Araweelo News Network

cukuse1Hargeysa (ANN) Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caddaysay in doorashada Madaxtooyadu qabsoomi doonto waqtiga loo muddeeyey oo ah 28 March 2017, haddii Ilaahay yidhaa.
Sidaa waxa sheegay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo saxaafadda kula hadlay xarunta Madaxtooyada shalay, kadib markii uu dalka ku soo laabtay weftiga Madaxweyne Siilaanyo oo safar qaatay muddo 20 maalmood ah ugu maqnaa dalalka Ingiriiska iyo Imaaraadka Carabta.
“Doorashadu waxay dhacaysaa waqtiga loogu talogalay, taasna waxa markhaati cad u ah diwaangelinta codbixiyeyaasha oo ay ahayd in aannu bixino 25% dhaqaalaha ku baxaya, waxa ay dawladdu hadda bixisay 60%, si aanay diiwaangelintu u baaqan, markaa doorashada Madaxtooyadu way dhacaysaa. Haddii qaadhaanka ay bixin jireen qolooyinka qaadhaan-bixiyeyaasha qaarkood wax saamayn ah innagu yeelan mayso, dawladduna ballan ayey ku qaaday inay iyadu bixiso lacagtaas, wayna dhacaysaa doorashadu. Laakiin, ninka fulayga ah ayaa ku meeraysta doorashada la qaban maayo, waxa aannu leenahay waannu qabanaynaa doorashada,” ayuu yidhi Cukuse.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xisbiga KULMIYE doorashooyinka ku gelayo qaadhaanka taageerayaashiisa, waxaannu yidhi; “Xisbiga KULMIYE dhismihiisu waa ka mid hawlaha qaranka, waana xisbi qaran oo dalka ka jira, muddana ka talinayey dalka… (Haddii aannu KULMIYE nahayna) dadka ayaannu weydiisanaynaa inay qaadhaan na siiyaan aannu doorashada ku galno, hantida dawladdana kuma gelayno, laakiin hantida dawladda waxa aannu ku dhisaynaa waddooyinka, cusbitaallada, waxbarashada iyo adeegyada bulshada oo dhan.”
Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa soo dhoweyn diirran kala kulmay shacabka reer Hargeysa:
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland iyo wefti la socday, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey caasimadda Hargeysa shalay, kadib markii ay soo dhammaysteen safar ay ugu maqnaayeen dalalka Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska, iyadoo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, hoggaanka xisbiga KULMIYE, xubnaha Golaha Wasiirrada, taliyeyaasha ciidammada, madax-dhaqameed iyo qaybo badan oo ka mid ah haldoorka bulshadu kaga hortageen madaarka.

Madaxweynaha waxa loo soo galbiyey dhinaca xarunta Madaxtooyada, waxaanna dariiqyada taagnaa dadweyne aad u badan oo diyaar u ahaa soo dhawaynta weftiga Madaxweynaha, halka uu sidoo kale salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka oo diyaar ku ahaa xarunta Madaxtooyada.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Md. Cabdillaahi Cukuse, ayaa ka warbixiyey safarka weftiga Madaxweynaha Somaliland ugu maqnaayeen dalalka Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska, isagoo xusay socdaalkooda Imaaraadku ahaa mid la xidhiidha wadahadal u furmay Somaliland iyo Imaaraadka oo khuseeya maalgashiga dalka iyo iskaashi dhinaca ciidanka ah.

Waxa kale oo uu sheegay in qaybta labaad ee safarka weftiga Madaxweyne Siilaanyo ku tageen dalka Ingiriiska ay ahayd sidii loo dardargelin lahaa cudud xoogan oo jaaliyadaha UK u hayaan xisbiga talada haya ee KULMIYE, taasoo uu xusay inay aad u farxad gelisay masuuliyiinta la socday weftiga Madaxweynaha Somaliland.
“Wadammada kale ee qaaradda Yurub, woqooyiga Ameerika, Australia (Ustareeliya) iyo dalalka Carabta intaba waannu jeclayn in aannu soo marno, laakiin waqtiga intaas le’eg in la wada maqnaado meesha kumay jirin, balse maadaama jaaliyadaha reer Somaliland jaaliyadda ugu ballaadhan ay tahay kuwa ku nool Ingiriiska, markaa waxa aannu marnay magaalooyin badan.”
Sidoo kale, waxa uu ka hadlay shirarka dib-u-midaynta bulshada reer Somaliland ee la doonayo inay ka qabsoomaan magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, “Waxa jiray u diyaargarawga shirka lagu qabanayo Burco iyo kooxihii siyaasadeed ee innaga soo horjeeday wadahadalada aynu yeelanaynay ayaa iyaguna garab socday shirar-doceedyo hoose, qaar hore oo la galay iyo qaar dambe oo la geli doono intaba si loogu diyaargaroobo, looguna gogol-xaadho shirka weyn ee ka dhici doona Burco,” ayuu yidhi Wasiirku.