Araweelo News Network.

 

Dhawaaqyo Hanjabaad Ah oo kasoo baxay Diblamaasiyiinta shisheeye.

 Gollaha Murrashaxiinta oo ka hadlay weerar lagu qaaday madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xukuumadda oo ka hadashay dhacdooyinkii Xalay awaamiir cusubna bixisay

Muqdisho(ANN)- Dagaal laysku waydaarsaday raasas xooggan ayaa caawa si weyn u cabsi geliyay shacbiga ku dhaqan Magaalada Muqdisho, kuwaas ka baqe qaba in xaaladdu isu bedesho collaado iyo dagaalo mar kale ku celiya Soomaaliya xilligii fawdada iyo malayshiyaadka mooryaanta ee hoggaamiye kooxeedyada mudada dheer qalalaasaha ka waday Somalia.

Dagaal ayaa ka bilaabmay caawa caweyskii Isgoyska KM4 oo ka mid ah jidadka ugu muhiimsan magaalada ee wadada Maka Al Mukarama., halkaas oo ay mu sugnaayeen sida ay warar sheegayaan Malayshiyo uu haysto Taliyihii xilka laga qaaday maalmihii lasoo dhaashay Saadaq John  oo taageero ka helaya Yuusuf Indhacade oo ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii mar ka talin jiray Magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in in ay ciidamadda Harimcadka oo kaashanaya Millateriga Federaalka Soomaaliya iyo malayshiyada ku sugan halkaa dagaalku ka dhex qarxay,  wallaw aannay jirin waxa khasaare ah oo la xaqiijiyay, goor sii horaysay maanta  Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ee Soomaaliya iyo Millateriga ayaa la wareegay Isgoyska Fagax.

Balse waxa jira warar sheegaya in dagaal ku dhexmaray Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho ciidamadda Millateriga iyo kuwo kale, taas cabsi weyn gelisay dadka shacabka ee ka dhow halkaa, iyadoo qaarkood ay durba bilaabeen in ay ka bara kacaan xaafaddaha ka ag dhow halkaa.

Sidoo kale, dadka ku nool Xaafaddaha Sanca, Siisi iyo Sanca ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda, kuwaas oo aamini waayay xaaladda, isla markaana ka cabsi qaba in dagaalku sii xoogaysto oo khasaare nafeed iyo waxyeelo kasoo gaadho.

Somalia: Qaraarka Mudda Kordhinta Baarlamaanka Ee Qorshaysnaa Digniinta Mucaaradka Iyo Dhawaaqa Farmaajo

Muuqaalo laga duubay rasaasta dagaalka ka bilaabantay caawa Magaalada Muqdisho iyo xiisada collaadeed ee jawiga beshay, ayaa si weyn usoo jiitay indhaha caalamka oo mar kale u sawiray in Soomaaliya kusii socoto dhabbihii collaada iyo fawdada ee dhawr iyo tobban sannadood ka hor.

Diblamaasiyiinta Midawga Yurub, Britain iyo kuwo kale, ayaa ka digay in la sameeyo qalalaase iyo fawdo, waxayna ku hanjabeen in lala xisaabtami doono cid walaba oo amaanka waxyeelo u geysata, isla markaana qayb ka noqota dagaal aan xilligan loo baahnayn, waxayna ugu baaqeen dhinacyada khilaafka in ay wada hadal isugu yimaadaan oo xalka ku raadiyaan miiska ee aannay ku dhiiran dagaalo iyo collaado xilligan.

Madaxweyne Farmaajo Oo Baarlamaanka Hortiisa Ka Qiray Fashilaada Ku Gadaaman Khilaafka Doorashada Xilli Saacado Kooban Ka Hadheen Mudada Xilkiisa

Sidoo kale, waxay ka digeen nafaha shacbiga iyo hantida dadka la ilaaliyo oo aan looga faa’idaysan khilaafka la doonayo in lagu kiciyo rabshadaha iyo collaadaha.

Dhinaca kooxda siyaasiyiinta ee la baxay Golaha Midowga Murrashaxiinta , ayaa ku eedeeyay xukuumadda in ay guryaha ay ka deganaayeen Muqdisho ku weerrartay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Waraame.

Somalia: Hoggaamiyayaasha Siyaasada Oo Sii Wata Go’aankooda Khilaafka Iyo Fashilka Shirka

Gollaha, ayaa sidaa ku sheegay baaq ay soo saareen caawa oo ay si kulul u canbaareeyeen  weerrarkaa oo sida ay sheegeen ciidanku ku qaadeen, waxayna arrintaa la xidhidhiyeen khilaafka ka taagan mudda kordhinta  Madaxweyne  Maxamad Farmaajo, iyagoo sidoo kale uga digay ciidanka AMISOM iyo dhinacyada kale in ay garab siiyaan Madaxweyne Farmaajo.

Xukuumadda ayaa xilli danbe waarbeerigii ah ka hadashay dhacdooyinkii ugu danbeeyay qaarkood, wuxuuna ra’iisal wasaare Rooble ku tilmaamay dagaalka mid la doonayo in shacbiga lagu cabsi geliyo.  isagoo ugu baaqay ciidamadda amaanka in ay waajibkooda gutaan, sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumaddu diyaar u tahay wada hadal in lagu xaliyo wixii khilaaf ah ee jira, isagoo culumada, ganacsatada iyo bulshada kale ugu baaqay in ay amaanka caasimada doorkooda ka qaatan.

Hase yeeshee ra’iisal wasaare Rooble oo qoraalkiisa nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Netwk, laguma xusin sida ay xaaladdu hada tahay iyo inuu jiro khasaare ka dhasahy dagaalka xalay ka dhacay Muqdisho ee uu ku sheegay rabshado, sidoo kale masoo hadal qaadin    dhacdooyinka ugu danbeyay ee dagaalka garab socday in ay xukuumaddu weerrartay siyaasyiin sida ay sheegeen gollaha murrashaxiintu sheegeen in  guryaha ay deganaayeen lagu weerrary Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligan qayb ka ah gollaha murrashaxiinta iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isu bahaystay sidii ay xukunka ugu tuuri lahaayeen xukuumadda Madaxweyne Faramajo, wuxuuna khilaafka gaadhay gacan ka hadalka soo jiitamayay dhawrkii bilood ee u danbeeyay, kadib markii dhinacyadu ku heshiin waayeen jidka loo marayo doorashooyin.

Balse xaaladda ayaa sii cakirantay kadib markii gollaha Wakiiladu u kordhiyeen muddo xileedka xukuumadda Federaalka ee loogu daray muddo laba sannadood ah, taas oo mucaaradku ku tilmaameen go’aan aan sharci ahayn oo baalmarsan dastuurka Federaalka, halka xukuumadduna ku dooday in ay sharci tahay wixii hadda ka danbeeyana laga shaqaynayo qaabkii doorashooyinku u dhici lahaayeen.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com