Maxay Ka Yidhaahdeen Khuburada Dunidu, Cudurada Loo Adeegsaday Hubka?

Maxaa Faafitaankiisa qayb ka ah, ,,,,, sababta kor u kaca dalalka Khaliijka ee Coronavirus.

Maraykanka iyo Midkee iska caabinta Coronavirus muujiyay?


Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist based Somaliland.

Hargeysa(ANN)-Dunida oo dhan ayaa ka qaylinay Fayriska ku faafay Adduunka oo dhan oo isaga gudbay dacalada iyo daafaha dunida in ka badan Tobbaneeyo kun ayaa u dhintay, halka In kabadan 167, 414, oo qof uu haleelay dunida oo dhan, walaw ay tirooyinku saacad saacad isu bedelaayan, isla markaana dalal badan oo dunida ah ay si weyn u waajaheen jaah-wareer.


Sababtoo ah faafitaanka ayaa si xawli ah u socda, taas oo cabsi weyn iyo wer-wer gelisay guud ahaan Caalamka, isla markaana waxa si weyn u hoobtay dhaqaalaha Adduunka, kadib markii la xidhay Warshadaha, sidoo kale waxa la joojiyay dhaq-dhaqaaqa iyo isu socodka dunida, diyaaradaha, Tareenada, gaadiidka Badda, ayaa dhammaan istaagay, walaw aannay hada qarsoonayn in dhanka warbaahinta si weyn dalalka qaarkood oo siyaasiyan isu hayay isugu wiirsanayaan markii uu soo gaadhay Coronavirus.


Dalal baddan oo dunida ah, ayaa diiday safarada magaalooyinka iyo Tuulooyinka, waxa la mamnuucay Cimrada, sidoo kale, waxa dalal Sucuudigu hormood u yahay joojiyeen Salaada Jamaacada ee Masaajidada, Ciyaaraha, kulamada Xafladaha, Jaamacaddaha iyo Iskuulada ayaa la joojiyay in ka badan 132 dal oo dunida ah.

Faafidda coronavirus-ka cusub ee sannadka 2019 (COVID-19) waxa lagu tilmaamay xiisadda ugu daran ee dhaqan-dhaqaale ee hoggaamiyaasha Shiinaha iyo Maraykanku isweydaarsadeen tan iyo 1989-kii qabqabashadii Isu soo baxii khasaaraha weyn sababay ee dalka Shiinaha (1989 tiananmen square crackdown).

AKHRI: Hoos U Dhacii U Weynaa Saliida, Saamaynta Saamiyada Seyladaha Dunida Oo Balaayiin Ku Waayay Iyo Sababaha Keenay

Haatanse dhibaatadu kuma koobna Shiinaha oo keliya, wuxuuna Faafitaanka Fayriska ee ka gudbay xuduudaha, isagoo saamayn ballaadhan ku yeeshay dhaqaalaha Adduunka, siyaasadda, amniga, iyo dowladnimada, waana Fayriskii inta la xusuusanyahay taariikhda sidaa xawliga muddo koobban isaga gudba dacalada dunuda ee abuura cabsi weyn.

Arrinta Coronavirus wuxuu muujiyay aqoondaro weyn oo dunida ah, welina lama hayo fikrad cad oo ku saabsan Fayriska sidoo kale lama hayo fikrad cad oo ku saabsan muddada cudurku jirayo, Sidoo kale lama garanayo ilaa hada sida Fayrisku dadka ugu faafayo ka hor inta astaamuhu soo muuqan iyo sababta xaaladaha qaarkood ay si lama filaan ah ugu noqdeen kuwo aad u xun.

Sidoo kale lama fahmin sababta bukaanjiifka qaar ay dhakhaatiirtu uga baadheen cudurka qaaxada mar labaad markii ay ka bogsadeen bukaanada qaarkood, dhammaan arrimahaa iyo kuwo kale ayan weli khuburada iyo xeel-dheerayaasha Saynisku ku wareereen oo aannay u hayn jawaabo.

xaggee ka yimi Coronavirus yaase sameeyey asal ahaan?

