Araweelo News Network

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa

 

Hargeysa(ANN)– Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa ku eedeeyey Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigalinta xukuumada Kulmiye oo maamusha Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargeysa kuwo ehel u noqday Barnaamijyo aan tayo lahayn, taa badalkeedana habeen iyo maalinba ku foogan kala qoqobka bulshada Somaliland iyo Aflagaadaynta xisbiyada Mucaaridka ah iyo Madaxdooda.

Afhayeen Buubaa, waxa uu intaa ku daray in Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargeysa oo ay ku baxdo miisaaniyad ka badan todoba Wasaaradood oo ah cashuurtii laga soo ururiyey dadka Masaakiinta ah ee reer Somaliland aanay u dulqaadan doonin in bulshada qoqob iyo qabyaalad lagu kala dhex dhigo, waxaanu tilmaamay inay dacwad ka dhan ah u gudbinayaan Guddida Doorashooyinka Qaranka, si arimahaasi wax looga qabto.

Ibraahim Mahdi Buubaa, Afhayeenka xisbiga Waddani waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta warbaahinta ugu waramayey magaalada Hargeysa, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Barnaamijyo todobaadle ah oo aanu ugu talo galnay in Wasaaradaha Qaranka aanu midmid isku dul taagno, maanta waxa aanu ka bilaabi doonaa Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigalinta Qaranka, Gaar ahaan Telefishanka iyo Radio Hargeysa.

Sida aynu la wada socono Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargeysa waxa ay ka miisaaniyad badan yihiin in ka badan todoba Wasaaradood oo ah Wasaaradihii Wax soo saarka lahaa ee dalka, Sida Wasaarada Kalluumaysiga, Beeraha, Biyaha, Horumarinta reer Miyiga, Xanaanada Xoolaha, Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Dalxiiska, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Intaas oo wakaaladood.

Iyadoo intaasi jirto oo miisaaniyada Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargeysa ay yihiin mid xadka ka baxsan oo ka badan Wasaaradihii wax-soo-saarka lahaa ee dalkan oo siyaasadaasi ay tahay mid guracan, hadana waxa intaa dheer dakhliyada soo gala ee ka soo gala xayeysiisyada gaarka loo leeyahay (privet advertising) sida ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargeysa, waxa kale oo intaa dheer Taawarada BBC-da iyo VOA-da laga kireeyo ee lacagta sanadlaha ah laga qaado.

Iyadoo waxaas oo dakhi ahi ay soo gasho Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargeysa waxa ay gaadhaan shaqaalaheedu todoba boqol oo qof in ka badan oo intooda badani aanay usoo shaqo tagin si toos ah Wasaarada,Telefishanka ama Radio-ga midnaba, fadhiga iyo meelaha ay joogaana ay ku qaataan lacagaha aan waafaqsanayn sharciga.

Waxa looga baahnaa Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargeysa kuwo ay ka socdaan Barnaamijyo tayo leh oo bulshada Somaliland wacyigooda iyo garaadkooda kor u qaada, waxa se ay noqotay inay ku caanbaxdo TV-ga Iyo Radio Hargeysa, kala qoqobka bulshada reer Somaliland kala qaybintooda, qabyaalada iyo fariimaha xun iyo cayda iyo aflagaadada xisbiyada Mucaaridka ah iyo madaxdooda, waxa ka socota habeen iyo maalinba ay noqotay iyadoo cashuurtii qaranka lagu bixinayo, hantidii qaranka iyo cashuurtii masaakiinta laga gurayey iyadoo lagu maalgalinayo, oo sidaa aanu soo sheegnay dakhligooduna yahay, xisaabteedana cid la ogi aanay jirin Wasiirka meesha haysta kolba, hadana waxay noqotay halkii laga eegayey wax tayo leh in laga caayo oo laga aflagaadeeyo Asxaabta Mucaaridka ah sida imikaba ka socota Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargeysa-ba iyo Madaxdoodaba.

Waxaan is-dultaagayaa oo aan dib idiin xasuusinayaa xiligii xisbigan talada haya ee Kulmiye uu mucaaridka ahaa erayadii uu ka jeedin jiray Axmed Maxamed Siilaanyo iyo madaxdii kale ee Kulmiye ee Muuse Biixi ka midka ahaa ay u arkayeen kuwo loo samaystay isaga iyo xisbigiisa Kulmiye in lagu aflagaadeeyo.

Maanta waxay ahayd in horumar laga gaadho arintaa, iyaga laftigooduna wadadii ay xukuumadii hore ku caayayeen ay ka baydhaan ama ay ka leexdaan ay ahayd, balse waxa ay noqdeen kuwo ka sii daray isla markaana sii muquurtay mugdi kale oo hor leh, waxa ka socda Telefishanka Qaranka oo habeen iyo maalinba ka baxa waxa ay noqdeen wax bilaa tayo ah.

Maanta warbixintaydan dacwad rasmi ah oo ka dhan ah Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargeysa ayaanu horena ugu gudbinay Komishanka Doorashooyinka, mar labaadna aanu u gudbin doonaa, maadaama la galay marxalad xasaasi ah oo xili doorasho uu dalku galayo, waxaanu u gudbin doonaa iyadoo qoraal, maqal iyo muuqaalba leh, oo dhacdooyin toos ah oo aanu duubnay aanu ku ladhnay aanu u gudbin doonaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka hadii alle yidhaa.” Ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga Waddani, Md Ibraahim Mahdi Buubaa.