Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Galguduud(ANN)-Magaalada Dhuusmareeb ee xarunta Gobolka Galguduud oo ku taal Badhatama Soomaaliya, ayaa marti gelisay shirka hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya, kuwaas oo ka shiraya sidii doorashooyin ay uga dhici lahaayeen Soomaaliya, maadaama uu khilaaf weyni ka taaganyahay qabsoomida doorashada, isla markaana ay dhamaad ku socoto mudada xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa martigelinayay shirkaa oo maanta si rasmi ah ugu furmay hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya, waxayna madaxda ka qaybgashay shirka maanta ka jeediyeen khubado ay kaga hadlayaan ajandaha shirka iyo waxa la doonayo in ay kasoo baxaan.

Dawladda Federaalka, ayaa hore u iclaamisay shirkaa in lagu qabto Magaalada Muqdisho, balse madaxda maamul goboleedyada ayaa ganafka ku dhuftay in ay ka qaybgalaan shir lagu qabto Muqdisho, taas oo ay sabab u tahay khilaafka ka dhexeeya dawladda Federaalka ah iyo kuwa ugu cad-cad hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada oo si weyn isugu khilaafsan arrimaha doorashada, isla markaana aannay qaarkood isu san bannaanayn dhanka siyaasada.

Xukuumadda Federaalka ah ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaan ka qaybgelin shirkaa, balse waxa jira warar sheegaya in aannay ka madhnayn in lagu qabto shirkaa Magaalada Dhuusamareeb, balse waxa la filayaa in go’aanka u danbeeya uu noqonayo mid loo gudbiyo dawladda Federaalka si ay u  meel mariso.

 

Dhinaca Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa ka hadashay dib u dhaca doorashada, waxaana arrintaa ka hdlay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo kulantii golaha wasiirrada ee Khamiistii ka sheegay in maamul goboleedyada iyo siyaasiinta kale ee naqdiya dowladda ay hadal hayeen muddo kordhin loo sameeyo dowladda haatan jirta, taas oo uu sheegay in aannay marnaba dhacayn.

“Waxaan ku guda jirnaa xilligii doorashada sida wasiirrada badankood ay sheegeen oo ay tahay in doorashadu ay ku dhacdo jawi midnimo iyo mid wadatashi, si aan u xaqiijinno rabitaanka shacabka Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan,” ayuu yidhi, Xasan Cali Khayre.

Mar uu ka hadlayay xilliga doorashada, wuxuu yidhi, “Waxaa kale oo aan isla qaadanay doorashu inay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay, waqtigaasna si ay ugu qabsoonto waa in la geliyo xoogga ugu badan oo la gelin karo. Sidoo kale waa in laga fogaado in lagu shaqeeyo feker ku dhisan muddo kordhin. Sababtoo ah muddo kordhin waxay horseedi kartaa qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur” ayuu yidhi, Khayre, balse dhawaaqa Kahyre ayaa dhaliyay dood kale, iyadoo siyaasiyiinta mucaaradku ku macneeyeen dhawaaq aan cadayn ujeedadiisa, walaw qaarkood ku macneeyeen mid xiisada ka taagan arrimaha doorashada lagu dejinayo.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa markaa kadib Qoraal uu kaga hadlayo arrininta doorashada ku sheegay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta dimuqraadiyadda dalka iyo in la sii horumariyo hannaanka doorasho, isagoo sheegay in mar walba awoodda loo sii dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin, taas oo noqotay mid abuurta doodo kale iyo in lays weydiiyo sida ay macquulka u tahay in ay dhacdo doorashada uu tilmaamayo dastuurku, iyadoo xilligii xukuumadda ay ka hadhay muddo kooban oo dhawr bilood ah, isla markaana komishanka doorashadu dhowaan sheegeen in ay u baahan yihiin in mudada loo kordhiyo oo lagu daro sannad iyo dhawr bilood.

Dhammaan arrimahaa ayaa noqonaya su’aalo u baahan jawaabo macquul ah, isla markaana shirka xilligan uga socda maamul goboleedyada magaalada Dhuusamareeb, ayaa lagu faaqidayaa carqaladaha siyaasadeed ee jira iyo arrimaha doorashada, iyadoo ay cadahay in aannay marrna xilligan macquul ahayn in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod (One Person One Vote), taas oo ahayd masuuliyada dawladda Federaalka, walaw beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay qorshaynayaan in muddada loo kordhiyo xukuumadda Federaalka ah, iyadoo si weyn looga taxadirayo in khilaaf siyaasadeed iyo waxyaabo sii xumaynaya amaanka awalba aan cagaha ku taagnayn meesha ka baxo, isla markaana dhanka maamul goboleedyada ay uga timaado soo jeedintaasi, si aannay u noqon mid khilaafka cirka kusii shareerta oo xaaladda uga sii darta.

Qaramada Midoobay iyo beesha Caalamka, ayaa hore ugu qorsheeyay dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya in ay noqoto dawladdii u danaysay ee dalka gaadhsiisa doorashooyin hal qof iyo hal cod (One Person One Vote), iyadoo qorshaha hirgelintiisa uu masuul ka yahay Ergyaga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, isla markaana ah Wakiilka khaaska ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo ah Madaxweynaha dadban ee fulinaya qaraarka qorshaha Qaramada Midoobay ee k u waajahan Soomaaliya, balse qorsaha la doonayay in 2020, lagu gaadhsiiyo doorashooyin ayaa hada la garwaaqsaday in aannu ahayn mid xilligan suurta gal ah.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNISOM, awoodda uu leeyahay iyo hawlaha uu ka filinayo Soomaaliya ayaa golaha amaanku wax ka bedeleen qaab-dhismeedkiisa iyo qorshayaasha uu filinayo Jun 2013, waxaana ku lamaan Xafiiska lagu magcaabo Waaxda Siyaasada Dhismaha Nabadgelyada ee loo soo gaabiyo (DPPA), kaas oo ka furan Magaalada Muqdisho.

 

AKHRI: Xiisad Siyaasadeed Oo Ka Taagan Soomaaliya Iyo Dhawaaqyo Kulul Oo Kasoo Baxay Mucaaradka Xukuumadda Farmaajo