Toddobaadyadii u danbeeyay muuqaalka cudurka Coronavirus ‘Pathogen’, muuqaalka warbaahinta bulshada ayaa laga soo buuxiyay soo jeedinno ah in fayrisku ahaa hub bayooloji ah oo ka baxsaday shaybaadh ku yaal Wuhan ama mid Maraykanka ah oo laga soo qaaday Wuhan.

Labada dal ee Maraykanka iyo Shiinihu isku dhaleeceeyeen arrintaa, wararka noocaas ah aan weli loo hayn caddaymo lagu kalsoonaan karo, iyadoo aanay Maraykanka iyo Shiinuhu wax dhiirigelin ah ka samayn hubka bayoolojiga, sidaa awgeed way adag tahay in la rumaysto ama la beensado, sababtoo ah saraakiisha millitariga ee labada dhinac.

Shiinuhu waxay diideen in Khuburada Maraykanku inay booqdaan Wuhan iyo inay iskaashi ka yeeshaan khatarta Fayriska iyo Baadhsitiisa, sababta Amni-darrida ka dhaxaysa labada dal, waxayna diidmada Shiinahu wiiqaysaa dadaallada lagu xakamayn lahaa faafitaanka fayraska ee Adduunka.

Bilowgii markii cudurka Coronavirus ka dillaacay Wuhan, waxa dadweynaha lagu wargaliyay in cudurku asal ahaan ka yimi fayris ay xayawaanku qaadaan oo u gudbay Aadamaha.

Laakiin si lama filaan ah ayay waraabhinta dhinaca Internetku waxay bilaabeen inay sii gudbiyaan sheegashada ah in fayriska hidde ahaan loo farsameeyay.

Warqad aan la daabicin oo ay qoreen saynisyahano u dhashay dalka Hindiya, waxay u muuqtaa mid xoojinaysa in la sameeyay Fayriskaa, waxayna soo jeedinayaan in taxanaha borotiinka viruska ay ku jirto waxyaabo ka kooban HIV, fayraska sababa AIDS.

Sheekada Coronavirus ayaa loo badinayaa inuu yahay hub ay sameeeyeen saynisyahano reer China ah, Tom Cotton oo ah Senatar Republican ka ah oo laga soo doorto Arkansas, wuxuu soo jeediyay in aan meesha laga saari karin in virusku asal ahaan ku ka yimi sheybaadh ku yaal Wuhan oo loo isticmaalo in lagu maareeyo cudurada ugu halista badan.

Xaasaasiyada ay abuurtay arrintan ayaa sababtay in shebekadda Zero Hedge oo arrimahan wax ka qortay laga joojiyay Twitter-ka, laakiin warbaahinta bulshada ee Shiinaha ayaa ku shaacinaya in virus-ka Coronavirus yahay mid ay sameeyeen injineero Mareykan ah, kuwaas oo wakiil u ah dagaalka bayoolojiga ee ka dhanka ah Shiinaha.

Mid ka mid ah fikradaha dhinaca shiinaha ayaa soo jeedinaya in askarta Maraykanka ee ka qeybgalayay Ciyaaraha Caalamiga ah ee Millitariga ee 2019, ka dhacayay Wuhan, kuwaas oo sida ay warbaahinta Shiinuhu sheegayaan inay si ula kac ah u faafiyeen fayriska Suuqa Badda ee Hunan. iyagoo ku doodaya in arrintu tahay “nooc cusub oo dagaal bayooloji ah oo ku waajahan Shiinaha.”

Cudurkan laga yaabay sida uu dunida ugu faafayo, maaha kii ugu horreeyay ee lagu hubka dabiiciga ah ee bayoolojiga ee la sameeyo, balse Intii lagu guda jiray 2002-da ee la arkay Cudurka SARS, saynisyahan Ruush ah ayaa sheegay xilligaa in fayrisku uu ka kooban yahay fayriska jadeecada oo lagu samayn karo sheybaadhka oo keliya.


