Araweelo News Network

dadkaduqayntakudhintay

Gaalkacayo (ANN)- Ugu yaraan 22 askari ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmayn duqaymo xooggan oo diyaarado dagaal ka geysteen xero ciidanka Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Galmudug ku leeyihiin duleedka magaalada Gaalkacyo, xarunta Gobolka Mudug ee badhtamaha Soomaaliya saqdii dhexe ee habeennimadii Arbacada.
Masuuliyiinta maamul-goboleedka Galmudug ayaa sheegay in diyaarado dagaal Maraykanku leeyahay duqayn culus la beegsadeen fadhiisin ciidankoodu ku leeyahay meel ku dhow degaanka Jeexdin oo 25km dhanka bariga ka xiga Gaalkacyo, isla markaana askar badan ka dileen, kuwa kalena ka dhaawaceen, sidoo kalena gubeen gaadiid dagaal maamulkoodu lahaa.
Wasiirka Amniga Galmudug Mr. Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed) oo warbaahinta la hadlay shalay, ayaa sheegay in duqayntaas diyaaradaha Maraykanku fuliyeen oo uu xusay inay hagayeen ciidammada Maamul-goboleedka Puntand lagu dilay 22 askari oo ka tirsanaa ciidankooda, sidoo kalena ku dhaawacmeen 16 kale.
Waxa kaloo maamulka Galmudug ku dooday inay weerarka askarta badan kaga dhinteen iska kaashadeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo ciidammada maamul-goboleedka Puntland oo xiisad colaadeed ka dhexayso.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Galmudug ee Gobolka Mudug Mr. Xirsi Yuusuf Barre ayaa sheegay in ciidammada maamulkooda ee lagu dilay duqayntaasi ay gurmad biyo dhaamina u samaynayeen dad reer guuraa ah oo abaaro ka jira degaannadaasi saameeyeen.
Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaan dhankiisa weli ka hadlin duqaynta khasaaraha badan dhalisay ka dhacday degaan u dhexeeya tuulooyinka Jeexdin iyo Godad oo maamulka Galmudug ku eedeeyey inay wadajir u fuliyeen ciidanka Puntland iyo diyaaradaha Mareykanka oo saldhig ku leh garoonka Gaalkacyo.
Weerarkan ayaa ku soo beegmay iyadoo abaaro ba’an ka jiraan degaanno badan oo ka tirsan gobollada dhexe ee Soomaaliya, halkaas oo ay shacabka ku nool ka cabanayaan abaaro xooggan iyo biyo la’aan.
Geesta kale, dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in saraakiil ka tirsanaa kooxda Al-shabaab ku dileen duqayn diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn ka fuliyeen tuulada Kanjaroon ee Jubadda Hoose oo ku dhow xuduudka dalka Soomaaliya la wadaago waddanka Kenya badhtamihii toddobaadkan.
War ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka shalay, ayaa lagu sheegay inay duqeyntaas ku khaarajiyeen afar ka mid ahaa saraakiisha sare ee Al-shabaab, kuwaas oo ay tibaaxeen inuu ku jiray taliye-ku-xigeenkii xoogagga kooxdaas ee ku sugan Gobolka Jubadda Hoose oo magaciisa lagu soo gaabiyey Bashiir-dheere.
Waxa kaloo bayaanka ka soo baxay dawladda Mareykanka lagu xusay inay diyaaradahooda dagaalku duqeyntaas fuliyeen, kadib markii dagaalyahanno Al-shabaab ah weerar ku qaadeen ciidammada maamulka taagta daran ee Soomaaliya oo ku sugan Jubadda Hoose iyo la-taliyeyaal Ameerikaan ah oo la shaqeeya.

Dhanka kale, masuuliyiinta kooxda Al-shabaab ayaan ilaa hadda ka hadal sheegashada Maraykanka ee la xidhiidha saraakiishooda duqaynta duqaynta lagu dilay.