Muqdisho(ANN)-Qarax ka dhacay Muqdisho, ayaa sababay dhimashada ugu yaraan Laba qof , halka ay ku dhaawacmeen shan qof oo kalena kadib markii qaraxaa oo loo adeegsaday Baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lala beegsaday maanta goob muhiim ah.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa, ayaa ka dhashay baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay baankinka kaalin shidaal oo ku dhow Ex Shabeele iyo xaruntii  hore ee dhismihii Baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay khasaaraha qaraxa ee sababay dhimashada iyo dhaawaca, balse faahfaahin kama bixin halka uu ku waajahnaa qaraxa lala beegsaday halkaa.

Dhinaca Al-shabaab oo sheegatay qaraxaa, ayaa ku faafisay warbaahinta taageerta in lala beegsaday qaraxa saraakiil ka tirsan dawladda oo gaadhay 7 Sarkaal, kuwaas  oo sida ay Al-shabaab sheegtay ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya,  isla markaana qaarkood ka  tirsanaayeen hay’addaha amniga iyo kuwa fulinta ee dawladda.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha lagu dilay qaraxaas ay ku jiraan saddex sarkaal oo sarsare oo ka kala tirsanaa hay’adda nabadsugida, wasaaradda arrimaha gudaha iyo xafiiska madaxweynaha dawlada Federaalka ee Soomaaliya, balse ma sheegin magacyada saraakiisha ay sheegeen inay ku dileen qaraxaa.