Dad badan oo Shiine ah ayaa diiday fikirkaa waxayna rumaysnaayeen in SARS ay tahay hub hidde ah oo ka yimi hubka bayoolojiga oo Maraykanku samayeeyay si ay ugu bartilmaameedsado kaligood Shiinaha . dhalinyarada Shiinaha ayaa ku xidhay machadyo qaran oo caafimaad oo ay maalgalisay daraasad hiddo-sade Shiinaha ah oo ku saabsan barnaamijka dagaalka hiddaha ee Maraykanka.


Maraykanka gudihiisa, khabiir Shiine ah ayaa soo jeediyay in fayrisku xidhiidh la leeyahay barnaamijka bayoolajiga ee Shiinaha. Hase yeeshee SARS, ayaa la leeyahay sinnaba uma aha hub hidde ah. Marka loo eego Xarumaha Xakamaynta iyo ka Hortagga Cudurrada faafa ee Maraykanka, (U.S. Centers for Disease Control and Prevention) waxay sheegtay 166 kiis oo lagu arkay 2003, ay ahaayeen bukaannada SARS ee Maraykanka ku nool, kuwaas oo 58 boqolkiiba ahaayeen dadka caddaanka ah ee Maraykanka, halka 32 boqolkiiba ay ahaayeen Aasiyaan.

Su’aal kale ayaa imanaysa oo ah, intee ayey macquul tahay in Maraykanka ama Shiinaha ay soo saaraan hubka bayoolojiga ah ee loo adeegsado Aaddamaha?

Intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Maraykanka wuxuu soo saaray hubka bayoolojiga, laakiin waligiis ma isticmaalin, waxaana la leeyahay waxa uu leeyahay mas’uuliyado gaar ah oo loogu talagalay isticmaalka dagaalka, walaw aanay markiiba dhaqangelin, waxayna arrimahan ahaayeen welina ay yihiin kuwo xasaasi ah marka la eeggo duruufaha cimilada iyo saadaasha hawada, taas oo si aan macquul ahayn u sumayn karta aag muddo ka badan sidii loogu talagalay. Si kastaba ha noqotee Maraykanka ayaa tan iyo xilligaa sii waday kaydinta iyo horumarinta hubka bayoolojiga ah tan iyo qarnigii u dambeeyay.

Hase yeeshee Khabiir Maraykan ah oo lagu magcaabo Matthew Meselson, oo ku ku takhasusay cilmiga bayoolajiga ee Jaamacadda Harvard, ayaa horseed u noqday olole guul leh oo lagaga soo horjeedo horumarinta hubka bayoolojiga ah laga soo bilaabo horraantii 1960-meeyadii.


Sannadkii 1969, Maraykanku wuxuu ka takhalusay barnaamijkiisii dagaalka bayoolojiga ee wuxuuna door muhiim ah ka ciyaaray in si guul leh looga wada hadlo heshiis caalami ah oo loo yaqaan Hubka noolaha ee Bayoolajiga (BWC). Axdigu wuxuu mamnuucayaa horumarinta, wax-soo-saarka, iyo kaydinta wakiilada noolaha iyo nidaamyada gaadhsiinta la xidhiidha ee loogu talagalay isticmaalka cadaawada. Isagoo sharaxaya go’aanka Maraykanka, Madaxweyne Richard Nixon wuxuu faallo ka bixiyay 1970-kii “Weligeen uma adeegsan doonno jeermis-dilaha, markaa waa maxay wanaagga dagaal bayooloji ahaan sidii wax loo xakameyn lahaa? Haddii qof noo adeegsado jeermiskaa annagu waanu nuugi doonnaa.” ayuu yidhi, Richard Nixon.

