Araweelo News Network.

Xukuumadda Federaalka Ee Soomaaliya Oo Ka Digtay Baaqa Mucaardkau Ku Balameen Mudaharaadka

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilligeedu dhammaaday, ayaa ka digtay isu soo bax ay mucaardku ku baaqeen maalinta Jimcaha ee 26 February 2021.

Wasiirka amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo maanta ka hadlay magaalada Muqdisho, ayaa shir jaraa’id ku qabtay Wasaarada Warfaafinta kaga hadlay mudaharaadka ay mucaaradku ku baaqeen.

Wuxuu sheegay in mudaharaadka ay iclaamiyeen gollaha midowga musharaxiinta Soomaaliya aannay xukuumad ahaan marnaba aqbalayn in banaanbax lagu qabto magaalada Muqdisho.

Xundubey, ayaa sheegay in mudaharaad iyo isu soo bax mid mucaaradku wato iyo mid xukuumadda lagu taageerayo aan midna la aqbalayn.

“Sida aad ka war-qabtaan banaanbax waa la joojiyay ha noqdo mid dowladda lagu taageerayo ama ha noqdo mid looga soo hor jeedo, labada dhinac ee dowladda iyo mucaaradka waxay xaq u leeyihiin inay banaanbax soo abaabulaan, laakiin hadda kuligood waa sharci darro, cidii sameysana iyada ayuun baa is xilqaantay,” ayuu yudhi wasiir Xundubey.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho ay ka duwan tahay magaalooyinka kale ee dalka oo hub badan uu yaalo, isla markaana aannay xukuumaddu ogolaanayn inuu ka dhaco banaanbax ay dhigayaan dad hubaysan.