Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Masuuliyiinta iyo dirawalada gaadiidka basaska, ayaa walaac xoogan ka muujiyey dhacdo ugub ku ah oo sababtay in laba baabuur oo basas ah ku gubteen istaanka ay ka rakaabsadaan ee xaafadda Jigjiga-yar, degmada Ibraahim Kood-buur ee caasimadda Hargeysa toddobaadkan.

Guddoomiye-ku-xigeenka isaanta basaska ee xaafadda Jigjiga-yar oo saxaafadda la hadlay , ayaa ka warbixiyey sida basasku u gubteen, isagoo xusay in aanay ilaa hadda ogayn waxa gubay basaska.

“Mar alla markii baabuurkaa la soo dhigo ee ardaydii laga yimi ee ay tahay saacaddu 2:30pm – duhurnimo markii ay ka baxday BBC-du ayuu gaadhiga hore qiiqa bilaabay oo muraayadaha ka qiiqaya oo qarxaya ayuun bay dadku arkeen. Waa lagu yaacay, biyo ayaa lagu shu-shubay oo sidii ayaa lagu bakhtiiyey, dab-damiskana nin waddada marayey baa noogu yeedhay oo noo garaacay (mobile noogula hadlay), sidii ayuu noogu yimi.

Markaa waxan wax gubaya waxaan garan karno ma’aha, anigu iminka 28 sannadood ayaan basle ahay, arrinkanina waa arrin nagu ugub ah, waxannu ka codsanaynaa dawladda sharafta leh, inay arrinkaas faraha soo geliso, oo ay nala eegto, hadday CID-da tahay iyo hadday tahay qolada qaraxyada miinada iyo haddii ay intaba tahay, waxaannu ugu baaqeynaa inay arrinkan si degdeg ah nala baadho oo ay gacanta u soo geliso, haddii Alle yidhaa,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenku.

Waxaannu intaas ku daray; “Wax lagu shubayo ma’aha ee waa wax lagaga tagayo, oo isku si ayey u gubteen labada gaadhiba, oo middi xagga hore ayuu ka gubtay oo shalay [24/09/2017] bay ahayd, ka dorraad [23/09/2017] gubtayna xagga hore ayuu ka gubtay, oo dabku haddii uu xagga hore ka kaco iyo haddii uu xagga dembe ka kacaba, markaaba siliigga sare ayuun buu tageyaa, siliiggan sarenna waxa uu soo da’ayaa isaga oo sida roobka u da’aya, kuraasidii ayuu ku da’ayaa, kuraasidiina waa shamac, shamaciinna wuu sii da’ayaa, sidaas ayuu ku gubanayaa gaadhigu.”

Mr. Maxamed Maxamuud Gorse (Xaaji) oo ka mid ah darawaliinta gaadiidka basaska, ayaa isaguna sheegay in aanay si cad u garayn waxa gubay basaska, waxaannu yidhi; “Waxan baabuurta labada cisho iska daba gubay wax la kala garanayo ma’aha, cid gubtayna lama garanayo, wixiinna ma’aha wax baatrool lagu shubayo gaadhigii, ileyn cid uun baa arki lahayde. Inamadu baabuur ayey wataan oo markay ardayda soo rawixiyaan ee ay gelinka dambe halkaa dhigaan ee ay kaga qado-tagaan ayuun baa loo yimaaddaa gaadhigii oo qiiqaya oo ololaya. Markaa wax gubaya iyo wax kale ma kala garanayno ee waxaasi inay qarax yihiin iyo wax kale mooyaane gaadhigii wax baa gubaya ee waxa aannu leennahay amnigii iyo dawladdii, inay si degdeg ah noo soo gaadhaan, waanna in hantidan gubanaysa ciddii gubaysa la baadi doono.

