Araweelo News Network

 

Berbera(ANN)-Badda Magaalada Berbera, ayaa sababtay geerida laba wiil oo dhalinyaro ah, kuwaas oo ku dabaalanayay Badda.

Labada wiil ee dhalinyarada ah, ayaa la sheegay in ay saaka ka tageen Caasimada Hargaysa, iyagoo halkaa u tegey sidii ay Badda ugu dabaalan lahaayeen, balse  ay geeriyoodeen kadib markii ay Baddu  liqday.

Dhalinyaradan ayaa magacyadooda lagu sheegay  Samiir Cali Cabdi iyo Maxamed C.raxmaan Xaashi, waxaana ka badbaaday  shilkaa  wiil oo la socday labada marxuun  sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha hawlgelinta Ciidanka Booliska ee Gobolka Saaxil Aamiin maxamed Cabdi.

Taliyuhu ayaa intaa ku daray  in la aqoonsaday labada marxuun ee geeriyooday, wuxuuna ugu baaqay dhallinyaradda Somaliland ee dabaasha iyo dalxiiska u imanaya magaalo xeebeedka Berbera ay ka taxadiraan inay galaan badda maadaama ay xiligan cartamayso oo ay kacsantahay.