Araweelo News Network

Donald Trump and Hillary Clinton

Donald Trump and Hillary Clinton

Washington (ANN)Agaasimaha Hay’adda dambi baadhista Maraykanka ee FBI-da, James Comey, ayaa sheegay in Hay’addu dib u furayso baadhitaankii ay ku haysay emaillada Hillary Clinton, waxaana uu sheegay in baadhayaashu heleen emaillo cusub.

Warqadda agaasimaha FBI-du u diray xubnaha Congress-ku may ahayn mid faahfaasan. Waxa keliya ee uu ku sheegay ayaa ahaa in emaillo cusb la helay, kuwaas oo xidhiidh la yeelan kara baadhitaanka ay wadaan..

Wararka, ayaa sheegaya in Emailladan si lama filaan ah ay uga soo baxeen baadhitaan kale oo lagu wadey Anthony Weiner oo ah ninka ay u dhaxday Huma Abedin oo ah haweenay kaaliye u ahayd Hillary Clinton xilligii ay ahayd Hoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka.

Qalab ay leeyihiin Ms. Abedin iyo ninkeeda Weiner oo ahaa xubin eedo dul hoganayaan oo hore uga tirsanaan jiray Congress-ka lagana soo dooran jiray New Yok, ayaa ay FBI-du la wareegtay si ay u baadhaan bal inuu uga diray Emaillo shukaansi ah gabadh yar oo shan iyo toban jir ah oo ku nool gobolka North Carolina.

Iyadoo ay xaaladdu sidaa tahay oo qoraalladan la helay aanay si toosa uga soo bixin Emaillada Mrs Clinton, ayaa Murrashaxa Xisbiga Jahmuuriga Donald Trump oo ay si weyn u loolamayaan Hillary Clinton, wuxu ammaanay baadhitaankan cusub ee ay FBI-du wadaan wuxuuna u sheegay taageerayaal xamaasadaysan oo uu la hadlayey in hab dhaqanka Haweenayda ay loollamayaan halis geliyey nabadgelyada Maraykanka.