Maraykanka marka loo eeggo Shiinaha ayaa u muuqda, isagoo ka shidaal qaadanaya Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Natiijo ahaan inuu Shiinuhu dareemay inay lama huraan tahay in la dhiso tas-hiilaad cilmi baadhis oo ku mashquulo “difaac” dagaal bayooloji. Bishii August 1951, Premier Zhou Enlai, wuxuu asaasay (Academy of Military Medical Sciences) Akademiyada Cilmiga Caafimaadka ee militariga oo loo soo gaabiyo (AMMS) si uu u sameeyo cilmi baadhis ku saabsan difaaca Jeermiska ka dhanka ah noolaha “hubka gaarka ah ee dagaalka.”

Maaddaama aannay Shiinihu haysan hubka nukliyeerka ilaa badhtamihii 1960-meeyadii, waxa ay samahisay soo saarista hubka bayoolojiga, kaas ay u arkayeen inuu yahay hubka ugu dambeeya ama istiraatiijiyad istiraatiiji ah oo la mid ah hubka nukliyeerka. Laakiin 1982, Shiinuhu waxay heleen gantaal Nukliyeerkii u horreeyay. Laba sano kadibna, Shiinuhu wuxuu aqoonsaday BWC. arrintan ayaa u muuqatay ama tilmaamaysa in Shiinuhu, sida Maraykanka, ay u arkeen hubka nukliyeerka inuu yahay mdka keliya ee lagu kalsoonaan karo oo wax xakamayn kara.

Badhtamihii 1980-meeyadii ayaa isbeddel ku yimi ajendaha qaran ee Shiinaha ee dhinaca horumarinta dhaqaalaha. Maalgalinta xarumaha cilmi baadhista iyo difaaca Noollaha ee Shiinaha ayaa hoos u dhacay, waxayna bilaabeen inay u soo saaraan wax-soo -saarka rayidka halkii ay u isticmaali lahaayeen ujeedooyin millitari.


Xarunta oo loo soo gaabiyo AMMS, (U.S. Army Medical Research Institute of Infectious Diseases.) waxay noqotay laf dhabarta aalad ama nidaam matalaya isbadalada sida tirada badan ee isdaba joogga ah isu beddalaya, taas oo awood u leh inay muujiso wakhti kasta oo suurogal ah.

sidaa awgeed Machadka Cilmi baadhista Caafimaadka ee Ciidanka Maraykanka ee Cudurada caabuqa ah, ama jeermiska ah. wuxuu soo saartay dawada loo yaqaan pan-antimalaria, xaruntu xarunti waxay ka diiwaan gashan tahay in ka badan 50 waddan. Intii lagu gudajiray sannadkii 2014-kii ee dunida uu ka dillaacay viruska Ebola, AMMS, waxay lashaqaynaysay shirkaddaha dawooyinka ee shiinaha si loo soo saaro labo daawo oo lagu daweeyo cudurka dilaaga ah ee Ebola oo xilligaa Galbeedka Afrika baroosinka dhigtay.

Shiinaha iyo Maraykanka ayaa labaduba ka mid ah dalalkii saxeexay 10 April 1972 (Biological Weapons Convention) BWC, laakiin waxa muuqata in midba midka kale ka qabo shaki weyn, iyadoo uu jiro loolan marar badan khilaaf ka dhex abuuray labada dal oo la xidhiidha dhinaca ganacsiga, dhaqaallaha iyo saamaynta dunida ee xilligan casriga ah.


Warbixinii hore oo dawladda Maraykanku soo saartay waxay sheegtay in Shiinuhu sii waday lahaanshaha “awood dagaal bayoolaji oo ba’an oo ku saleysan tikniyoolajiyadda horumarsan ka hor intaanay isticmaalin BWC.” Sida laga soo xigtay sarkaal hore oo ka tirsan waaxda gaashaandhigga Mareykanka, 1990-yadii Shiinaha ayaa soo saaray oo u hub qaatay noocyo badan oo ah cudurada faafa ee sunta ah, wuxuuna haystaa noocyo badan oo gaadhsiisan heer ay wax dilaan, kuwaas oo Maraykanku sheegeen inay yihiin wax la heli karo, oo ay ku jiraan gantaalada ballistikada iyo gantaalaha maraakiibta.


