Araweelo News Network

MogadishuAirport
Mogadishu(ANN)Duulimaadyadda Diyaaraddaha ee Magaalada Muqdisho, ayaa istaagay, wixii ka danbeeyay weerarkii lala beegsaday Diyaarad ay lahayd shirkadda Daallo Salaasadii lasoo dhaafay. kadib markii Bam lagu soo xidhay Laptob.

Cabdisalaan Caato oo ah Afhayeen u hadlay xukuumadda Somalia, ayaa sheegay in ilaa dhawr iyo labaatan qof loo xidhay falkaa, balse wuxuu ka gaabsaday kuwa ay yihiin, isagoo dhinaca kale xusay inay ku jiraan dadka kasoo baxay kamarada wax duubta ee madaarka CCTV, taas oo muuqaalka laga arkay sadex nin oo laba ka mid ah ay yihiin Sirdoonka iyo shaqaalaha Madaarka oo Ninka la rumaysanyahay inuu qaraxu galaaftay ee Cabdillaahi Cabdisalaan Boodhle u dhiibaya Laptob ka hor intii aanay diyaaradu ka kicin Madaarka.

Sarkaalka u hadlay dawlada Somalia, ayaa sheegay in warabixinta kama danbaysta ah ee baadhitaankaa la shaacinayo saacadaha soo socda.
Dhinaca kale shirqoolka ay ka badbaaday Diyaaradda ay lahayd shirkadda Daallo, ayaa kashifay xaalada amaanka Madaarka Muqdisho iyo sida ay Hay’addaha sirdoonka iyo saraakiisha amaanku qayb uga yihiin qaraxyada iyo weerarada ka dhaca Muqdisho, iyadoo shirqoolka qaraxa lala beegsaday diyaaradda ay lahayd shirkaddo Daallo ay soo baxayaan tuhuno shirkaddo shisheeye iyo shaqsiyaad ka mdi ah masuuliyiinta Somalia oo ay suurta gal tahay in baadhitaanka lagu oggaado doorkii ay ku lahaayeen shirqoolka.

Baadhitaanka oo ay qayb ka yihiin hay’addo baadhiseed oo caalami ah iyo khuburo shisheeye, ayaa kashifay xaalada dhabta ah ee amaanka muqdisho iyo Madaarka Aadan cade, iyadoo Pilot. Vlatko Vodopivec oo ahaa duuliyihii diyaaradda lala beegsaday qaraxa uu ku tilmaamay amanka madaarka mid Zero ah oo aan laysku halayn karin.
leval .

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com