Washington(ANN)-Dalalka Sucuudiga iyo ImaaraadkaCarabta, ayaa qorsheynaya inay loollan adag iyo dagaal geliyaan haweenka muslimiinta ah ee ku biiray aqalka Koongareeska Mareykanka, doorashadii dhexeee November 2018, ka dhacday dalkaa.

Markii ay dhacday doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka, warbaahinta garabka Midig ee dalkaasi ayaa bartilmaameed ka dhigtay Ilhaan Cumar oo asalkeeda kasoo jeeda Soomaali iyo Rashida Tlaib, oo kasoo jeeda Falastiin, waxayna labadaa dumar ah ka mid ahaayeen haween siyaasiyadda xisbiga Dimuqraaddiga ee inta baddan doorashaddaa ku guulaystay kasoo galay, balse markiiba waxa warbaahinta taageerta Madaxweyne Trump iyo xisbigiisu ku tilmaameen hablahaa inay ka soo jeeddaan bulshada xag-jirka ah.

Ilhaan Cumar oo garab ka heleysa xisbigeeda ayaa u xusul duuban in meesha laga saaro sharci 180 sano jirsaday oo aqalka Koongareeska ka mamnuucaya inay soo galaan dadka uu madaxa u daboolan yahay.

Baadari lagu magacaabo E.W. Jackson oo ka mid ah dadka u hadla xisbiga Jamhuuriga Mareykanka, ayaa isagoo ka jawaabaya isku dayga ay siyaasiyiinta Dimuqraaddiga ku doonayaan in xijaabka lagu galo aqalka hoose, wuxuuna Idaacada ka sheegay in dadka Muslimiinta ah ay doonayaan inay Koongareska ka dhigaan “Jamhuuriyad Islaami ah”.

Hase ahaatee, gudaha Mareykanka oo kaliya ma aha meelaha uu ka imaanayo dagaalka lagula jiro Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib, oo iyadana ah gabar muslim ah oo asal ahaan ka soo jeedda Falastiin, balse waxaa jira dagaal kale oo dibadda kaga imanaya.

Weerarro la soo qaban qaabiyay, ayaa looga soo qaaday dalalka kala ah Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.

Ilhan Omar (L) and Rashida Tlaib
Ilhan Omar (L) and Rashida Tlaib

Doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka ayaa sare u siiqaadday shaki xooggan oo ay warbaahinta bariga dhexe ka muujinayeensiyaasiyiinta u doodda xuquuqda dadka ee ka howl gala Mareykanka.

Hay’addaha Warbaahinta ee la dhacsan hannaanka maamulka dowladaha Khaliijka, ayaa marar badan ku cel celiyay eedeymo ay u jeedinayeen Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib, iyagoo sheegayay inay labadaas gabdhood ee hadda ka tirsan Koongareska si toos ah u taageeraan ururka Ikhwaanul muslimiin ee laga mamnuucay dalka Masar.

Ururkaas ayaa sidoo kale cadow la ah Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Maalintii Axada ahayd ayuu Telefishinka laga leedahay dalka Sacuudiga ee Al-Carabiya, ayaa baahiyey muuqaal uu ku sheegay in Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ay qeyb ka ahaayeen isbahaysi u dhexeeya xisbiga Dimuqraaddiga iyo kooxaha islaamiga ah, ayna doonayaan inay la wareegaan maamulka Aaqalka Koongareeska.

Maqaalkaas ayaa labada siyaasi ku eedeeyay iney yihiin “dad ka soo hor jeeda madaxweyne Trump iyo siyaasadihiisa, gaar ahaan qorsheyaashiisa arrimaha dibadda ee ku aaddan cunaqabateynta Iiraan, xayiraadda ururka islaamiga ah ee Ikhwaanul Muslimiin iyo dhammaan ururrada siyaasadeed ee islaamiga ah”.

Tusaale kale oo arrintan la xidhiidha, ayaa soo baxay, kaddib markii barnaamij dood wadaag ah lagu qabtay Telefishinka ay leedahay dowladda Sacuudiga ee MBC, kaasoo looga dooday guusha haweenka xisbiga Dimuqrdaaddiga iyo sida ay xaaladda u adkaan karto marka ay xisbigaas la wareegaan maamulka aqalka Koongareeska.

