Addis Ababa(ANN)-Ra’isal wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed, ayaa si kulul oo aan looga baran uga hadlay rabshaddaha ka socday dalkiisa maalimihii u danbeeyay ee ka dhashay dilka Fannaankii caanka ahaa ee Hachalu Hundess, taas oo sababtay in qoomiyada uu kasoo jeedo Fannaanku ay bulaabaan mudaharaadyo rabshado watay oo gil-gilay caasimada dalka Ethiopia iyo magaalooyinka waaweyn ee kale.

 

Xaaladda ayaa noqotay mid faraha ka baxaysa, waxaana gebi ahaanba la wareegay amniga Milateriga Ethiopia ee Federaalka, kuwaas oo loo daadgureeyay caasimadda maalmihii lasoo dhaafay, si ay u sugaan xaaladda amniga ee sii xumaanay.

 

Haseyeeshee Ra’isal wasaare Abiy, ayaa sheegay rabshadihi maalmihi ugu dambeeyey ka soconayay dalkiisa ay soo maleegeen wuxuu ku sheegay cadowga dalka Ethiopia inay laamaha ammaanka Federaalka iyo Deegaanka Oromada aysoo afjareen.

Ra’isal Wasaare Abiy, wuxuu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo xaaladda dalka, isagoo si cad u sheegay in dowladdu qabatay gacan ku dhiiglayaashi dilay fannaanki caanka ahaa Hachalu Hundess, balse wuxuu xusay in ay weli hadhsan  yihiin kooxihii dilkaasi soo maleegay, kuwaas oo sida uu shaagay ay dowladdu tallaabbo adag ka qaadi doonto.

“Shaqsiyaadki dilka inay geysteen looga shakiyey waa la hayaa waxaana dilkaasi lugu ku leh shaqsiyaad qaab dhismeedka dowliga ku jira” ayuu yidhi.

“Aragtiyaha naceybka xambaarsan ee ku saleysan qowmiyad ama siyaasad dalka Ethiopia, wixi hadda ka dambeeya boos ugama bannaana, xoogagga doonayay inay dalka Ethiopia dhiig ku daadiyaanna waxaan u sheegayaa iney riyadoodaasi marnaba rumoobeynin” ayuu yidhi.

Dr Abiy Axmed oo Telefishiinka qaranka ee dalka Itoobiya ka soo muuqday isaga oo ku labbisan labbiska ciidamada ilaalada qaranka ayaa mahad ballaadhan u soo jeediyey,  Laammaha ammaanka ee Federaalka iyo Kuwa deegaanka Oromada ee sida deg-degga ah ee ay rabshadahaasi inta aannay baahin ay u so afjareen, isla markaana ay khasaaraha u yareeyeen.

Hoggaanka diimaha iyo kuwa dhaqanka oo iyagana xasilinta dalka kaalin mug leh ka qaatay iyo Hay’addaha sharciga oo iyaguna hadh iyo habeen ku howlanaa shaqsiyaadkii sharciga ku xadgudbay ee dhacdadaasi ku lugta lahaa in sharciga la horkeeno. Sida uu xaqiijiyay Ra’iisal Wasaare Abiy.

 

“Xoogagga magac qabiil ama siyaasad ku soo gabbanaya ee aan  dagaal waxa uu yahay garanayn ee doonaya inay dagaal magaalo waxa uu yahay ay na baraan waxaan ku qasbanahay inaan tusno dagaal magaalo waxa uu yahay iyo sida guusha looga gaadho, xoogagga doonaya inay facebooka ka riyoodaanna waxaan u sheegeynaa in aannay marnaba riyadoodaasi u rumoobeyn.”

“Wixi hadda ka dambeeya waa in la ogaadaa dalka Ethiopia argatiyada kala duwan ee siyaasadeed in lagu meel marin kara oo keli si nabadgalyo iyo dimuqraadiyad ah”.ayuu yidhi.

“Dambiilayaashana si degdeg ah ayaan sharciga u horkeeneynaa si mudankooda loo mariyo” ayuu yidhi Dr Abiy.

“Sida dowladihi hore dadka aan xidhno ama aan soo qabanno ciddiyaha kama guraynao, guri mugdi ahna kuma xidhayno, si aan wax u yeedhinana ma garaaceyno, si sharci ah oo sharciga waafaqsan oo keli ah ayaan kula xisaabtamaynaa mudankoodana ku marinaynaa” ayuu yidhi.

“Seddex June oo isku xigta (208-2019) ayaa la damcay in dalka Itoobiya dhiig lagu daadiyo, tii koobaad waxa la isku dayay in la I dilo, tii labaadna waxaa la dilay saraakiil iyo madax dalka ka mid ah, tan seddexaad ee sanadkanna waa tan fannanka lagu dilay ee ay ka dhasheen rabshadah ay dadka badan ku dhinteen” ayuu yidhi Dr Abiy Axmed.

Hadalka uu warbaahinta dalka Itoobiya uu ka jeediyey Dr Abiy Axmed ayaa u muuqday mid ka kulul kuwii horay looga bartay,waxaan ka muuqda hanjabaado iyo inuu qaadayo siyaasad ka duwan tan nuu xilligan dalka ku maamulayay oo ahayd mud qabow oo aan looga baran Ethiopia, taas oo khatar gelisay dalka, isla markaana sababtay dhawr jeer ammaanka Ethiopia soo waajahday cabsi mandaqada oo dhan saamaysay, maadaama deganaanshaha dalka Ethiopia ahmiyad weyn ugu fadhiyo gobolka.