Araweelo News Network.

Dagaalka Waanu Guulaysanayaa,  Dagaalyahankayaguna Maaha Mid Is-dhiibaya Oo La Gor-gortamaya  CadawgiisaTPLF

Addis Ababa(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Ethiopia, ayaa dulaan dhanka circa iyo duqayn ku qaaday Dawlad gobolleedka Trigreega oo muddooyinkan ay si weyn isu khilaafsanaayeen dawladda Federaala ee uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed.

“Howlgalkayaga waxay ujeedkiisu tahay in aan soo afjarinno isla xisaabtan la’aanta muddada dheer jirtay isla markaana lagula xisaabtami doono shaqsiyaadka iyo kooxaha hoostaga sharciyada dalka,” sidaa waxa bartiisa Twitter-ka ku qoray Abiy Ahmed maalinta oo Sabti ah.

Raiisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa wacad ku maray duqeymo dheeri ah samaynayaan ciidankiisu kaddib markii diyaarado ay duqeeyeen waqooyiga gobolka Tigreega xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in ciidamada Tigreega ay la wareegeen gacan ku haynta goobihii militariga federaalka iyo hubkii ay wateen.

Jimcihii, ayuu sheegay in duqeymaha cirka ay mar horeba dhexdhexaad ka dhigeen “gantaallo ku dhici kara masaafo dhan 300km (186 mayl) oo lala beegsanayo meelaha ay jooggaan ee magaalada Mekele iyo meelaha kale ee ka agdhow”, sida ay ku warantay hay’adda taageersan dowladda Federaalka oo ,magaceedu yahay Fana Broadcasting Corporate.

Sabtidii ayay ahayd markii ay Baarlamaanka Ethiopia ee Federaalku ay u codeeyeen si ay u ansixiyaan dhismaha dowlad kumeel gaadh ah oo loo sameeyo gobolka Tigreega iyadoo dagaalladii ay socdeen isla markaana ay sii kordheen cabsida laga qabo dagaal dhan walba ah oo ku baaha dalka oo dhan.

 

Dowladda federaalka ee Ethiopia ayaa sheegtay in maamulka kumeelgaadhka ah uu “magacaabi doono saraakiil, hubin doono ixtiraamka sharciga, kuwaas oo ansixin doono miisaaniyadda gobolka iyo fududeynta hannaanka lagu qabanayo doorashooyinka guud ee dalka.”

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia, ayaa horre ugu guuleystay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel wuxuu caddeeyay in wuxuu ugu yeedhay “dambiilayaasha aannay ka baxsan karin sharciga iyagoo ku gabanaya is-afgarad iyo wadahadal. ayuu yidhi.

 

Xaaladda ayaa adag, iyadoo isgaadhsiinta gebei ahaanba laga jaray dalka, isla markaana si gaar ah loo hareereeyay gobolka Tigreega oo dhinacyo baddan iyo jihooyin kala duwan laga geliyay ciidamo.

Khubaro iyo diblomaasiyiin ayaa walaacsan xaaladda ka taagan dalka Ethiopia. iyagoo argagaxsan kaddib markii labo ciidan oo aad u hubaysan dagaal ka dhex bilaabmay mid ka mid ah gobollada ugu istiraatiijiga badan adduunka, basle aad u nugul oo ku yaal Geeska Afrika.

Dublamaasiyiinta iyo khuburada dhanka siyaasada ee la socda arrintan, isla markaana isha ku haya, ayaa ka digaya dagaal sokeeye oo ka dhaca Ethiopia oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika oo ay ku nool yihiin in ka baddan 110 milyan oo qof, taas oo xasiloonida mandaqada eek u harreeraysan ka dhigi karta mid saamayn weyn ku yeelata dhinacyada dhaqaalaha, amaanka iyo nollosha, sida  dalalka deriska ah Ethiopia ee Suudaan, Ereteriya, Somaliland, Djibouti, Kenya iyo Soomaaliya.

Dhinaca kale, Bayaan la soo saaray Sabtidii oo lagu baahiyay bogga Facebook ee dawladda Tigray, Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF), ayaa lagu sheegay inay ku guuleysan doonto dagaalka “xaqqa ah”, waxayna intaa ku dartay “dagaalyahankoodu aannu ahayn mid la gorgortami doonna cadawgiisa”.

Sida ay sheegayaan wararku labada dhinac midkoodna uma muuqan inuu soo dhaweynayo wadahadalka ay khubaradu sheegeen in loo baahan yahay si looga hortago musiibada iyo dagaal cawaaqib xun keena oo ka dhaca gobolka.

 

Shacbiga iyo ciidamadda Dadka Tigray-gu hadda waxay ku hubaysan yihiin hub casri ah oo gaadhi kara kursiga gaalada,” ayay raacisay, oo u muuqata tixraac caasimada Ethiopia ee Addis Ababa. Ma jirin wax tixraac ah oo ku saabsan tallaabada Sabtida ee dowladda federaalka

Khilaaf cirka isku shareeray oo u dhaxeeyey xukuumada federaalka ah ee Abiy Ahmed iyo kuwii hore ee ay isku hayeen Tigreega ayaa qarxay maalintii Arbacada kadib markii Abiy amar ku bixiyey olole militari, asagoo ku eedeeyey kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF) inay weerrareen saldhig militari oo federaalku leeyahay, isla markaana ay iskuna dayeen inay ka qaataan halkaa qalab Millateri iyo Hub yaalay.