Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Maxkamadda Dastuuriga ah Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa caddeeyey in qarannimada Somaliland ay ka gudo ballaadhan tahay saddex murrashax oo u tartamaya madaxtinimo, isla markaana ay ka muhiimsan tahay doorasho la qabto shantii sanno hal mar, sidaa darteedna ay waajib tahay in wax kasta laga horaysiiyo ilaalinta qarannimada dalka.
Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo lagu warraystay barnaamijka milicsiga siyaasiga ee ka baxa telefiishanka Universal TV, kaasoo uu soo saaro suxufiga Faysal Fadh-fadhle, waxa uu xisbiyada qaranka ugu baaqay inay u hoggaansamaan xeerarka u yaal doorashooyinka iyo guud ahaanba shuruucda dalka Somaliland, waxaannu ka digay in lagu kaco wax kasta oo keenaya in laga tallaabsado sharciga.
“Iminka isha ayaannu ku haynaa sida ay wax u socdaan (hawlaha doorashooyinka), waayo halkani (maxkamaddu) waa halkii ugu saraysay waddanka xaga sharciga, markaa waxa aannu ugu baaqaynaa dhammaanba cid kasta oo ay khusayso oo weliba ay ugu horeeyaan xisbiyada siyaasaddu inay sharciga u hoggaansamaan oo aan sharciga laga bixin. Maalin dhawayd Guddida Doorashooyinku waxa ay sheegeen in sharcigii laga baxay, (markaa waa) in sharciga la ilaaliyo, loona hoggaansamo, waayo sharciga ayuun baa wax lagu yahay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Waxaannu intaas raaciyey; “Haddii sharciga la iskala baxo waxba ma soconayaan, markaa annagu waannu garab taaganahay Guddida Doorashooyinka, waanan la shaqaynaynaa, waddankuna xaalad kala-guur ah ayuu ku jiraa ee waa in sharciga la ilaaliyo oo lagu dhegenaado oo ay doorasho xor ah, xallaala oo hufan ay ka dhacdo waddanka, xeerarka doorashooyinkana loo hoggaansamo, hay’ad walba oo dastuuri ahna shaqadeeda qabsato, taas ayaannu ugu baaqaynaa.”
Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ka hadlay muhiimadda qarannimada iyo nabadgelyadu u leedahay bulshada reer Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxa kaloo aan dadka waddankan Somaliland si guud aan ugu baaqaynaa inay nabadda, wada-jirka iyo walaaltinimada ilaashadaan, waayo taas ayaa ka muhiimsan. Qarannimada Somaliland way ka gudo ballaadhan tahay saddex murrashax oo qarannimada ayaa ka muhiimsan doorasho mar dhacaysa, iyada ayaana ka qiimo badan, dadkanina dagaalo badan ayey galeen, colaado ayey galeen, dhibaatooyin badan ayey galeen, nabadaas ayeyna ku caano-maaleen oo ay wax ku barteen oo ay ku barbaareen, kuna horumareen oo ku badhaadheen in la ilaaliyo nabadda iyo wada-jirka, taasina waa waajib keenaysa in qof kastaaba uu sharciga la ilaaliyo.”
“Maadaama oo aannu nahay hay’addii saddexaad ee qaranka, weliba ah hay’adda garsoorka ee loo soo ashkatoonayey waxa aannu u taaganahay in aannu Guddida Doorashooyinka kala shaqayno wixii ay nooga baahdaan, haddii ay tahay inay xeerar nooga baahdaan amma fasiraad sharci nooga baahdaan, si dhawna waannu u wada shaqaynaa, cid walbana waxa aannu ugu baaqaynaa in sharciga la wada ilaaliyo, sababtoo ah sharciga ayuun baa wax lagu yahay, waayo haddii aynu nahay ummadda reer Somaliland waxa inoo dhexeeya dastuurka iyo shuruucda ka farcantay, markaa Maxkamadda Dastuuriga ah isha ayey ku haysaa (arrimaha khuseeya doorashooyinka), waana mus-dambeedka u dambeeya ee loo soo noqonayo, waxaanna lagama maarmaan ah in mar walba sharciga la ilaaliyo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Waxa kaloo uu tilmaamay in Maxkamadda Dastuuriga ah ay dhinacyo kala duwan ka soo gasho arrimaha doorashooyinka iyo go’aan ka gaadhista khilaafyada siyaasiga ah anma sharci ee khuseeya xisbiyada qaranka, isagoo sidoo kale xusay inay ka garnaqaan dacwadaha u dhexeeya xisbiyada marka loola yimaado.
“Imminka kalsooni badan ayaa lagu qabaa garsoorka oo dadka oo dhan waxa ay hadda dacwadaha ula yimaadaan hay’adaha garsoorka, waxaanna noo yimaad hay’adaha amma dadka dhexdhexaadiya khilaafyada yimaad, waxayna noo sheegaan in aannu kala wareegnay shaqadii ay hore u hayeen, markaa si fiican ayey hawshu noogu socotaa, waxaanan doonaynaa in aannu halkaas ka sii wadno,” ayuu yidhi Aadan Xaaji Cali.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa sidoo kale hay’adaha dawladda iyo bulshada rayidka ah ugu baaqay inay ilaaliyaan shuruucda u yaal Somaliland, waxaannu yidhi; “Waddanku waxa uu waddan ku noqdaa sharciga iyo kala dambaynta, sharciga oo la ixtiraamo iyo saraynta sharciga, waxaanan ugu baaqi lahaa hay’ad kasta iyo cid kasta in sharciga la ilaaliyo, kala dambaynta la ilaaliyo, lana ixtiraamo, dawladnimaduna halkaas ayey fadhidaa, waayo, haddii sharciga la ilaalin waayo dawladnimo ma jirayso, dastuurka iyo xeerarka kale ee ka farcamayna waa sida ay dadku u ixtiraamaan.”
Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Waxa kaloo aan ugu baaqayaa in maadaama aannu isbeddel ku wadno garsoorka, in iyaguna (bulshadu) ay isbeddelaan oo ay Ilaahay (SWT) ka baqaan, xaqoodana raadsadaan, marka laga gar helana ay u istaagaan (aqbalaan), dacwadaha aannu ka garnaqno waxa laga yaabaa in go’aanka laga soo saaro aannu kaa farxin, laakiin dhinaca kale (ee dacwadu idinka dhexaysay) ayaa ku farxaysa, markaa ku qanaca oo aqbal, haddii aanan ku qancinna waxa aad leedahay xaq ah in aad racfaan qaadato, haddii aad cabasho hayso noo kaalay, albaabadayaduna way kuu furan yihiin.”
“Waddankeena waxa ku batay dammaca, waxa kaloo ku batay adduunyada oo la jeclaado, waxa ku batay boobka iyo in aan sharciga la ilaalin, qof kastaana waxa uu is leeyahay wax badso isagoo aan hab sax ah marayn, markaa waa in Ilaahay (SWT) loo noqdo, lana eego damiirka iyo akhlaaqda, cidda cabasho qabta amma dacwad qabtaana ay noo timaad, qannaacaduna waa qayb ka mid ah nolosha,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
“Annagu waannu dhaarsanahay oo waa in aannu si caddaalad ah ugu shaqayno dadka, xafiiska u fadhino, soona dhawayno, cid kastoo cabasho laga qabo oo dadka naga hoos shaqeeya ah ee aannu madaxda u nahay, masuuliyaddana u igmanay waa in aannu baadhno, cabashada laga tirsanayana dhegaysanno, haddii ay sax noqotana tallaabo ka qaadno,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.