Araweelo News Network

Yemenis stand on the rubble of houses destroyed in a Saudi airstrike in Sana’a on June 9, 2017. (Photo by AFP)

New York(ANN)- Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in dagaalka ka socda dalka Yemen sii xooggaystay, isla markaana xaalada noloshu sii adkaanay, iyadoo cudurka daacuunku ka dilaacay halkaa, sidaana waxa lagu sheegay warbixin ay  soo saartay  Qaramada  Midoobay, taas oo lagu  xustay in tirada weerarrada diyaaradeed ee lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkan ay ka bateen dhammaan weerarradii dhacay sanadkii  hore ee 2016.

 

Duqaymaha dhinaca Isbahaysiga uu Sacuudigu horkacayo  oo wata diyaarado iyo hub casri ah oo laga soo iibsaday dalalka galbeedka  ayaa  weerarro dhanka cirka ah ku qaada mucaaradka. Mareykanka ayaa sidoo kale dhankiisa la beegsada dagaal-yahannada al-Qaacidda ee koofurta Yemen, balse weerarada dhanka cirka ayaa galaafta nolosha dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Qaramada Midoobay, waxay ka dayrisay xaalada dagaalkaa oo ay  ku dhinteen  kumannaan qof, iyadoo ka digtay saamaynta ba`an ee uu yeeshay  iyo khatarta laga cabsi qabo  in  macluuli ay  ka dhacdo, iyadoo awalba xaalada nolosha dadku ay liidatay, isla markaana ay jireen macaluul iyo cuduro ka dilaacay Yemen oo aan wax gargaar ah la gaadhsiin.

 

Warbixinta  Qaramada Midoobay, ayaa  lagu sheegay in tirada kiisaska looga shakisan yahay cudurka daacuunka ee dalkaasi ay  gaadhay 500,000, sida ay sheegeyso Hay`adda Caafimaadka Aduunka (WHO).

 

Ugu yaraan 1,975 oo qof ayaa dhintay tan iyo intii cudurka biyaha ka dhasha uu ku faafay dalkaasi dhammaadkii bishii April ee 2017,  Cudurka ayaa si aad ah u fiday sababo la xidhiidha  nadaafad-darro ka dhalatay biyo la`aan ka jirta qaybo badan oo dalkaasi ka mid ah oo qiyaastii  In ka badan 14 milyan oo qof aanay haysan biyo nadiif ah,  faya-dhowrka oo liita  iyo gurmadka oo awood lagu gaadhsiiyo la waayay.