Wariyaha caanka ah ee lagu magacaabo Amr Adib, ayaa dooddiisa ku marti qaaday siyaasiga rug caddaaga ah ee u dhashay Masar ee lagu magacaabo Moataz Fattah, kaasoo sheegay in guulihii uu madaxweyne Trump ka gaadhay la dagaallanka kooxaha islaamiga ah ay wiiqi doonaan siyaasiyiinta Xisbiga Dimuqraadiga ee la wareegay aqlabiyadda Koongareeska.

Ilhaan oo dhawaan loo doortay xildhibaannimada Koongareeska, oo ay ku mataleyso xisbiga Dimuqraaddiga Mareykanka, ayaa ah gabadh muslim ah oo ka soo jeedda Soomaaliya labiskeedana uu ka mid yahay khamaarka madaxa lagu xidho, balse waxaa jira xeer u yaalla aqalka ay ku biirtay oo ku qasbaya inay iyadoo madaxeeda qaawan yahay gasho golaha.

Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib, ayaa iyagana taariikhda ku galay inay noqdaan gabdhihii muslimiinta ahaa ee markii ugu horreysay abid ku biiray aqalkaas, waxaana laga soo doortay isla xisbiga Dimuqraaddiga.

 BBC-da ayey Ilhaan u sheegtay in shaqada ugu horreysa ee ay qabaneyso ay tahay sidii ay u badbaadin lahayd khamaarkeeda, taasna aygarab ku siiyeen siyaasiyiinta kale ee xisbigeeda saameynta ku leh.

“Sidaynu ognahay Waddankan sharciyadiisa waxay oggol yihiin in qof walba uu diintiisa xor u ahaado laguna xushmeeyo, Markaa aniga waxaan ahay qof muslim ah oo xijaab xidhata, sharcigaanna waa muhiim inuuii oggolaado inaan xijaabkeyga xidhto shaqadeydana guto, Markii la i doortay waxaan ogaannay inuu jiray sharci igu adkeynaya inaan khamaarkayga wato, markawaxaa fursad la ii siiyay inaan aniga noqda qofka horseedaya sidii sharcigaas loobaddali lahaa” ayey tidhi, Ilhaan.

 Ivanka Trump oo ah gabadha uu dhalay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa ka mid ah dad fara badan ee Ilhaan ku taageeray inay tallaabadaas u qaaddo sidii ay u xaqiijin lahayd in iyadoo xijaaban aydhex fadhiisato aqalka Koongareeska.

Hirgalinta sharcigan ayaa la filayaa in la guda galo todobaadyada  soo socda, marka xildhibaannada loo dhaariyo xilalkooda, sida ayBBC-da u sheegtay Ilhaan.

Xisbiga Dimuqraaddiga, oo ay Ilhaan xubin ka tahay ayaa aqlabiyad ku leh aqalka wakiillada ee Koongareeska, waxaana lagu wadaa in ay si sahlan ku baddalaan sharcigaasi, Ilhaan ayaana aaminsan inay arrintan wax weyn uga dhigantahay gabdhaha kale ee muslimiinta ah.

“Waxaan rajeynayaa in gabdhaha muslimiinta ee aniga kaddib la soo dooran doono ay heli doonaan fursad ay xijaabkooda kulatagaan shaqadooda, dagaal kalena aanay u galin inay arrintaas hir galiyaan.Tusaale ayaan u noqon doonaa gabdhaha yar yar ee iskuullada dhigta.

Waxay ila tahay in gabdhahaas markii iyagoo xijaabkaku xidhan iskuulka lagu foorjeeyo ay odhan doonaan ‘xijaabkeyga waxba hakasheegin sababtoo ah gabar xijaaban ayaa fadhida Koongareeska, marka waxaan umaleynayaa inaan waddo fiican u furi doono ayna heli doonaan dhiirrigalin”. Ayay tidhi, Ilahan.

Source: bbc.com/