANN)-Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhowaan u mgacaabay Siyaasiga Cabdikariim Guuleed inuu noqdo Ergayga gaarka ah ee arrimaha Somaliland.

ALt:"AbdikarimGuled" @AraweeloNews

Ergayga Madaxweyne Xasan Sheekh u Magcaabay arrimaha Somaliland, Cabdikariim Guuleed, Image, Araweelo News Network, April 7 2023.

Ergayga, ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dawladda Federaalka ee Soomaaliya, waxaana magcaabistiisa xilligan ka dhashay hadalhayn baddan, iyadoo ay dad baddan is weydiinayaan sababta Madaxweyne Xasan Sheekh xilkaa ugu magcaabay oo ay dadka qaar ku macneeyeen mid muujinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh si dadban u aqoonsaday qadiyadda Somaliland.

Sidoo kale, waxa jira su’aalo la xidhiidha siyaasigan wuxuu ka aaminsan yahay qadiyadda Somaliland iyo inay lasoo noqotay Madaxbanaanideedii 18 May 1991, shirkii Burco ee Beelaha Somaliland.

Ergayga Cabdikariim ayaa ka jawaabaya waxa uu ka aamisan yahay qadiyadda Somaliland iyo sababta xilkaa loogu magcaabay.

Muuqaalkan ka Daawo.