In kasta oo warbixinnaha iyo eedaymaha Maraykanka aan waligood lagu xaqiijin, isla markaana loo hayn caddeyn furan, haddana daabacaadaha rasmiga ah ee Shiinaha waxay soo jeedinayaan in la sii wado oo la abaabulo wax-qabad la xidhiidha difaaca Aaddamaha, Ilaha rasmiga ah ayaa soo sheegay in 1990-yadii, saynisyahannada Shiinaha u adeegsadeen dhul gaar ah oo ah meelo cayiman oo dhexdhexaad ah, kuwaas oo si dhakhso leh loogu beero (brucellosis) oo ah Cudur bakteeriya oo sida caadiga ah saamaynaya lo’da iyo digaagada oo ku keenta qandho aan kala joogsi lahayn, isla markaana u gudbi kara Aadanaha, taas oo loo arkayay inuu yahay wakiilka bayoolojiga ee ku habboon adeegsiga millatariga.

Hase yeeshee dad badan oo Shiine ah ayaa weli u arka Maraykanka inuu yahay halista dagaal bayooloji ee iman karta. Wixii ka dambeeyay markii uu dillaacay xannuunka SARS 2002, qaar ka mid ah khubarada millatariga Shiinaha ayaa ku qeyliyay xaalad cadaaweysan, kuwaas oo ku buufinaya fayraska aan la aqoon ee SARS ee magaalada Beijing inta lagu gudajiro duqaynta cirka.

Markii la ogaaday in Maraykanku uu soo ritay cudurka kudka ee u adkaystay daawada Jeermiskaa, wuxuu khabiir caafimaad oo Shiinaha u dhashay cadeeyay in Washington ay hub ahaan siisay SARS iyo fayraska hargabka Shinbiraha. Sannadkii 2001, maamulkii Madaxweyne George W. Bush wuxuu diiday hab maamuuska loo soo gudbiyay BWC sababo la xidhiidha in aannu ku filnayn ujeedadiisa.


Arrintaa oo abuurtay xiisad, ayaa ka dhaadhicisay khubarada Shiinaha qaarkood in Maraykanku ay dib u cusboonaysiiyeen xiisihii ay u qabeen soo saarista hubka bayoolojiga. Sannadkii 2007, baadhayaasha millitariga Shiinaha ayaa daabacay maqaal ay ku eeddeeyeen Maraykanka “adeegsiga Tignolojiyad cusub oo lagu horumarinayo wakiilada hubka Bayoolojiga noolaha” waxayna ku andacoodeen inay “aad ugu egtahay” in kudka kudka weeraradii 2001-dii ee lagu qaaday xafiisyada senatarrada dimoqraadiga ay ka yimaadeen militariga Maraykanka. sheybaar lagu oggaaday Shakiga noocan oo kale ah wuxuu sharxi karaa sababta dowladda Shiinaha ay markii dambe u adkeysay qawaaniinta ajaaniibta.

Kalsoonida labada dhinac ah iyo marin-habaabinta waxay astaan u yihiin dhibaato amni oo caadi ah, taas oo ficillo ay qaadeen hal dal oo lagu hagaajinayo amnigiisa ay horseed u noqoto jawaab-celinta ka timaadda kuwa kale, taasoo ka dhigaysa dowladdii asalka ahayd mid aan xasilloonayn. Waxaa taas ka sii xun, barnaamijyada bayoolajiga ayaa ah kuwo si caadi ah u liita, isla markaana kiciya dabeecad xumada noocaas ah.


