Araweelo News Network

dronxanbaarsandawooyinDiyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Darooniska (Drones) awal hore waxa loo isticmaali jiray in lagu laayo dadka, gaar ahaan dadka looga shakiyo in ay dambiyo khatar ah amma argagixiso faraha kula jiraan, balse dalka Rwanda ayaa ujeeddadaas beddelay oo u adeegsanaysa inay ku qaaddo dawooyinka si loo gaadhsiiyo meelaha aan gaadiidka kale gaadhsiin karin.
Waxa waddanka Rwanda laga hirgeliyey diyaaradii ugu horraysay ee aan duuliyaha lahayn ee dawo ee hawlgal caafimaad loo isticmaalo, waxana mashruuca ugu horreeya lagu tijaabinayaa degmo la yidhaa Muhanga oo koonfurta dalkaas ku taal.

Bilawga barnaamijkan ayaa yimi sagaal bilood uun kadib markii xukuumaddu heshiis la gashay shirkad la yidhaa Zipline IN coo ku taal magaalada California ee dalka Maraykanka, taasoo samaysa diyaarada iyo qalabyada kale ee tiknoolajiyadda, waxaanay Rwanda ka dalbatay in diyaarado Daronis u samayso si ay ugu adeegsato dhinac caafimaadka, dadkeedana dawooyinka waqti hore u gaadhsiiso.
Waxa baahida noocan ah timi, kadib markii cusbitaal ku yaal tuulo la yidhaa Kabgayi oo gobolka koonfurteed ee dalkaasi u baahday gargaar dhinaca dhiigga ah, kadibna ku qaadatay hay’adaha caafimaadka in ay shan ilaa afar saacadood ku gaadhsiiyaan gaadhiga dhooliga (ambulance) taasina ay khatar badan oo dhinac caafimaadka ah abuurtay, iyadoo meelo badana ay toddobaadkii laba jeer dhiigga iyo dawooyinkuba ka go’aan, kuna adkaato Bangiga Dhiigga inuu si degdeg ah u gaadhsiiyo.
Safarka dhulka ee lagu gaadhsiinayo dawooyinka iyo gargaarka caafimaad meelaha fog-fog ayaa u baahda farsamo shaybaadh oo casri ah si aan dhexda ugu sii xumaan dawooyinku, laakiin mararka qaarba habeenno ayey qaadataa in tuulada Kigali ka mid tahay la gaadhsiiyo sida Dr. Espior Kajyibwami oo ah agaasimaha cusbitaalka magaaladaasi xusay.
Waxa darooniskan loogu talagalay in ay dawooyin iyo dhiigga si degdeg ah ku gaadhiisyaan 21 cusbitaal oo ku yaala gobollada koonfurta iyo galbeedka Rwanda, waxana la rajaynaya inay hoos u dhigi doonto waqtiga gargaarka caafimaad lagu gaadhsiiyo oo 30 daqiiqo wax ka yar la filaayo in ay cusbitaallada looga baahdo ku gaadho, iyadoo waliba laga maarmayo shaqaale caafimaad oo la sii raaciyo dawadan.
“In la sameeyo wax dunida ku cusub marka u horraysa aad bay badanna u adag tahay. Ma jiro wax aad ka tixraacdo, buug amma sharci ku saamaxaya amma kuu fududaynaya samaynteeda. Way nagu adkaatay annaga iyo dawladdaba, balse waannu ku guulaysanay, samaynayna. Waxa aan si dhaw ula shaqaynaynay dawladda. Waxa aan fahannay sida loo abuuro hannaan tiknoolaji ah oo degaanka ku cusub. Waxay noqotay in aannu samaynno hannaan dhakhaatiirtu ku qanci karaan oo daroonisku ku shaqaynayso oo dawada si ammaan ah goobta loogu talogalay ku gaadhsiin karta, iyadoo intay hawada ku jirtana aan waxba noqonayn.” Sidaa waxa yidhi Agaasimaha Fulinta hay’adda Ziplne oo la hadlayay wargeyska The New Times oo ka soo baxa magaalada Muhanga.