Araweelo News Network.

Sababaha Ugu Weyn Ee Magcaabista Xilalka Cusub

Riyadh(ANN)- Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada wuxuuna bedelay wasiirkii Xajka iyo Cumrada, madaxii maxkamada sare ee maamulka iyo guddoomiyaha Hay’ada duulista Hawada ee dalka Boqortooyada Sucuudiga.

 

Sida lagu shaaciyay Wareegtooyin kasoo baxay qasriga Boqor Salmaan oo ay baahisay wakaaladda rasmiga ah ee Sacuudiga oo loo soo gaabiyo (SPA), Boqor Salmaan wuxuu shaqada ka joojiyay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Mohammed Saleh ben Taher Benten, wuxuuna u magacaabay Issam bin Sa’ad bin Saciid oo sidoo kale ah wasiiru dowlaha, sii-hayaha wasiirka.

 

“Mohammed Saleh ben Taher Benten, Wasiirka Xajka iyo Cumrada waa laga qaadayaa xilkiisa,” ayaa lagu yidhi, qoraal kooban oo ay wakaaladdu soo dhigtay barteeda Twitter-ka, iyadoo aan sheegin sababaha ka dambeeya go’aanka xilka lagaga qaaday Mohammed Saleh.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa ah waax ka tirsan dowladda Sucuudiga oo gacanta ku haysa arrimaha la xidhiidha xajka ee Boqortooyada. Sannadihii la soo dhaafay, wasaaradda ayaa la kulantay dhaleeceyn ku saabsan maaraynta munaasabaddaha sannadlaha ah ee Xajka.

 

Bishii September 24, 2015, burburin bini-aadam ayaa ka dhacday gudashada waajibaadka Xajka ee Mina, oo u dhow Mecca, oo ay ku dhinteen kumanaan Muslimiin ah.

 

Ilo aan rasmi ahayn ayaa ku sheegay tirada dhimashadu gaadhay ku dhowaad 7,000 oo qof iyadoo lagu saleynayo warbixinno shaqsiyeed oo laga keenay waddamada ay muwaadiniintoodu kasoo jeedeen ee ay ka yimaadeen oo ehelada dhibbanayaasha dhacdada laga soo xigtay.

 

Horaantii Bishan, ayay ahayd markii wiish dhisme oo aad u weyn oo ay maamusho shirkadda ‘Saudi Binladin Group conglomerate’ uu ku dumay masjidka weyn ee Maka, halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 100 xujey ah.

Dhinaca kale, Wareegtooyin gooni gooni ah, ayuu  jimcihii, Boqor Salmaan ku magacaabay Sheikh Ali bin Suleymaan bin Ali al-Sa’awi inuu noqdo madaxa cusub ee Maxkamadda Sare ee Maamulka, wuxuuna beddelay Ibraahim bin Suleymaan bin Cabdalla al-Rasheed.

 

Abdul Aziz bin Abdullah bin Abdul Aziz al-Duaij waxaa sidoo kale loo magacaabay gudoomiyaha cusub ee Hay’adda Duulista Hawada kadib Abdul Hadi bin Ahmed bin Abdul Wahab al-Mansouri.

 

Sidoo kale, Mansouri waxaa loo magacaabay kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda ee arrimaha fulinta, halka Abdul Aziz Bin Abdul Rahman Bin Abdul Aziz al-Arifi  loo magacaabay kaaliyaha wasiirka gaadiidka.

 

Dadka ka faallooda arrimaha dalka Sucuudiga ee sida dhaw ula socda siyaasada qoyska Salmaan ayaa ku macneeyay intallaabada isku shaandheynta uu sameeyay Boqor Salmaan loogu tala galay in lagu keeno saraakiil daacad u ah Dhaxal Sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan oo doonaya inuu si rasmi ah xukunka ula wareego dhowaan, wallaw ay dul hogganayaan Salmaan iyo wiilkiisa fadeexado ay kow ka yihiin dilkii jamal khashoggi iyo dagaalka Yemen oo masiibo bini’aadanimo sababay.