Marka hal dal, ama dawlad loo arko innay ku raad-joogto hubka bayoolojiga ah, kuwa ay xafiiltamaan waxay u badan tahay inay raadiyaan sidii ay u heli lahaayeen sidoo kale. Intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Maraykanka, Kanada, iyo Boqortooyada Midowday dhamaantood waxay horumariyeen hubka bayoolojiga sababta oo ah waxay u mayalnayeen in Hitler oo ahaa hoggaamiyihii Jarmalka ee xilligaa horumarin doono hubkiisa. waana sababta Shiinaha ay u arkaan in Maraykanku yahay khatar ku iman karta oo kusoo qaadi kara dagaal bayooloji.

Haddii cudur si dabiici ah u dhacayo ama si ula kac ah loo sameeyay way adkaan kartaa in la sheego, sababta oo ah wakiilo badan oo bayooloji ah ayaa si dabiici ah loo heli karaa, wax soo saarkooduna waa adeegsiga laba geesood ilaa heerka hub qaadista. Macnaha guud ee xidhiidhka laba geesoodka ah, cudur dabiici ah oo ka dillaaca cudurka bakteeriyada aan la aqoon ayaa si fudud loogu diyaarin karaa weerarka noocan ah, waana sababta Coronavirus weli xal loogu layahay ee ay labada dhinac ee Maraykanka iyo Shiinuhu isugu eedaynayaan.


Alfred Crosby oo ahaa Taariikh-yahan wuxuu xusay in 1918 -kii in cudurka xilligaa ku faafay dalka Spain (1918 -1919 Pandemic (H1N1 virus) oo looga shakisanaa inuu yahay mid ka bilaabmay wakiilo Jarmal ah. Sannadkii 2004, dawladda Hindiya waxay ku eedaysay “Pakistan in kooxda argagixisada jihaadka” si ula kac ah ugu faafisay Fayriska HIV gobolka Kashmir.


Markii H5N1 (“hargabka shimbiraha“) uu noqday walaac weyn adduunka oo dhan sanadkii 2008, wasiirka caafimaadka ee Indonesia, Siti Supari, waxay ku eedeysay Maraykanka inay isticmaalayeen samballada viruska si ay u horumariyaan hubka noolaha waxayna joojisay howlihii qeybta baadhitaanka caafimaad ee ciidamada badda ee Maraykanka ee Jakarta.

Xilligan cilaaqaadka sii xumaanaya ee ka dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha iyo faham darrada khaldan ee asalka cadaawada leh ee COVID-19, ayaa wiiqaysa dadaallada caalamiga ah ee wax lagaga qaban lahaa faafitaanka cudurka. Muddo toddobaadyo ah, Shiinaha ayaa iska dhega tiray dalabyada kaga yimi Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Maraykanka.


Sida laga soo xigtay barta internetka ee lagu daabacay mareeg internet-ka oo xidhiidh la leh (wargeyska rasmiga ah ee guddida Shanghai ee Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha (the official newspaper of the Shanghai Committee of the Communist Party of China), “Qaar ka mid ah khubarada CDC ee Maraykanka” ayaa laga yaabaa inay usii jeedaan hawlgal millitari si ay u basaasaan awoodda cilmi baadhista ee Shiinaha. Laba khubaro Maraykan ayaa ugu dambeyntii ku biiray wefdigii Ururka Caafimaadka Adduunka ee Shiinaha bishii Febraayo, laakiin booqashada garoonka ee weftiga laguma darin inay tegayaan Machadka Wuhan ee ahaa xuddunta faafitaanka cudurka.

Sheekada ‘coronavirus’ ee loo waa hubka noolaha kaliya, mana aha mid waxyeelo leh, laakiin,,,,,, kala soco Araweelo News Network, warbintaa oo dhamaystiran iyo qaybo kale oo lagu faaqidayo xaqiiqiiyinka ku gaddaaman Coronavirus iyo Fayrisyo kale oo dhammaantood la rumaysan yahay in loo adeegsaday hub ahaan.