Araweelo News Network
wadanishirkaHargeysa(ANN)Shirkii golaha dhaxe ee Xisbiga WADDANI, oo maalintii saddexaad saaka dib uga furmay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu kala reebay murashixiinta ku loolamay, isla markaana waxa lagu ansixiyay magcaabista xilalka uu dhowaan magcaabay Xisbigu.
Ku dhowaad 600 oo ergay, ayaa kasoo xaadiray Madasha shirka, kuwaas oo ka kala ka yimi goboladda Somaliland iyo dacalada dunidda. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ah murashaxa Madaxweynaha ee ugu tartamaya xisbiga oo aanay jirin cid la tartantay, balse loolanka ayaa ahaa mid u dhexeeyay guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Axmed Muumin Seed iyo Dr.Maxamed Xaaji Cali, iyadoo guushu raacday Dr. Maxamed Cali oo helay 581 cod, halka Axmed Muumin Seed uu helay 44.
Waxaana lagu ansixiyay shirka inuu noqdo guddoomiyaha mustaqbalka ee Xisbiga Cabdiqaadir Jirde, halka Hoggaamiyaha Xisbiga loo ansixiyay Xirsi Cal X.Xasan, kuwaas xililka loo magcaabay dhowaan cod loo weydiiyay ergooyinka.
Hase yeeshee guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Axmed Muumin Seed oo warbaahinta la hadlay markii lagu dhawaaqay natiijada, ayaa sheegay in uu la kulmay khiyaamo iyo cadaalad-daro, isla markaana aanu ku qanacsanayn natiijada.
waddanishirkii

waddanishirkii2
Shirkan golaha dhaxe ee Xisbiga WADDANI oo maalmihii ugu dambeysay hawshiisu ka socotay magaalada Hargeysa, waxa ka aloosnaa sawaxan iyo buuq, kadib markii siyaasiyiin hore uga tirsanaa xisbiga ka biyo diideen qaabka loo maamulay shirka golaha dhexe iyo saamiga la siiyay kooxda dhinaca Xisbiga KULMIYE, kaga soo wareegtay.
.waddanishirka3

waddani2