Araweelo News Network.

> Halgankii Siyaasada Ee Biden Ku Waayay Qoyskiisa, Shirqooladii Loo Dhigay Iyo Sidii Uu Guusha Ku Hantay 38 sanandood kaddib

By. Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Hargeisa Somaliland.

 

Durruufo siyaasadeed, kuwo nolloleed, Bulsho, dhaqaale, caafimaad iyo ,kuwo amni oo dhamaantood saamaynaya  shacbiga Maraykanka, ayaa ku xeernaa doorashadii taariikhiiga noqotay ee 3 November 2020.

Alt, Araweelo News NetworkLoolan adag oo u dhexeeyay Madaxweynihii hore Donald Trump oo ka socday Jamhuuriga iyo Joa Biden oo ahaa Sanater xisbiga Dimuqraadiga , ayaa ugu danbayntii Joe Biden kaga adkaaday madaxweyne Donald Trump inuu  teeram labaad sii joogo xafiiska Aqa;lka Capital Hill.

 

Joe Biden, wuxuu noqdo madaxweynihii 46aad ee Maraykanka Sabtidii wuxuuna naftiisa u soo bandhigay qaran ahaan inuu yahay hogaamiye “doonaya inaan la kala qaybin, laakiin la mideeyo” dal ay hadheeyeen aafooyin dhaqaale, kuwa siyaasadeed, ku caafimaad, kuwa nolloleed iyo kala qaybasaan cunsuriyad iyo dhwaaqyo kasoo burqanayay Trump, mudadii Afarta sannadood ahayd ee uu xafiiska joogay, isagoo qaraxyo dhaawacayay quluubta shacbiga Maraykanka ay u  muuqdeen dhawaaqyada uu dhigay bartiisa Twiterka iyo warbaahinta shaashadaha, kuwaas oo kaga darnaa duruufaha kale ee loo nisbeeyay xukunkiisa mudadaa oo  Afarta sannadood ahayd oo u dhiganta sida ay shacbiga Maraykanka muujiyeen soddon sanandood, isla markaana sababay  xaalladaha iyo duruufaha ba’an iyo jaahwareerka Buslahada ee taariikhda galay.

Mar kale, ayaa walaac iyo walbahaar ay ku abuureen shacbiga Maraykanka oo Trump ugu jawaabay codkooda, isla markaana la xaqiijiyay guusha sida weyn uga farxisay ee ay ku sunteen Joa Biden inuu si layaab leh ugu guulaystay doorashada, isla markaana helay 270 codadka Kuliyada ee loo yaqaan(Electoral Collage), kuwaas oo ah qaacidada iyo nidaamka saldhiga u ah guusha doorashada Madaxweynaha Maraykanka, tan iyo Shirweynihii Dastuurka ee 1787 ee Philadelphia.

Qaabka salka u ah doorashada Maraykanka Ergooyinka aannay la’aantood cidna Madaxweyne ka noqon karin dalka, doodaha ka taagan, ujeedada iyo ahmiyada ay leeyihiin, qaabka ay ku yimaadaan ee lagu soo xusho, cida soo xusha Ergooyinka  iyo sidoo kale duruufaha ku xeeraaa doorashada November 2020, iyo Halgankii Siyaasada Ee Biden soo bilaabay yaraantiisa oo uu ku waayay Qoyskiisa, Shirqooladii Loo Dhigay Iyo Sidii Uu Guusha Ku Hantay 38 sanandood kaddib, waxaynu kusoo qaadanaynaa qaybaha danbe ee mawduucan Insha Allah.

La soco oo u dhegtaag Qaybo kale.

By. Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Hargeisa Somaliland.

Email: Jaamac132@gmail.com