Araweelo News Network

dilalkamaraykankaWashington (ANN) Nin afka soo duubtay, ayaa rasaas ku dilay saddex ka mid ah saraakiisha booliska magaalada Baton Rouge ee xarunta Gobolka Louisiana ee dalka Maraykanka, halka uu sidoo kale dhaawacay ugu yaraan afar askari oo boolis ah.
Masuuliyiinta booliska, ayaa saxaafadda u sheegay in nin ku lebbisan dirays madaw, isla markaana afka duubtay uu rasaas ku furay ciidan ku jiray hawlgal, kadib markii ay heleen fariin loogu diray lambarka 911, loona sheegay in la arkay qof laga shakiyey oo sita hub, taasoo sababtay in isla markiiba saraakiil boolis ah gurmad ku gaadhaan halka lagu sheegay ninkaas.
Hasa yeeshee, markii ay saraakiisha booliska ah gaadheen goobtii lagu sheegay ninka laga shakiyey, waxa isla markiiba lagu bilaabay rasaas lagu dilay saddex askari, halka lagu dhaawacay ilaa afar askari oo kale oo mid ka mid ah xaaladiisu halis tahay, iyadoo markii dambe boolisku toogasho ku dileen ninka hubaysan, kuwaasoo sidoo kale tuhunsan inay jiraan ilaa laba nin oo kale oo baxsad ku maqan, laguna daba jiro.
Madaxweynaha dalka Maraykanka Mr. Barack Obama oo ka hadlay weerarka lagu dilay saraakiisha booliska ah shalay, ayaa si xoogan u cambaareeyey falkaas oo uu ku tilmaamay inay tahay dambi loola badheedhay hay’adaha ammaanka.
“Si xoogan ayaan u cambaaraynayaa dilka loo gaystay saraakiisha hay’adaha ammaanka, kaasoo ah weerarkii labaad ee noociisa ah ee Maraykanka ka dhaca muddo laba toddobaad gudahood ah. Askarta la laayey waxay ku gudo jireen hawl qaran, waxanna rasaas loogu furay si fulaynimo ah,” ayuu yidhi Madaxweyne Obama.
Waxa uu ku baaqay in la joojiyo weerarka lagu khaarajiyo dadka danta guud ka shaqeeya, hay’adaha ammaanka iyo bulshada ilbaxa ah, isagoo caddeeyey inuu si buuxda u barbar taagan yahay booliska iyo hay’adaha ammaanka ee dalkiisa sidii tallaabo sharciga waafaqsan looga qaadi lahaa cidda hub kala hortagta dadka u shaqeeya qaranka Maraykanka.
“Ilaa hadda ma ogin mawqifka ka dambeeyey weerarka lagu dilay saraakiisha booliska ah, laakiin waxa aan doonayaa in aan caddeeyo in aanay jirin wax marmarsiiyo amma cudur-daar ah oo loo haysan karo rabshado lagala hortago hay’adaha sharci-fulinta, falalka noocaas ahna waxa sameeya dad fulay ah oo aanay jirin ay metelaan,” ayuu yidhi Mr. Obama.
Waxaannu intaas ku daray; “Boolisku waxa ay ka mid yihiin bulshadeenna, waana qayb inaga mid ah oo ay tahay in aynu jeclaano, isla markaana loo baahan markasta. Dhammaanteen waxa aynu nahay isku mid, hal dal oo qudha ayeynu wada leenahay, sidaa darteed, waa in aynu sida ugu fiican isku jeclaano.”
Weerarka lagu dilay saddexda askari ee booliska ah, laguna dhaawacay afarta sarkaal, ayaa ka dambeeyey markii rabshado xoogan ka dhaceen gobollo badan oo dalka Maraykanka ah, kadib laba askari oo boolis ah nin madaw ku dileen magaaladan saraakiisha lagu khaarajiyey shalay.
Bulshada madawga ah ee waddanka Maraykanka, ayaa dhigay mudaharaadyo ay kaga soo horjeedaan dilka boolisku ku hayaan dadka aan caddaanka ahayn, balse, qaybo ka mid ah dadka madaw ayaa qaatay hub ay kala hortageen booliska, iyadoo laba toddobaad ka hor toogasho lagu dilay shan sarkaal oo ka mid ah booliska Maraykanka.