Weligeed may dhicin, manayna soo marin, markaa waa markii noogu horreysay ciladdan oo kale, ma kala saarayno inuu qarax yahay iyo inuu wax kale yihiin annagu ma kala garanayno, oo amniga ayaannu leennahay, na soo farogeliya oo ha la ogaado wixii basaska gubaya.”
Waxa kaloo halkaas ka hadlay nin darawal ah oo la yidhaah Mustafe Axmed Xuseen, waxaannu yidhi; “Waxaan ka hadlayaa gaadiidka maalin walba la gubayo ee halkan shalay [Axaddii 24/09/2017] bay iyo dorraadba [23/09/2017] ka dhacday ee meel alla meel ay ka shishayso iyo meel ay ka socoto la garanayn, waa arrin innagu soo cusub oo iminka inoo yimidday weeyaan, oo wax hore loo arkay ma’aha. Markaa waxa wanaagsan in arrinkii la helo oo la baadho, oo la dabagalo dhanka dawladda iyo dhan walba.

Su’aal: Markaa maxaad is-leedahay waxan way ka dembeeyaan?
Jawaab: Anigu sidaas uma garanayo arrinkaas ama aan tilmaamo ama aan calaamadiyo ma garanayo. Ka dorraad [23/09/2017] waxa uu ka gubtay xagga dembe oo uu dabka ka bilaabay oo ilaa xagga hore oo wuu qiiqay oo meelba waxba uma hadhin gaadhigii muraayad ilaa injiinka.

Kan shalay [24/09/2017] gubtayna wuu xidh-xidhnaa oo gelinkii dembe ayaa la arkay, waa la eegay, oo markii meel laga galo la waayey, muraayadda hore ayaa la jabiyey gaadhiga, halkii ayaa biyo lagaga shubay, gaadhigiina wajahadaas hore ilaa siliigga ilaa inta dembe ilaa laanbadaha ayaa gubatay.

Markii la baadhay gaadhigiina wax caddeyn ah, wax raad ah ama wax la hayo ama wax meel lagu tilmaamo, midna ma jirin. Markaa dawladda waannu u sheegnay ama ciddii wax ka qabanaysaba, oo ardaydii gaadhigaa hore qaadi jiray ayuu kanna qaaday. Markaa ama arday ha ahaato ama suuqba ha ahaato ama cid kaleba ha ahaatee, dee dawladdu inay amnigeeda baadho ayaa wanaagsan oo wixii dabagasho iyo halkay wax ka imanayaan.”

Darawalka mid ka mid ah basaska gubtay, ayaa isna sheegay inuu arkay basaska oo gubanaya, waxaannu yidhi; “Arday uun baannu soo dhignay oo waannu bakhtiinay, oo waannu ka dagnay, in yar kadib markii aannu soo qadaynay ayuun baannu aragnay gaadhigii oo gubanaya, xataa gaadhiga muraayadaha waannu ka sii neef-neefinay (muraayadaha ayaannu in yar hawada u sii furnay), gaadhigii oo la wada abudhay oo dadkii muraayadihii xagga hore ka daateen ayaannu aragnay.”

Intaas kadibna su’aalo saxaafaddu waydiisay baslayaasha gaadiidku ka gubteen iyo jawaabaha ay bixiyeen waxay u dhaceen sidan;
Su’aal: Cida  gubtay  ma garanaysaan?

Jawaab: Wax alla wax gubay oo aannu iminka u haynaa ma jirto.

Su’aal: Arrintaa dawladda ma u sheegteen?

Jawaab: Dawladduna way ogtahay oo dabagal ayey ku haysaa, oo si wacan ayey noogu timi, sirdoonkuna way noo yimaaddeen iyaga qudhooduna. Gaadhiguna waa gaadhigaas cusub ayuu ahaa ee ah 79743, waxanna kuu caddeynaysa in gubashadaasina shoodh keenin wuu caddeeyey oo weli alaankaas dambiisu waa sax maantana waa kaas. Kii horena sidaas ayuun buu ahaa oo looga dagay oo shoodh muu keenin oo waannu baadhnay labadaba.

Su’aal: Hay’adaha ammaanka maxaad ugu baaqeysaan?
Jawaab: Hay’adaha ammaanka waxa aannu leennahay arrintan yeynaan dhiganin, wax la dhigto ma’ahee oo dabagal aannu sameyno dhammaanteen, dawladduna lafteedu dabagal bay ku haysaa oo ilaa saddexdii habeenimo ee xalay ayey baadhaysay, oo gaadhiga saddexdii habeenimo ayaa OB-ga la i geeyey,