Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Dhawaaqyada isu soo baxyada Taageerayaasha KULMIYE  Iyo sawaxanka, ayaa is qabsaday magaalooyinka waaweyn ee Somaliland saaka subaxnimadii hore, iyadoo Ololaha doorashadda Madaxtooyadda ee kaltanku galay maalintii saddexaad ee KULMIYE.

Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, waxa subaxnimadii hore hadheeyay sawaxanka Iyo dhawaaqyada taageerayaasha oo wata calamo Iyo istiikaro ay ku sawiran yihiin labada murrashax ee Muuse Biixi Cabdi Iyo madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Salylici, kuwaas isaga soo baxay xaafada iyo daafaha magaalada, Isla markaana Isugu tegey fagaaraha weyn ee Hargeysa Staduim  Iyo fagaarayaasha kale oo masuuliyiin ka tirsan xisbiga iyo xubno xukuumadda ka tirsan kula hadleen.

Sidoo kale kumanaan Isugu soo baxay Magaalada Burco, ayaa isugu tegey Fagaaraha weyn ee Burco, kuwaas oo si xamaasad ah Isugu soo baxay saaka waaberigii, Isla markaana hadheeyay shaaracyada Wadooyinka waaweyn ee Burco, iyagoo sita astaamaha calanka KULMIYE , istiikaro waaweyn, boodhadh ay ku qoran yihiin halkudhegyo, Isla markaana ku lesbian dirayska laga sameeyay  Calanka KULMIYE.

Sidoo kale Magaalada Xarunta ah ee Boorama, waxa tagaaerayaasha KU!MIYE oo muujiyay cududooda isu soo baxyo ku sameeyeen.

Murrashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa kala qayb galay taageerayaasha Kulmiye isu soo baxa ay saaka sameeyeen.

Ololaha isu soo baxa Magaalada Berbera, ayaa sidoo kale taageerayaasha KULMIYE ka sameeyeen halkaa, iyadoo masuuliyiinta Xisbiga iyo kuwo xukuumadda ka trsan kala hadleen.

Magaalooyinka Laascaanood Iyo Ceergaabo, ayaa Sidoo kale laga sameeyay isu soo baxyo ay taageerayaasha KULMIYE ku muujinayaan cududooda, iyadoo deegaamada kale ee gobolada Sanaaag Iyo Sool laga muujiyay taageerada Xisbiga KULMIYE.

lasoco wararka isu soo baxa KULMIYE.