Araweelo News Network

jamaal Ali XusenHargeysa (ANN)Murrashaxa jagada Madaxweynenimo ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Md. Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka hadlay warar la isla dhexmarayey oo sheegayey inuu ka tanaasulayo murrashaxnimadiisa, kuna biirayo xisbiga KULMIYE.
Murrashax Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin arrintaasi, isla markaana waxa uu dhaliilo u jeediyey Maxkamadda Sare oo hore xukun uga soo saartay khilaafka xisbiga UCID oo uu ku tilmaamay mid ka fogaa caddaaladda, balse ku dhaqankiisa uu jabiyey Guddoomiye Faysal Cali-waraabe.
Jamaal Cali Xuseen oo u warramay shabakadda Hadhwanaagnews xalay, waxa uu ugu horreyn ka hadlay waxa ka jira inuu ku biirayo KULMIYE, “Wararkaas waxba kama jiraan, midda kale waxaad ogaataa KULMIYE waaba kii aannu is haynay, laakiin annagu waxaannu eegaynaa mustaqbalka xisbigii aannu wadnay, dagaalkana nalooma yaraysan oo aad baa naloola dagaalamay, markaa arrimahaa KULMIYE igu xidhiidhinaya iyo arrimahaa lacagta ka hadlaya wax allaale iyo wax ka jiraa ma jiraan ilaa hadda.”
Waxa kaloo uu ka cawday go’aankii Maxkamadda Sare ka soo saartay ka soo saartay khilaafka u dhexeeya isaga iyo Faysal Cali-waraabe dabayaaqadii bishii September ee sannadkan, waxaannu yidhi, “Go’aankii Maxkamada Sare waxa uu noqday Cali Mahdi gar leh Caydiid-na gar leh oo ah xukun qarboosh, xukun hagaagsan oo caddaalad ahna muu ahayn runtii, waa maxkamadeenii ugu sarraysay oo go’aankeeda in aannu qaadanaa waa nagu khasab, laakiin gartu siday ahayd iyo xukunku sida uu ahaa waxa ka xukun wanaagsanaa oo ka caddaalisanaa Guddidii Diiwaangelinta, laakiin qoladani (Maxkamadda Sare), waa nimanka yidhi ergada imanaysa shirka waa ergadii shirweynihii 2012-kii barigaasna xisbigaba kumaanu jirin annagu.
Markaa dhibaatada jirtaa waxa weeye marna xeerka xisbiga ayey qaadanayaan marna heshiiskayagii kolba sida iyaga qancisa, haddii ay ergadaas qaateen oo xeerka xisbiga la eegayo maxaa loo eegi waayey go’aankii aniga laygu doortay Golaha Dhexe ee xeerka xisbiga oo ah awoodda ugu sarraysa xisbiga? Inay taa eegaan bay ahayd, markaa waxaad moodaa in far badani ku jirtay oo loo soo yeedhinayey go’aamadaas Maxkamadda, laakiin annagu sharaftaanu ka qaadanay oo waanu qaadanay aynu fulino ayaanu nidhi.”
Murrashaxa UCID waxa uu ku eedeeyey Guddoomiyaha xisbiga inuu jabiyey xukunkii Maxkamadda Sare soo saartay, isla markaana aanay wax tallaabo ka qaadin Maxkamaddu, “Dhibaatada jirtaa waxa weeye Faysal Cali Waraabe ayaa xukunkii maxkamadda jabiyey, tallaabana way ka qaadi wayday xataa xukunkii qarbooshka ee aannu aqbalnay ayuu jabiyey oo uu sheegtay murrashaxnimo aannu lahayn oo uu kaligii shir ku dhawaaqay, Maxkamaddii Sare-na ilaa maanta way ka aamusan tahay oo go’aan kamay qaadan, taas oo ku tusaysa in aanay caddaaladi meesha jirin.”
“Annagu talo ayaanu ku jirnaa haddana waanu wadnaa arrimihii xisbiga, dhibaataduna waxa weeye xukunkii aannu is lahayn fuliya iyo shirkii ayaa carqalad la galiyey, sowtan Ina Cali-waraabe kaligii ku dhawaaqay go’aan, Maxkamadii Sare-na tallaabo ayey ka qaadi wayday,” ayuu hadlakiisa ku soo ururiyey Jamaal Cali Xuseen.