Araweelo News Network,

Queen Elizabeth II Oo Geeriyootay

Balmoral , Scotland(AAN)-Boqoradii dalka Ingiriiska Queen Elizabeth II, ayaa ku geeriyootay magaalada Balmoral ee Scotland, iyadoo ay da’deedu ahayd 96 jir, waxayna geeriyootay, kadib markii ay xukunka haysay 70 sannadood.

Qoyskeeda ayaa ku soo ururay gurigeeda Scotland kadib markii walaac laga muujiyay caafimaadkeeda maalinimadii Khamiista, ilaa ugu danbayntii la xaqiijiyay in ay ku geeriyootay halkaa.

Sidaana waxa lagu sheegay Bayaan ay soo saartay, Buckingham Palace oo lagu xaqiijiyay geerida Boqorada, kaas oo lagu yidhi: “Boqoradda waxay si nabad ah ugu dhimatay Balmoral galabta.”

Boqorada, ayaa dhalatay 1952-kii, waxayna goob joog ka ahayd isbeddel bulsho oo aad u weyn, waxayna geerideedu kusoo beegantay maalmo kaddib markii ra’iisal wasaaraha dalka loo doortay haweenayda Liz  Elizabeth Truss, taas oo loo magacaabay Ra’iisal Wasaare 6-dii Sebtembar 2022.

Haweenaydan oo ahayd tii saddexaad oo haweenay taariikhda Britain ra’iisal wasaare ka noqota dalka, ayaa  hore u ahayd Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Arrimaha Horumarinta, taas oo boqorada ugu tagtay gobolka ay ku geeriyootay ee fasaxa u tagtay

 Geerideeda, wiilkeeda curad Charles, oo ahaa amiirkii hore ee Wales, ayaa dalka ku hoggaamin doona baroor diiq isagoo ah Boqorka cusub iyo madaxa dawladda, isla markaana 14 dawladood oo barwaaqo sooranka ah, ayaa laga samayn doonaa baroordiiqda.

“Boqorka iyo Boqorada Consort waxay joogi doonaan Balmoral fiidnimadii caawa,  waxayna ku laaban doonaan London maalinta beri, Sida lagu sheegay bayaanka

Dhammaan carruurta boqoraddu waxay u safreen Balmoral, oo u dhow Aberdeen, kadib markii ay dhakhaatiirtu boqoradda geeyeen baadhitaan caafimaad, halkaas oo ay ku sugnaayeen Wiilkeeda ay ayeeyada u tahay, Amiir William, isaga iyo walaalkii, Amiir Harry, oo dhammaanyood ku sugan halkaa.

Elizabeth II ayaa ahayd boqorada Boqortooyada Ingiriiska iyo 14 dhulal kale oo Barwaaqo-sooranka ah. Elizabeth waxay ku dhalatay Mayfair, London, iyada oo ah ilmihii ugu horreeyay ee Duke iyo Duchess ee York. Aabaheed waxa uu xukunka qabsaday 1936 markii uu xilka ka dagay walaalkii, King Edward VIII, isaga oo Elizabeth ka dhigay dhaxal-suge, sidaana ay ku noqotay Boqorada muddada dheer xunka haysay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com