Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa ka cadhootay hadal kasoo yeedhay Madaxweynaha Dalka Ugnada, Yoweri Museveni oo sheegay in Soomaaliya aannay lahayn dawlad iyo nidaam.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo ka jawaabaya hadalka Madaxweynaha Uganda,  ayaa sheegay in Museveni uu iska hadlay, wuxuuna isagoo la hadlaya Idaacada BBC-da difaacay in Soomaaliya ay ka taliso dawladda Federaalka ee uu wasiirka ka yahay.

“Waxaa jira dalal badan oo aan lahayn dawlad ka talisa, Soomaaliduna ma haystaan hay’ad dawlad nidaamsan oo maamusha, Soomaaliya, waa mid ka mid ah. Waxaa jira dalal kale balse ma sheegayo sababo diblomaasi awgeed”. Ayuu yidhi  Madaxweynaha Uganda oo dalkiisaa ciidamada ugu baddan ee AMISOM, ka joogaan Soomaaliya, iyadoo Uganda ay ahayd dalkii ugu horreeyay ee Ciidamo usoo dira Soomaaliya, isla markaana ilaa 6,000 ka joogaan, kuwaas oo ilaaliya Dawladda aan awoodda baddan lahayn ee Soomaaliya oo Villa Somalia lagu ilaaliyo.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo aan inta baddan gacanta ku hayn Soomaaliya, isla markaana awooddi weyday innay sugto ammaanka Muqdisho,  ayaa hore dalka uga eriday Ergeygii gaarka ahaa ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Nicolas Heyso, kaas oo ay ku eedeesay in uu ku xadgudbay madaxbanaanideeda.