Araweelo News  Network.

 

 

#Muqdisho, #Somalia, (ANN)-Agaasimihii Guud ee Madaxtooyadda dawladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Nuur Diiriye oo ku magac dheer “Fuursade”  ayaa sheegay in uu xilka iska casilay xilkii Agaasime ee Villa Somalia.

Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), wuxuu sidaa ku sheegay qoraal koobban oo uu ku qoray Bartiisa Twitter., wuxuuna qoraalka si cad ugu sheegay inuu si rasmi ah uga tegey xilkii uu ka hayay Villa Somalia ee aaha Agaasimaha guud ee Madaxtooyadda.

Hase yeeshee ma sheegin sababta uu xilka uga tegey iyo waxa ku ajburay xilligan, balse masuulkaa oo Agaasimaha guud ee Villa Somalia Madaxweyne Farmaajo u magcaabayAugust 2019, waxa xilligaa soo baxay warar sheegayay in ay qaraabo yihiin Madaxweyne Farmaajo, taas oo qayb ka ahayd marka laga yimaado aqoontiisa sababaha loogu xulay inuu noqdo Agaasimaha Villa Somalia.

Dr. Fuursade, waxay is casilaadiisu kusoo beegantay xilligan oo Madaxweyne Faramajo safar kaga maqanyahay dalka, iyadoo ay jiraan siyaasado kacsan oo hadheeyay Villa Somalia, kuwaas oo ka dhashay khilaafkii laysku mari waayay ee arrimaha doorashada iyo muddada loo kordhiyay xukuumadda Federaalka ee Madaxweyne Farmaajo, taas oo sababtay in ay si weyn uga cadhoodaan siyaasiyiinta mucaaradka ee la baxay Madasha Murrashaxiinta, labada maamul gobolleed ee Jubaland iyo Puntland oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi iyo shaqsiyaad kale, kuwaas oo soo saaray baaqyo iyo dhawaaqyo ay si weyn ugu canbaaraynayaan mudda kordhinta xukuumadda.

 

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com