Araweelo News Network
Baydhabo

Baydhabo(ANN)Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay, tiro ka badan intaasna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidammada maamul-goboleedka Soomaaliya ee Koonfur-galbeed iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray degaanka Iidaale ee Gobolka Bay.
Dagaalkan ayaa qarxay, kaddib markii ciidammada maamulka Koonfur-galbeed weerar ku qaadeen fadhiisimo dagaalyahannada Al-shabaab ku leeyihiin degaanka Iidaale, halkaasna labada dhinac ku dhexmaray dagaal culus oo muddo dhowr saacadood ah socday.
Taliyaha ciidanka Qaybta 60-aad ee millatariga dawladda taagta daran ee Soomaaliya Jen. Ibraahim Yaroow, ayaa ku dooday inay dagaalkaas ku dileen xubno badan oo xoogagga Al-shabaab ah, isagoo ka gaabsaday inay xuso khasaaraha ciidankooda ka soo gaadhay dagaalka.
Sidoo kale, Taliye-ku-xigeenka Booliska maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Mr. Maxamed Isaaq Cara-cas, ayaa sheegay in weerarkaasi ahaa mid qorshaysan oo ciidankoodu xoogagga Al-shabaab kaga saarayaan degaannada ay gacanta ku hayaan ee ku yaal Gobolka Bay.
“Ciidanka Koonfur-galbeed waxay weerar qorsheysan oo gaadmo ah ku qaadeen saldhigyo Al-shabaab ka lahaayeen degaanka Iidaale, iyaguna [Al-shabaab] aanay filayn, waxaanuna dagaalkaas kaga dilnay illaa toddoba dagaalyahan,” ayuu yidhi Cara-cas.
Hase ahaatee, warar madaxbannaan ayaa xaqiijiyey inuu jiro khasaare culus isugu jira dhimasho iyo dhaawac ciidanka maamul-goboleedkaas ka soo gaadhay dagaalkaas.
Kooxda Al-shabaab ayaan illaa hadda dhankooda ka hadal dagaalka khasaaraha badan dhaliyey ee degaanka Iidaale ku dhexmaray ciidammada maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.