abdirahman Bore

Abdirahman Bore millionaire from horn of Africa

London(ANN)Ganacsadaha Caanka ah ee u dhashay Dalka Djibouti Cabdiraxaam Boore, ayaa lagu waayay eedo muddo shan sanadood ah lala daba socday, kuwaas oo xukuumadda Djibouti ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo qardoofo siyaasadeed dhexmartay ay ku waday.

Maxkmada Dalka Djibouti, ayaa ganacsade Cabdiraxmaan Boore oo ka maqan dalka ku eedaysay inuu sameeyay falal argagixiso, waxaana magiciisa lagu daray Liiska dadka denbiilayaasha ah ee Booliska Caalamiga ah ay baadi goobaan (Inter Pol). Iyadoo xukun 15 sanadood oo xabsi ah ku riday.

Sidoo kale Maxkamada, ayaa xanibtay dhamaan hantidiisa, iyadoo sidoo kale lacagtiisa bangiyada debeda la xanibay, balse ganacsade Boore oo ah nin aqoonyahan ah oo kasoo jeeda qoys caan ku ah ganacsiga oo geyiga geeska afrika iyo meelo kale oo dunidaba aad looga yaqaan, isla markaana ganacsi balaadhan ku leh, ayaa qabsaday qareeno caalami ah, kadib markii xarunta ganacsiga caalamiga ah ee Dubai aqbashay go’anka maxkamadda Djibouti, iyadoo xanibtay lacag $ 5 million oo uu lahaa ganacsade Cabdiraxman Boore.

Tallaabada xarunta Dubai kaga xanibtay lacagta, ayaa sababtay inuu qaado olole uu kaga hortegayo go’aankaa, wuxuuna maxkamadda dalka Britain oo awood u leh inay shirkadaha iyo maalqabeenada ay is qabsadaan dawladaha ka garsoorto kiisaskooda u gudbiyay dacwadiisa, taas oo go’aankeedu noqday in waxba lagu waayo Ganacsade Cabdiraxaan Boore.

Maalqabeenka Boore oo laga xanibay hanti gadhaysa 100 milyan oo dolar, waxa u gurmaday oo arrintiisa galay dawlado waaweyn iyo Looyarada dalka Britain, waxaana kiiska lagu eedaynayo loo gudbiyay Maxkamadda sare ee Britain November 20014, iyadoo gebi ahaanba lagu waayay inuu galay denbiyada lagu eedaynayo garsooraha maxkamadda sare , ayaa ku tilmaamay in aan waxba ka jirin eedaha dawlda Djibluti ee ganacsade Cabdiraxmaan Boore . sidaana waxa lagaga saaray liiska argagixisada ee lagu daray, iyadoo maxkmaddu horaantii March 2015, kasoo saartay go’aan ka farxiyay Boore.
Ganacsade Cabdiraxmaan Boore, waxa uu waraysi uu siiyay BBC-da kaga hadlay dareenkiisa wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “waxay guul u tahay shacbiga Djibouti iyo dadka hantidooda ku leh Djibouti iyo meel walba, waana farxad weyn aniga xagayga oo aan soo dhowaynayo go’aanka maxkmadda Britain.”

Cabdiraxmaan Boore, wuxuu sheegay in mudadii shanta sanadood ahayd ee la daba socday dhibaato weyn ay qabsatay, isagoo sida uu sheegay mar walba isaka eegayay in la xidho, isagoo yidhi, “waxaan qabaa in aanay shacbiga Djibouti dan u ahayn inaan is eryano oo lacag aan loo baahnayn burburino aniga iyo madaxweynaha Djibouti. Dalkana dan uguma jirto anagana dan nooguma jirto, markaa hadda labadayadaba waan daalay, waxaan qabaa lacagtaas baddan ee aan siinay Looyarada iyo kharashka ku baxay dacwada naga dhaxaysa oo ay ahayd inaan dalka ku maalgelino”

Ganacsade Boore, wuxuu sheegay in ay ka wanaagsanayd inta ay debeda is eryanayaan inay sidii dhaanku ahaa geedka hoostiisa isla tagaan oo ku heshiiyaan, isagoo yidhi, “Madaxweynaha Djibouti waxaan usoo jeedinayaa inaan wada hadal furo hadda wixii kale waa dhamaadeen, aniga iyo qoyskaygii waa daalay, isagana waa daalay, markaa dhaqan ayaan lahayn, waa inaan wixii kale dhaqan ku dhamayno, aniga dalkayga iyo dadkayga waa u baahanay hantidaydana waxaan rabaa inaan dadka iyo dalka ku maalgashado oo uga faa;ideeyo dalkayga. Sidaa ayaa dantu ku jirtaa”ayuu yidhi Boore.
Mar la weydiiyay Cabdiraxmaan Boore inuu ka hadhay siyaasada oo mar hore uu soo qaaday inuu ka qaybgelayo, wuxuu ka gaabsaday inuu arrintaa waqtigan ka hadlo, isagoo sheegay in waqtigeeda iyo dadkeeda ay leedahay siyaasadu. Sidaa awgeed aanay hadda ahayn waxa laga hadlayaa ee laga hadlayo sidii dalka loo dalkiisa Djibouti iyo dadkiisa loo dhisi lahaa.

Ganacsade Boore oo ay saaxiib dhow ahaayeen Madaxweyne Ismaaciil Omar Geele, waxay isku dhaceen 2009. Khilaafka ayaa sababay in denbiyo culus lagu eedeeyo ganacsade Cabdiraxmaan Boore, taas oo sababtay inuu dalka ka baxo, isla markaana dibadda ka abaabulo sidii isaga difaaci lahaa xayiraaada la saaray hantidiisa iyo xukunka lagu riday, balse wuxuu ku guulaystay March horaanteedii kadib markii Madaxada Sare ee Britain go’aan kasoo saartay xukunka ku dhacay ee Maxkamadda Djibouti ku riday oo ahaa 15 sanadood oo xadhig ah.

Cabdiraxmaan Boore, wuxuu ganacsi balaadhan ku leeyahay Dalalka bariga dhexe, Bariga Afrika, South Africa iyo dunida kale, wuxuuna maalgashi baddan ku sameeyay dalkiisa Djibouti, ka hor intii aanay isku dhicin Madaxweyne Ismaciil Cumar Geele oo ay saaxiib dhow ahaayeen, balse xaaladoodu cirka sii qabatay markii sanadkii 2010 Madaxweyne Geele dastuurka dalka wax ka bedelay si uu xukunka u sii haysto. Arrintaa oo mucaaradka aan awooda baddan lahayn ee Djibouti iyo Ganacsade Boore ka cadhaysiisay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews