Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist


Maqale(ANN)-Dawlad deegaanka Tigreega ee dalka Ethiopia, ayaa sheegtay in aannay qorshaha doorashada waxba ka bedelayn xaaladda xannuunka Coronavirus ee ka jira dalka, kaas oo aafeeyay dunida oo dhan.


Madaxweyne ku xigeenka deegaanka Tigreega Dr Debretsion Geberemichael oo ka hadlay arrintaa, ayaa sheegay deegaankiisu qabsanyo doorasha u gaar ah, iyadoo aannay meesha ka madhnayn taxadirka faafitaanka Covid-19.


Dr Debretsion Geberemichael oo ah Guddoomiyaha xisbiga talada deeganka Tigreega haya ee TPLF oo warbaahinta kula hadlay magaalada Maqale, ayaa yidhi, “Dowladda Federaalka hadalka ka soo yeedhay ee ah inaan doorasha la qaban karin xili uu Coronavirus taagan yahay hadalkaasi kuma raacsanin, annagu doorashada waan qabsanaynaa, iyada oo laga taxadirayo faafitaanka fayriska COVID-19.”


Wuxuu sheegay in deegaankooda, iyadoo la dhawrayo dhanka sharciga, isla markaana laga eegayo xisbiyada siyaasadeed iyo ururrada bulshada ee ay khusayso iyo guddiga doorashadaba lagala tashanayo ay doorashadu dhacayso.


Sidoo kale, wuxuu sheegay in dawlad deegaanka Tigreega ee dalka Ethiopia doorashada uu qabanayo ay tahay mid ay ku kallifayso meel marinta go’aanka shacabka deegaanka iyo dastuurka deegaanka oo ay waajib tahay in loo hoggaansamo.


“Wixi ka dambeeya bisha December maadaamaa ay awoodda dowladeed oo dhan ay meesha ka baxayso haddii xillligaa ka hor ay doorashadu qabsoomi weydo dhibaatooyin badan ayaa dhacaya” ayuu yidhi, Dr Debretsion Geberemichael.


Sidaa awgeed ay khasab tahay in ay galaan tartan doorasho, taas oo sida uu sheegay ay dhici karto in la doorto iyo inaan nala dooranba wey dhici kartaa, balse waxa waajib ah sida uu sheegay in ay doorashada deegaankaasi qabsoonto.”Cuddurka Coronavirus ee dalka ka jira maaha inuu sabab u noqdo in xukunka lagu dheereysto” ayuu yidhi.


“Doorashada waxay dib ugu dhigtay dowladda dhexe maaha sida ay sheegeen cabsi laga qabo faafitaanka cuddurka safmarka ah ee Coronavirus, balse dowladda dhexe markii horeba ma doonayn doorashadu in ay xilligeeda ku qabsoonto” ayuu yidhi, Madaxweyne ku xigeenka deegaanka Tigreega ahna guddoomiyaha xisbiga talada deegaankaa haya ee TPLF, Dr Debretsion Geberemichael.


Dhinaca kale, hadalka Dr Debretsion Geberemichael, ayaa kusoo beegmay maalmo kadib markii Ra’isal wasaaraha Ethiopia, Dr Abiy Axmed oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa uu sheegay inay dowladdu qaadanayso tallaabbo kasta oo ay kaga hortageyso dhaqdhaqaqyo uu sheegay in ay yihiin kuwo dastuurka dalka ka horimanaya oo ay deegannada qaar ku doonayaan inay doorasha u gaar ah qabsadaan.


Ra’isal wasaare Dr. Abiy Axmed oo xaaladda dalka Ethiopia uu ku sugan yahay warbaahinta dalka farriin u mariyay shacabka wuxuu sheegay in shacabka waxyaabaha ay xuquuqdooda ku meelmarsadaan inay ka mid tahay doorashada guud oo dalka ka qabsoonta, taasoo uu ku macneeyey in ay tahay xuquuq dimuqraadiyadeed oo ay muwaaddiniintu leeyihiin.
“Iyada oo ay xisbiyada mucaaradka qaar ay aaminsanaayeen in aannay doorasho dhicin ayaan annagu ku adkeysannay doorashada inay xilligeeda ku dhacdo, waxaana bilawnay diyaar garow ballaadhan, hase yeeshee, cudurka safmarka ee Covid-19 ee dalka Ethiopia soo gaadhay ayaa nagu kalliftay inaan doorashada dib u dhigno.” Ayuu yidhi, Dr. Abiy.


Ra’isal wasaaraha Ethiopia, Dr Abiy Axmed, waxa uu ka hadlay mawqifka dawlad deegaanka Tigreega ee ay ku sheegeen in ay qabsanayaan doorashada oo aannay khusayn mawqifka dawladda dhexe dib ugu dhigtay doorashada, wuxuuna isagoo arriintaa ka hadlaya yidhi, “Si ka baxsan dastuurka dalka Ethiopia u yaallo dhaqdhaqaaq kasta oo ka hormarinaya waxay tahay khalad aad u weyn, waxayn xadgudub ku tahay shuruucda dalka iyo kan caalamka intaba.”ayuu yidhi. Ra’isal wasaaraha Ethiopia.
Dhinaca Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Ethiopia, Haweenayda magaceedu yahay Birtukan Mideksa oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay hadalka ka soo yeedhay deegaanka Tigreega uu ku noqday la yaab, waxayna ku tilmaantay mid mid sharci darro ah.


“Sida uu dhigayo dastuurka Federaalka ee dalka Ethiopia, qodobkiisa 102-aad arrimaha doorashada waxaa awood u leh guddida doorashooyinka qaranka” ayay tidhi, Birtukan Mideksa oo ka hadlaysay dhawaaqa kasoo yeedhay dawlad deegaanka Tigreega ee dalka Ethiopia.


“Doorashada heerarkeeda kala duwan waxaa qabanaya oo wakhtiga la qabanayo go’aan ka gaadhikara oo keliya guddida doorashooyinka qaranka ee dalka Ethiopia”. Sida ay ku dooday Birtukan Mideksa oo ah haweenayda guddoomiyaha u ah guddida doorashooyinka qaranka.


“Deegaan wuxuu doorasha si gaar ah u qabsan karaa marka uu codsigiisa soo gaadhsiiyo guddida doorashooyinka, guddiduna uu oggolaado codsiga deegaanka oo keli ah, mana jiro ilaa hadda deegaan codsi doorasho inuu qabsado soo gaadhsiisay guddida doorashooyinka, xilli dalka Ethiopia, uu ku jiro xaalad deg-deg ah oo uu la tacaalayo cuddurka safmarka ee Covid-19, inay deegaan xubin ka ah dowladda Federaalka ay yidhahdaan doorashaan qabsanaynaa waa nasiib darro” ayay tidhi guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Ethiopia, Birtukan Mideksa

Dhawaaqa ay deegaanka Tigreega shaaciyeen in ay qabsanayaan doorasho, ayaa sii kiciyay xiisad horre uga dhaxaysay dawladda Federaalka ee Ethiopia iyo maamulka Tigreega, taas oo soo bilaabantay markii isbeddelka siyaasadeed uu ka dhacay dalka Ethiopia ee Dr. Abiy Axmed ka noqday Ra’iisal wasaaraha, waxayna tigreega oo ahaa maskaxdii ka danbaysay in dalka Ethiopia qaato nidaamka Federaalka si weyn u dhaliileen xukuumadda Federaalka ee uu hoggaamiyo Dr. Abiy oo kasoo jeeda qowmiyada Oromia, oo markii u horreysay taariikhda dalkaa xukunka qabata.


Tigreega, ayaa ku tilmaamay qaabkii uu ku yimi Ra’iisal Wasaare Abiy xukunka in ay ahayd shirqool inqilaab ah oo markii u horreysay dibadda lagaga soo duulay dalka, waxayna ku tilmaamaan inuu bur-buriyay nidaamkii ay mudada dheer soo dhisayeen ee lagu aasaasay nidaamka cusub ee dalka Ethiopia, kaas oo uu hoggaaminayay xisbiga EPRDF, oo ay ku midaysan yihiin axsaabta dawlad deegaamada dalka.

Dr. Abiy, wuxuu si weyn isbedelo ugu sameeyay nidaamka dalka, wuxuuna dhammaan soo daayay maxaabiista u xidhnayd siyaasada ee ku jiray xabsiyada dalka, sidoo kale, wuxuu cafis u fidiyay dhammaan kooxaha jabhadaha iyo mucaaradka dalka guddo iyo dibedba, isagoo dhinaca kale soo afjaray khilaafkii iyo collaadii dhiiga badan ku daatay ee u dhexeeyay dalka Ereteria. Balse tallaabooyinka siyaasadeed ee uu qaaday ayaa lagu macneeyay kuwo degdeg ah oo dalka geliyay khatar weyn, kuwaas oo sababay in uu dhawr jeer ka badbaado inqilaab iyo dilal qorshaysan.