Araweelo News Network

marxuum-cismaan-cabdulaahicigaalLondon(ANN) Alleh ha u naxariistee, waxa magaalada London ee Cariga Ingiriiska maanta ku geeriyooday Marxuum Cismaan Cabdullaahi Cigaal (Cisman Hindi) oo ahaa Siyaasi ganacsade ah oo door weyn kasoo qaatay halgankii dalka iyo dib u dhiskii Somaliland iyo weliba nidaamka axsaabta iyo geedi socodka dumuqraadiyada Somaliland.
Gudoomiyayaasha labada Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE, ayaa dhanbaalo tacsi ah oo ay kaga hadleen geerida marxuumka warbaahinta u kala diray.
“Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi isaga oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ku geeriyooday cusbitaal ku yaal dalka Ingiriiska maanta oo taariikhdu tahay 18/09/2016.

Marxuum Cismaan Cabdillaahi Cigaal oo ahaa siyaasi caan ka ahaa Somaliland, isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay xisbigii UDUB iyo xisbiga KULMIYE, isla markaana waxa uu door wanaagsan ka soo qaatay hawlihii dib-u-dhiska iyo horumarka dalka Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, shacabka iyo qarankana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo.” ayaa lagu yidhi dhanbaalka Tacsida ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.
Sidoo kale Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya afkiisa, ka xildhibbaanada, hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba afka taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu tacsi tiiraanyo leh uu u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Cabdillaahi Cigaal(Cismaan-Hindi) oo maanta 18/09/2016 ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu sida oo kale uu tacsi taas la mid ah uu u dirayaa eheladdii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, waxaana uu ku siffeeyey in uu ahaa shakhsi wanaagsan oo si weyn uga soo qeyb-qaatay dhismaha qaranka Somaliland sida oo kale na muddo dheer ku soo dhex-jiray siyaasadda dalka.

Guddoomiye Cirro, waxa uu Marxuumka Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo kana waraabiyo jannatul Fardowsa sida oo kale na uu Eebe samir iyo iimaan ka siiyo eheladdii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.” Ayaa lagu yidhi dhanbaalka guddoomiyaha WADDANI.
Sidoo kale Tafaftiraha Shebekadda Araweelo News Network Carraale M jama iyo dhamaan hawlwadeenada shebekadaha Araweelooyinka, waxay tacsi taas la mid ah u dirayaan Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii iyo asxaabtii uu kabaxay Samir iyo iimaan ka siiyo Marxuum Cismaan Cabdullaahi Cigaal (Cisman Hidni), waxayna Alleh uga baryayaan inuu Janafardawsa ka waraabiyo.
Amiin Amiin.
Innaa-Lillaahi wa-innaa Ileyhi Raajicuun.