#Araweelo_News_Network

 

Baraasiil(ANN)- Madaxweynihii hore ee Baraasiil, Fernando Collor de Mello iyo Madaxweynaha hadda Luiz Inácio Lula da Silva ayaa hore loo shaaciyay in aannay u qalmin inay u tartamaan madaxtinimada, laakiin kiiska cusb ee Bolsonaro ayaa si cad loogu sheegay Jimcihii in aannu xaq u lahayn inuu tartamo doorashada  2026.

Guddi garsoorayaal ah ayaa u codeeyay noqonaya markii ugu horeysay ee Madaxweyne shaqada looga joojiyo xadgudubyo doorasho Jimcihii, waxayna shaaciyeen in madaxweynihii hore ee Baraasiil,  Jair Bolsonaro aannu u qalmin inuu mar kale u tartamo xafiiska madaxweynaha.

 

Warbixintooda oo lagu shaaciyay warbaahinta Baraasiil, ayaa sabab looga dhigay inuu ku takri falay awooddiisa, uuna shaki ‘aan sal iyo raad toona lahayn ka galiyay nidaamka cod bixinta ee dalkaas.

Go’aankaan ayaa ka joojin doona Bolsonaro inuu u tartamo doorashada soo socota ee Madaxweynaha 2026, balse wuxuu fursad heli karaa  marka la gaadho 2030, taasoo mugdi gelinaysa mustaqbalka siyaasadeed Bolsonaro oo xilligan ah 68, waxayna u badan tahay inuu tirtirto fursad kasta oo uu dib ugu soo noqon karo awoodda.

Afar ka mid ah toddobada garsoore ee maxkamadda ugu sarraysa dalka ayaa isku raacay in Bolsonaro uu ku takri falay awooddiisa isaga oo adeegsanaya kanaalada isgaadhsiinta dowladda si uu u dhiirrigeliyo ololihiisa oo uu shaki geliyo codka.

Carlos Melo, oo ah macalin sare oo cilmiga siyaasadda ka dhiga jaamacadda Insper ee Sao Paulo ayaa sidan yidhi, “Go’aankani wuxuu soo afjari doonaa fursadaha Bolsonaro ee ah inuu mar kale madaxweyne noqdo, wuuna ogyahay arrintaa.”

Kiiska loo haysto ayaa diiradda saaray shirkii bishii 18 Julay 2022, halkaas oo Bolsonaro u adeegsaday shaqaallaha dawladda, kanaalka telefishinka dawladda iyo qasriga Madaxtooyadda ee Baraasiil, si uu ugu sheego safiirrada ajnabiga ah in nidaamka codbixinta ee elektaroonigga ah ee waddanka la musuqmaasuqay.

Dhinaca kale, Haddii xukunka loo ogolaado inuu istaago, Mr Bolsonaro umma qalmi doono inuu ka qayb qaato doorashada madaxtinimo ee soo socota ee 2026, laakiin wuxuu awood u yeelan doonaa inuu mar kale isa soo sharaxo 2030. Sidoo kale, waxa laga mamnuuci doonaa doorashooyinka dawladaha hoose ee 2024 iyo 2028.

Kiiska ka dhanka ah Madaxweynihii hore ayaa ku saabsanaa khudbad uu jeediyay isagoo weli ah Madaxweynaha 2022.

 

Mr Bolsonaro ayaa ku tilmaamay go’aanka mid dhabarka lagaga dhuftay, wuxuuna sheegay inuu sii wadi doono ka shaqaynta horumarinta siyaasadda garabka midig ee Baraasiil.

 

Arrintan ayaa ah mid uu sharciga Braasiil si cad ugu qeexayo in gebi ahaanba laga mamnuuco musharraxiinta lagu xukumay dambiyada, kuwaas oo aan u tartami karin jagada ay doonayaan marka uu sharcigu diido.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com