Moh HaashiHargeysa (ANN) Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in sheegay in uu leeyahay han siyaasadeed oo uu shacbiga ku hoggaamin karo, waxaanu tilmaamay inuu bilaabay siyaasadda wakhtigii uu ku biiray ururkii SNM.

Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, wuxuu sidaa ku sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, balse wuxuu xusay in aanu xiligan qayb ka ahayn loolanka loogu jiro musharaxnimada xisbiga tallada haya ee KULMIYE.
Maxmamuud Xaashi, wuxuu weedho faan ka muuqdo oo uu kaga hadlay taariikhdiisa ku yidhi sidan:-

“Siyaasadda kamaan bilaabin Wasiirrnimo, waxaan ka soo bilaabay meel hoose. Waxaan ka soo bilaabay anigoo 20 jir ah oo Dugsigii sarre ka baxay, ayaan ku biiray ururka SNM ee halgankii xornimada, waxaan ka soo bilaabay annigoo maamule ka soo qabtay, Buurtaa dheer ee halka ugu sarraysa Madaxweynaha tahay hoosta ayaan ka soo fantay,” Ayuu yidhi Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland.

Wuxuu ka hadlay halka uu siyaasada kasoo bilaabay, isagoo yidhi, “Maayar baan soo noqday, Xildhibaan baan soo noqday, macnihii han weyn baan leeyahay, dabcan qofka bani’aadamka ahina han buu leeyahay, han-weyn baan leeyahay, waxaan qabaa inaan hogaamin karo Ummad balaadhan, inaan horumar balaadhan samayn karo laakiin, hankaygu waa mid waaqica ka turjumaya. Ma deg-degsani oo ma lihi imika ayaan sharaxanahay laakiin ma han li’i.” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi oo dhawaaqiisa kusoo beegay xili Madaxweyne Siilaanyo safar ugu baxay dalka Ethiopia.
Dhawaaqa Wasiir Maxamuud Xaashi, ayaa dhaliyay doodo iyo su’aalo baddan, iyadoo rayal caamka Bulshadu is weydiinayaan sababta Wasiirka xiligan ku kaliftay inuu ugu biiro loolanka hore uga taagna xisbiga Kulmiye wallaw uu carabka ku dhuftay in aanu qayb ka ahayn loolaanka xiligan ee xisbiga Kulmiye, balse doodaha qaar ayaa tibaaxaya in ujeedada Wasiir Maxamuud Xaashi aanay dhaafsiisnayn is muujin keliya, iyadoo doodaha qaar sheegayaan inuu muddooyinkii u danbeeyay uu hoggaaminayay loolan isaga iyo Xildhibaan Cali Mareexaan kaga mashquuleen shaqooyinka ay qaranka u hayaan sidii daaqada looga saari lahaa Wasiirka Madaxtooyadda Xisri Xaaji Cali, balse kaanbaynkaasi ku dhamaaday natiijo la’aan iyo guuldaro, kadib markii qorshayaal baddan oo qayb ka ahaa loolanka ay ku doonayeen in Madaxweyne Siilaanyo laga dhaadhiciyo inuu daaqada ka saaro Wasiirka Madaxtooyadda ay meel mar noqon waayeen, isla markaana Madaxweyne Siilaanyo gaashaanka ku dhiftay arrimahaa, taas oo weji-gabax ku noqotay Wasiir Maxamuud Xaashi iyo kooxda uu hoggaamiyo ee uu ka mid yahay Xildhibaan Cali Mareexaan.

Si kastaba ha ahaatee Dhawaaqa xiligan ee Wasiir Maxamuud Xaashi, ayaa rayal caamka Bulshada ku abuuray doodo iyo su’aalo ay weli jawaabahoodu laa’lan yihiin, wuxuuna u muuqdaa dhawaaqiisu mid aan dhamaystirnayn oo yac-yacood, isla markaana aan ka turjumayn mawqif cad oo siyaasadeed, balse u muuqda ismuujin iyo xintan ku waajahan wasiirka Madaxtooyadda Xisri Xaaji Cali Xasan oo shiiqiyay rag baddan oo uu ka mid yahay wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi, kuwaas oo marar baddan isku deyay sidii ay isugu bahaysan lahaayeen, isla markaana saaxada siyaasada looga saari lahaa, ama ugu yaraan xayndaabka Madaxtooyadda looga fogayn lahaa, balse arrimahaa oo dhan ayaa ku dhamaaday guuldaro siyaasadeed, waxaana la rumaysan yahay in dhawaaqa xiligan ee wasiir Maxamuud Xaashi aanu ahayn mid dhaafsiisan guuldarooyinka isaga iyo xulufadiisu kala kulmeen arrimahaa, haddii aanu ahayn xeelad kale, balse waxaynu dhawri jawaabaha soo guuxaya ee dhawaaqiisa ka dhashay.

Warbixin Carraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.